Musharax Axmed Cali Buux oo Cududiisa Taageero soo bandhigay iyo taageerayaashiisa oo Dhoolatuskii ugu Balaadhnaa ka Sameeyay Khayriyada Gabiley.
 


Mushar Axmed Cali waxa uu sheegay in haddii illaahay ku Guuleeyo Doorashada Golaha Deegaanka ... Daawo Sawiradda


Gabiley (TNN)-Musharax Axmed Cali Buux oo ka mid ah Musharixiinta Urur Siyaasadeedka Wadani uga Sharaxan Doorashada Golaha deegaanka Gabiley a yaa Shalay Cududiisa taageero ku Soo Bandhigay Fagaaraha Khayriyada Magaalada Gabiley.


Taageeraal Aad utiro badan oo Lulaya Sawirada Musharax Axmed Cali Buux ayaa Socod ku soo maray Jidadka Waawayn ee Magaalada Gabiley waxaanay sida daadka iskugu soo biyo shubteen Xarunta Khayriyada magaalada Gabiley oo ahayd halka loogu dabaal dagayay musharixiinta ururka.

Musharaxa oo Dareenkiisa ka hadlay ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay Fahanto in Waxa lagu tartamayaa tahay codkooda isla markaana ay ka fiirsadaan Xil kasnimada iyo Masiirkooda cidda ay ku aaminayaan in ay u Qalanto iyo in kale.

Mushar Axmed Cali waxa uu sheegay in haddii illaahay ku Guuleeyo Doorashada Golaha Deegaanka uu intii karaankiisa ah wax ka Qaban doono Dayactirka Danta Guud, Gaar ahaan Cusbitaalka, Bilacda magaalada, Dugsiyada Waxbarada iyo jaamacadda Timacadde.

Axmed Cali Buux waxa uu Taageerayaashiisa ugu Baaqay in ay ku Doortaan Waxa uu Bulshada u qabtay iyo Masuuliyada ay ka filayaan waxaanu ku Booriyay in ay Numberka Codaynta sifiican u Xafidaan oo laga caawiyo dadka aan waxna qorin waxna akhriyin sidii Xuquuqdooda distooriga ah ay ugudan lahaayeen.

Musharax Axmed Cali Buux oo ah Masuul Waayo Aragnimo iyo Khibrad u leh Dawladaha hoose isla markaana ka Qayb qaata horumarinta Danta Guud gaar ahaa Dhismaha Dugsiyada Waxbarasho ee Deegaanka oo uu Qaarkood ka dhisay Gabiley ayaa ka mid ah Musharixiinta ugu Miisaanka Culus ee ku jira Ururka, Siyaasigan oo muddo ku soo dhex jiray masraxa siyaasada isla markaana ka mid ahaa Xubnihii Golaha Dhexe Xisbiyada kulmiye iyo udub wakhtiyo kala duwan.
IMG_0772IMG_0777musharax axmed cali buux

Musharaxa waxaad kala Xidhiidhi kartaa:
002522-4421441
http://www.facebook.com/musharaxaxmed.calibuux
 

 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland