Gudoomiyihii Kulmiye ee Degmada Tog-Wajaale
Mustafe Sh eekh Abubakar Xuseen   iyo Taagee rayaashoodii Oo Ku Biiraya Xisbiga Wadani
 


Tog-wajaale (TNN) :- Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-Wajaale ee dhawaan iska casiley Xilkaasi Mustafe Sheekh Abubkar Xuseen ayaa, markii u horeysay cadeeyay in isaga iyo taageerayaashiisu ay dhawaan ku biiri doonaan Xisbiga Muaaridka ah ee Wadani isagoo erayo culus usii guntey Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cab di.

Mustafe Sheekh Abubkar Xuseen Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-wajaale oo dh awaan Xilkaasi iska casiley ayaa cadeeyay, in ay ka go,an tahey in ay ku biiri doonaan isaga i yo taageerayaashiisu Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani kadib markii uu ka go,aan qaatey rajo xumada dul hoganeysa Xisbiga Kulmiye iyo ta maamulka Degmada Tog-Wajaale oo maalinba m aalinta ka dambeysa ceebtiisa iyo fashilaadihiisu banaanka usoo baxayaan sida uu hadalka u dhigay,Waxaanu xusay in laga dareemi doono Xisbiga Wadani dardarta ay lagalaan iyo doorka ay ku yeeshaan Reer Tog-Wajaale inta kala aragti ah Maamul xumada iyo rajo xumada Kulmiye dhaxalsiisay Degmada Tog-Wajaale.

"Waxa illaahay mahadii ah in maanta ragii habeenkii nagu dirqiyayey in aanu ka baaqano Is ca silaada Xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-Wajaale ay nala joogsadeen halkii aanu taagneyn wa ayo waxey ka biyo diideen waa arintii Suldaanka ee la doonayay in lagu badelo ninkii Kastam kan ku qornaa ee Wasaarada Ganacsiga u joogay saaxiibkey Muuse Biixi ma abaaleliyo ee wuu aargutaa waxa looga tagey halkan Tog-Wajaale waa nimankii lugaha hayey ee ay kamid ahaa yeen Shucaybka Wasiirka ah Yuusuf Cali iyo Cabdi Saleebaankaa aan waxna qorin waxna akhr iyin ee Maamulka Degmada laga dhigay,iyagiyo allahood anagu taageeradayada waanu waree jinaynaa oo Xisbigaa Wadani ayaanu Geedigayaga fureynaaye waala arki doonaa wadaadada iyo anaga cida miisaan roonaata dad badan oo kalena halkaa aanu joogno ayey shuruud la,a an ku imanayaan shacbigaa jaahilyada loo duleynayo"Ayuu yidhi Mustafe Sheekh Abubkar Xus een.Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in ay si miisaan leh ugu biiri doonaan Xisbiga Mucaarid ka ah ee Wadani dhawaan.


Dhawaan ayey aheyd markii Munaasibad Balaadhan oo Sheekhal Baledka Degmada Tog-Waja ale Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan Guuleed(Wallow), uu isku shaaciyay in uu Doorashada Golaha Wakiilada u tartami doono Xisbiga Wadani taas, oo ay ka hadleen Gudoomi yaha Kulmiye Tog-Wajaale iska casiley Mustafe Sheekh Abokor iyo Gudoomiyihii Garabka Dhali nyarada ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Saleebaan ay si adag uga hadleen Munaasibadaasi iyagoo daaha ka rogay arimo badan oo ay u boqno go,day Degmada Tog-Wajaale wakhti xaadi rkan maamul xumo ka jirta oo Shacbigu wada dhadhamiyay.





Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)