Mustashar Ahmed Arwo iyo Taxanihii Talo, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin-16

 


Maanta laba mawduuc oo kookooban bal se muhiim ah ayaan idinla wadaagaya..horta waa mide waxaynu tabaynaa culumo ka hadashay amuuraha inagu xeeran iyo wax yaabaha dunida ka dhacaaya..waxaad moodaa inay ku hawlan yihiin xaal adduunyo iyo aragtiyo kooban oon dhaafsanayn qolqolka...Culumow miyeyna diintu inooga digin wax badan adduun jaceylka...ciddii naga waanin lahayd bal ka waran hadday iyagu inagaba jecel yihiiin...Waxa kow ka aha amuuraha ay ka seexdeen halista shiicada oo xawli weyn ku fideysa..xataa waxay tahay ayeynaan aqoon oo aqoon darrada ayey inoo soo raacda.. Culumow waajibka diiniga ah guta oo ummadda ka badbaadiya fidno leynoo soo waarido.

Tan labaad waa aqoonsiga aanu ka filayno Golaha Deegaanka Cardiff oo ah meel aan sh akhsiyan magac iyo raadba aan ku leeyahay oon muddo toban sano ka badan Guddoomi yha Jaaliyadda ka haa. Hawshan oo muddo dheer noo socotay oo haddana guusheeda aanu berrito Insha Allah soo taaban doono, ha laga daayo xisbiyeynta oo dacaayadda aan dhaafno, itaal kasta ooy leedahay waa waxtar, mana aha mid iskakeyn hortaagay sa hiigsiga dhabta ah iyo ictiraaf caalami ah. Waa guul dhammaan Soomaliland u soo ho yotay. Waxtarka kiisa yar iyo kan weynba waa wax ina anfacaaya.