Mushaharooyinka ay Golaha Wakiiladu u Qoondeeyeen Madaxweynaha iyo Madaxda golayaasha Qaranka

 


 

Waxay Madaxweynaha u qoondeeyeen 65 Milyan oo Sl. Sh. ah

Hargeysa (TNN) Fadhiga Golaha Wakiiladda ee maanta ayaa la filayaa in lagu guda galo dood Xeerka Xadaynta Mushaharooyinka Masuuliyiinta Qaranku.

Xeerkan oo ah mid ay maalmahanbaa hadal hayntiisu taagnayd ayaa iftiimin doona markii ugu  horey say taariikhda Somaliland ee ay Golayaashu si cad Ummadda ugu soo bandhigaan qadarka lacagta ah ee ay Mushaharka u qaadan doonaan Masuuliyiinta ugu saraysa Dalku oo in badan lagu eedeeyo inay isticmaalaan lacaago fabadan oo aan tiradeeda la garanayn

Hadaba Nuqulk kaa mid Xeerkaasi iyo Ujeedada ay Mudanayaashu u keeneen wakhtigan ayaanu  hal kan idiin ku soo gudbinaaynaa waxaana ugu horeyn aanu idiin soo qadimaynaa Lacagta Masuul kaasta loo qoondeeyay oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu:-

Madaxweyne: 65,000,000 sh/sl
Madaxweyne ku Xigeen: 45,500,000 sh/sl
Gudoomiye Guurti 11,050,000 sh/sl
Gudoomiye ku Xigeenka 1aad Guurtida 8,450,000 sh/sl
Gudoomiye ku Xigeenka 2aad Guurtida 7,150,000 sh/sl
Gudoomiyaha Golaha Wakiilad 9,750,000 sh/sl
Gudoomiye ku xigeenka 1aad Wakiilada 8,450,000. sh/sl
Gudoomiye ku xigeenka 2aad Wakiilada 7,150,000 sh/sl
Mudanayaasha Golayaasha Xeer Dejinta 6,500,000. sh/sl
Hadaba mudanayaasha Mooshinkan keenay waxa ay u cuskadeen Xeerkan Qoddobo Dastuuri ah oo ay ku sheegeen inuu iyaga siinayo Awooda

Annaga oo tixraacayna Distoorka JSL Qodobadiisa:

38aad.faq.1aad oo tilmaamaysa awoodda Xeerdejinta Baarlamaanka iyo in Awoodaasi aanay cid kale u wareegi karin;

Qod.1aad faq.2aad oo muujinaysa in Awooda iyo Karaamada Qaranimadu uu leeyahay Shacabku,
Qod. 39aad iyo Qod.55aad oo tilmaamaya in awooddaa iyo hantida Shacabkaba uu Wakiil ka yahay Golaha Wakiiladu,

In " habaynta Nidaamayada Dhaqaale iyo lacageedba " ( qod.54aad.faq.4aad) ay ka mid tahay awoodaha u gaarka ah Golaha Wakiilada;

Faq.3aad xarafka (t) oo tilmaamaya inay ka mid tahay hawlaha ugu muhiimsan Xilgudashada Baarlamaanka in Jamhuuriyada Somaliland yeelato dhamman Xerarka ay u baahan tahay;

Anaga oo ka soo tallabo-qaadanay xaqiiqada ah in aanay jirin xeerar jidaynaya ama xadaynaya Mushaharooyinka iyo Gunooyinka:

Golayaasha Xeer Dejinta Qaranka
Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka
Madaxda kale ee Qaranka sida ay waajibinayaan Qod. 47aad, 65 iyo 87aad 98aad farqadiisa 3aad iyo Qodobo kale;

Annaga oo yaqiinsan kana duulayna baahida loo qabo in la xadeeyo lana cayimo Mushahaaryooyinka, Gunooyinka iyo Xuquuqda kale ee ay yeelanayaan Madxada Qaranku, si loo adkeeyo ku-dhaqanka mabaadiida asaasiga ah Dimuqraadiyada ee wada Xisaabtanka iyo daah-furnaanta ( accountibility and trancparency) Jamhuuriyada Somaliland.
Annaga oo aaminsan inay tahay waajibaadka aasasiga ah ee Golaha Wakiilada;

Sidii loo xakamayn lahaa musuqmaasuqa, xoojinta iyo toosinta maamul-wanaagga iyo ku –dhaqanka sharciga ( Good Governace and rule of law )
Annaga oo cuskanayna raacaynana xeer-hoosaadka Golaha:
Qod.3aad oo muujinaysa in Goluhu" u xilsaaran yahay dejinta, hubinta iyo dhowrista sharciyada Dalka..";

Qod.37aad faq.1aad iyo 2aad oo banaynaya in mudanayaashu ay xaq u leeyihiin inay Golaha soo hordhigaan soo-jeedinno (motions), hadii ay tiradoodu dhantahay kow iyo toban (11) xubnood, soo-jeedintuna qoraal tahay:

Waxaanu Golaha soo hordhigaynaa una soo jeedinayna inuu ka doodo, ansixiyona xeerka xadaynta mushaharooyinka iyo gunooyinka ( kaasoo aanu u qaybinay laba qaybood oo isku lifaaqan) iyo xuquuqda kale ee ay yeelanayaan:


a) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland
b) Madaxweyne – ku –Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland
c) Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Jamhuriyada Somaliland
d) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland
e) Guddomiye –ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Guurtida Somaliland
f) Gudoomiye –ku – xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland
g) Xubnaha Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland
h) Xubnaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland
i) Xubnaha Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland
j) Iyo Madaxda Sar sare ee Qaranka

 

 



Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargeysa /Somaliland