Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo dhambaal Tacsi ah u diray Geerida
Wasiir-ku-xigeenkii Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland
Hargeysa (TNN) :- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda
Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md.
Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha
Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi
tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, golayaasha qaranka iyo
shac abka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cismaan Axmed Jaamac oo
ahaa wasiir-ku-xig eenkii wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha
Garsoorka Somaliland oo xanuun ku soo bo oddo ah habeenkii xalay ugu
geeriyooday Cusbitaalka guud ee Hargeysa.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey shakhsi karti badan oo si
mug leh uga soo qaybqaatay dibu-dhiskii iyo horumarintii Somaliland,
waxana uu si gaar ah tacsi ugu diray aa golaha wasiirrada ee uu
marxuumku ka tirsanaa.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa
Firdowsa ka waraa biyo, qoyska, qaraabada, qaranka, asxaabta iyo
bahda siyaasadda ee uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka
siiyo.
Aamiin….Aamiin….Aamiin.
|