Musharax Xamse Cabdiraxman Khayre oo ka tanaasulay tartankii Musharaxnimo ee Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodi-jeex, Jamhuuriyada Somaliland

 


Hargeysa (TNN):- Musharax xamse Cabdiraxman khayre ,ayaa maanta ku shaaciyay barta uu ku leeyaha y xidhiidhka bulshada ee facebook ga ,waxaanu yidhi:


#Go’Aan :Ka Tanaasul Tartankii Doorashadda Murashax Golaha Wakiilada MJ.

Galabta oo ay taariikhdu tahay 25.03.2021 waxaan si rasmi ah oo kama dambays ah uga hadhay tartan kii Kursiga Golaha Wakiilada ee Maroodi-jeex ee doorashada isku sidkan ee sanadka 2021 dhacaysa duru ufo siyaasadeed oo dhacay awgeed, kuwaas oo khasbay inaan qaato go’aankan dambe. Waxaan u tana asulay anigoo ku niyadsan Guud ahaan Xisbigayga Waddani gaar ahaana Gud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Xisbiga Waddani anigoo ahaa qofkii u dambeeyay ee ku soo biira ayaan qabtay jagaddii ama Xilkii ugu mu dnaa Xisbiga Sanadkii 2017-kii kaas oo ahaa Madaxa Ololaha heer Qaran ee Xisbiga. Maanta waxaan go’a ansaday in dad kale oo cusub oo laga yaabo inaad u aragtaan inaan ka soo horeeyay ugana tacab badna a aan fursad siiyo oo ay iyagu tartamaan. In lagu soo kala horeeyay balse aan la kala lahayn ama/iyo la kala mudnayn Xisbigani waa dhaqan bogaadin mudan oo ay tahay in aan anigu xoojiyo. Qofnimada hufan iyo hogaaminta toosan baa sidaa i faraysa.

Waxaan ku kalsoonahay in taageerayaashayda Sharafta iyo Gobanimada badan ee leh gobol kasta; lab iyo dheddig ; yar iyo wayn iyo beel walba ee igu garab taagnaa riyadaas aan ku rabay in kaalin sharci-dajineed oo qaran-dhis iyo hindise umadeed leh aan galo inay ka garaabi doonaan go’aankan isaga ah iguna barbar istaagi doonaan.

Waxaan u socday ma ahayn dan qofeed balse waxay ahayd mid qaran taas oo aan diyaar u ahaa inaan u huro waqtigayga, naftayda, muruqayga, maalkiina/maalkayga iyo maskaxdayda balse dedaal iyo doonis kasta oo aan sameeyay aan Alle (swt) qadaray in aanay hadda suurtoobin. Waxaan abaal aan duugooba yn idiinku hayaa taageeradii iyo taladii aad ila barbar joogteen tan iyo intii aan hawshan ku jiray. Waxaan balan idiinku qaadayaa inaan kaalin kale oo bulsho oo siyaasi ah ku sii jiri doono.

Waxaanan ilaawayn isla markaana mudan inaan si gaara u majiirto Hooyaday, Xaaskayga iyo Caruurtay da oo intii aan hawshan ku jiray aan ka gaabiyay kaalintii waalidnimo, tii saynimo iyo tii aabo-nimo ee ay ga mudnaayeen.

Ugu dambayntii, mar kale oo haboon ayaan faah faahin dheeraad ah bixin doonaa caqabadihii iyo dhaaba ddaha siyaasaeed aynu la kulanay intii geedigan aan ku jiray. Waxaan gadaal ka soo sheegi doona mura shax Golaha Wakiilada ee aan dhisayo. Waxaan idinkana idinku ixtiraami doonaa cidaha aad halkaygii ku bedeshaan ee aad taageertaan.

Waxaan Alle ka baryayaa in dalkeena iyo dadkeenu noqdo mid taabogal noqda oo aynu ku naaloono cada alad, sinaan, barwaaqo iyo xasilooni

 



Allaa Mahad leh,

Xamse Cabdiraxmaan Khayre

Murashax-hore Gole Wakiilo Maroodi-jeex