musharaxa madaxweyne xigeenka xusbiga KULMIYE, OO kasoo degay
dhabaha diyaaradaha Caalamiga ah ee London
Heathrow
C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil - Saylici. Mudane Saylici waxa
halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay , taageerayaasha isbadal
doonka ah ee xusbiga KULMIYE UK, madax ka tirsan isla xusbigan iyo
dadweyne fara badan. Quraba jooga somaliland ee London UK uma kala
hadhin soo dhaweynta Mudane Saylici.
Dadyoowga sida diirran u qaabilay Mudane Saylici ayaa waxay kala
ahaayeen:Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar -Xoghayaha Arrimaha dibada ee
xusbiga KULMIYE; Mudane Ibraahim Xuseen - Guddoomiyaha Xusbiga
KULMIYE ee UK/Europe; Cabdi Daahir Cabdi Bacaw- Guddoomiye Xigeenka
Xusbiga KULMIYE ee UK/Europe; Cabdi Cali Mahdi - Guddoomiyaha
KULMIYE (West London); Mudane Maxamad Casayr- Guddoomiyaha KULMIYE
(South East London); Axmad Caddare - Xubin KULMIYE UK.
Iyo xubno kale oo tiradoodu kor u dhaaftay soddomeeye qofood. Iyo
dadyoow kale oo aad u tiro badan oo ilaa iyo imika ku soo qulqulaya
guriga lagu soo dhaweeyay Mudane Saylici ee ku yaalla xaafadda
Neesden ee galbeedka magaalada London.
Xubnaha KULMIYE ee Awdal/Salal UK ee sida habsamida leh u qaabilay
una soo qaban-qaabiyay soo dhaweynta mudane Saylici, waxa hormood ka
ahaa mudane Cali Xaamud Jibriil, waxa kale oo ku jiray salaadiin
cuqaal, dhalinyaro iyo waxgarad kasoo jeeda Awdal/Salal. Kuwaasi oo
ay ka mid ahaayeen Suldaan Xaaji Maxamad Xuseen Siciid; Suldaan
Yuusuf Suldaan Cali Cilmi; Ibraahim Daahir Cilmi; C/Jibbaar Maxamad
Rabiile Good, Cabdi Cumar Barre (oo ka socda Xariirad/Salal);
Axmed-Wali Sh Cumar Good; HiilDanYare (Boon/Salal); Ojor Daahir Ojor;
Liibaan Jaamac Rabiile Good. Iyo xubno kale oo tiro badan oo
magacdooda an halkan lagu soo wada koobi karin
Mudane Saylci muddo gaaban ayuu
joogi doonaa London UK , isagoo ka qayb qaadan doona shirweyne
ballaadhan oo laamaha xisbiga KULMIYE iskugu iman doonaan London UK.
Iyo kulamo kale oo la xidhiidha baaraarujin iyo wacyi galin ku
wajahan Isbadal doonka Somaliland ee ku nool qurbaha.
Wararkayaga danbeeto ayaynu idinkula Socodsiin doonnaa,
dhaq-dhaqaaqyada iyo soo dhawaynta Mudane Saylici iyo wixii kale ee
macluumaad ah ee la xidhiidha safarkan taariikhiga ah ee Mudane
Saylici markii ugu horreysay ugu soo kicitimay UK.
HiilDanYare
|