Musharaxa madaxwaynimo ee xisbiga UCID ayaa qoraal uu soo dhigay Barta Facebooga Ka Aqbalay raaligalintii uu siiyay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daair Riyaale Kaahin

 


WAANU KA AQBALNAY Madaxweyne Daahir Riyaale Raaligelintiisa. Hogaamiyaha dhabta ah waxa lagu gartaa markuu garowshiiyo yeesho. Madaxweyne Riyaale wax Badan buu dalkan ka soo qabtay, Milgo Iyo sharaf buu mar walba dalkan ku leeyahay. Dalkan qaladaad badan Iyo dulmi badan Oo ka dhacay cidna dusha looma saarin, taasina mar walba keentaa in ayna an waxba ka baran, oo aynaan qaladaadkeena ka faaiidaysanin. Ilaahay marwalba haynaga yeello kuwa xaqa Fahma.

Madaxweyne Daahir Riyaale maanta wuxuu inoo muujiyey inuu yahay Hogaamiye aragti dhe er, madaxda Africanka way ku adag tahay inay qirtaan qaladkooda. Bal Aynu sugno in siyaa siyiinta Somaliland inay Ummadda hor istaagaan oo qaladkooda qirtaan. Madaxweyne Riyaa le waan u qirayaa siduu dimuqraadiyada u soo dhisay 5 doorasho oo aan dhiig ku daadan Iyo daacadnimaddiisa qadiyadda Somaliland.

Ilaahay madaxda haynoo hagaajiyo.