Muse Biixi Oo Waraysi Gaar Ah Kaga Jawaabay Su’aalo Xaasaasi Ah

Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Md.
Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Wargeyska
Geeska Afrika, wuxuu kaga hadlay arrimo kala duw an oo xaasaasi ah.
Md. Biixi, wuxuu waraysigaas kaga jawaabay su’aalo ku saabsan
xaaladda dalka, xadhiga masuuli yiinta xukuumadda ka tirsan ee u
xidhan eedaha musuqmaasuq, xidhiidhka isaga iyo Madaxwey naha, sida
uu u arko aragtida tilmaanta in geed siyaasadda lagaga xidhay iyo
qodobo kale oo xii so leh. Waraysigaas uu Wargeyska Geeska Afrika la
yeeshay wuxuu u dhacay sidan:
Gudoomiye dalku xaalado is bad-badala ayuu galay, dhawaana waxa la
soo gabagabeeyay shirkii London ka dhacay oo aad ka mid ahayd
waftigii ka qaybgalay, waxaana shirkaas laga soo saaray in Somaliya
aynu wada hadal la yeelano, waana lagu kala aragti duwan yahay wada
hadalkaas, sideed adigu u aragtaa in wada hadalkaas lagu gali karo?
Horta waxyaalo badan oo gudaheena ah ayaynu isku khilaafnaa, anigu
waxaan qabaa markay tahay dibada waynu midaysanahay, waayo dayrka
dibada waynu wada ilaashanaynaa, Koonfu rna waxaynu wada hadlaynaa
inaga oo Somaliland ah oo isku dhan, oo midaysan, oo sii tashaday,
maalintii dhawayd ee London lagu wada hadlaayayba talo loo dhan
yahay ayaa lagu tagay oo dadka inta badan laga talo galiyay.
Wada hadalka dabcan xukuumad baynu dooranay, ninkii dhaliilaya iyo
ninkii u cadhoonayaba iyadaa ina hoggaaminaysa, iyadaynu u
dhiibaynaa awooda, dawladnimaduna waxa weeye kolba qofka wakhtigaas
loo dhiibo in taladiisa la raaco, xukuumadana talo ayaa loo
jeedinayaa oo xaq bay u leeyahiin mucaaradka ,aqoonyahanka iyo
bulshada caadiga ah ee kalaba talo inay soo jeediyaan, laakiin qofka
markaas xilka haya waxa loo doortay inuu talooyinkaas badan go’aan
ka gaadho oo miduun qaato, markaas taas uu qaatay waa in lagu
gargaaraa, haddaan ku idhaahdo waxaas oo talo ah mid uun qaado waan
ku dhibay, markaas hadduu nin waliba yidhaahdo taladii aan soo
jeediyay waa la qaadan waayay oo waan cadhoonayaa dee meel ma
tagayno, markaaas arinta Koonfurta khilaaf kama jiraan qabaa, wada
hadalkaasna waxaynu ku galaynaa inaga oo qaran ah, oo dawlad la
aqoonsan yahay ah, oo laba dawladood oo isku mid ah aynu u wada
hadlayno ayaynu ka qayb galaynaa, sidaas midaan ahayn kuma galayno.
Gudoomiye waxa xidhan saddex masuul oo ka tirsanaa xukuumada, isla
markaasna xubnii firfirc oonaa ee xisbigan Kulmiye ka soo baxay ah,
xadhiga nimankaasuna dareeno badan ayuu dhaliyay oo mudaharaado
badan ayaa dhacay, waxaana jira warar sheegaya in aad madaxweynaa
kala kulantay, bal arintaas sideed u aragtaa?
Marka hore waxaan ka xumahay in raggii xisbigayagan Kulmiye
hormuudka ka ahaa ee dawladana xilka weyn ka hayay in eedaymo
caynkaas ah yimaadaan horta aad baan ugu xumahay. Wax walibana waa
ay dhacaan, Waxii dhacana xal baa loo helaa, xalka loo helaana waxa
weeye in runta waxa dhacay la gaadho, waa runtaaye madaxweynaa waanu
iska aragnay, aragti midaysan baanu ka leenahay, oo dadka wixii
cadaalad doonaya oo dhami ay ka midaysan yihiin, waxa weeye
nimankaas cidbaa eedaysay oo danbi fool xun ku eedaysay, rag bay
ahaayeen aanan ka filayn inay waxaas oo kale ka yimaadaan,
bila’aadam baynu nahay oo anigu odhan maayo, qofka bila aadanka ahi
ma danbaabo, laakiin rag miisaankooda iyo karaamadooda lahaa bay
ahaayeen.
Haddaba waxaanu u baahanahay in cididi eedaysay in maxkamad cadaalad
ah oo lagu wada kal soon yahay iyo ciddii baadhayba in la keeno ama
ciddii eedaysay eedda ay qaadato, waa arin culus, waxay u baahan
tahay in gunta la gaadho, sidaas darteed anagu waxaanu ku heshiinay
madaxweynaha in nimankaas maxkamad cadaalad ah oo baadhistu xaqsoor
tahay, nina aan waxa uu gaystay laga dhaafin, waxa aanu gaysan aan
la dul saarin in aan helno. Haddaba taasaa wakhti habsana qaadatay,
waad ogtahayoo waa arin culus baadhisteedu iyo cadaaladeedu, haddii
ay daahday dee culayskeeda ayay leedahay, laakiin nimankaas waxaan
ka taagnahay waxii waxaas ku soo eedeeyay waa in cadaynteeda la
helaa, ma noqonayso in la yidhaahdo hala sii daayo, waayo nimanka
waa la dilay, waa in lays daafacaa oo fagaare loo dhan yahay ama ay
wax ku raacaan ama wax kaga hadhaan.
Isbedel ayaa dhawaan xukuumadiina lagu sameeyay, wasiirada xilka
laga qaadayna waxa kamida wasiirkii maaliyada oo dad badan ay
aaminsan-aayeen waxan ay dawladu ku faantaba inuu isagu qabtay,
hadday tahay miisaaniyad kordhin, hadday tahay mushahar kordhin,
hadday tahay arda yda oo dugsiyada bilaash looga dhigo, bal isku
shaandhayntii madaxweynuu uu dhawaan sameeyay guud ahaan siday kuula
muuqataa?
Horta marka hore awooda shaqada inuu wasiirada qoro iyo inuu ka
badalo madaxweynaha ayaa leh oo taas faragalin mayno oo waa distoori,
mana odhanayno muxuu go’aankaas u qaatay, markii uu magacaabayay
wasiiradana muxuu hebel u magacaabay, waayo madaxnimada ayaa horta
imtaxaan ah, ninka madaxweynaha ah waxa la yidhi go’aan qaado,
markuu go’aankii qaatana bulshada in badan way diidaysaa in badana
waa ay ku raacaysaa, markaa madaxnimada ayaa ciqaabtaas iska leh.
Ninka la bedalay waa Maxamed Xaashi, waa halyay qaran, waxa uu kamid
yahay aas-aasayaashii SNM, oo maanta isaga iyo Xasan Ciise Jaamac
ayaaba ka nool, halyay qaran oo waxaad ogayd bilaabay karaamadiisa
ayuu leeyahay, ta labaad wa nin la ogyahay kartidiisa oo shaqo kasta
oo uu qabto waligii waa uu ka soo dhalaalaa, madaxweynaana saaxiib
bay ahaayeen halgankii, markii horana iyagaa isku yeedhay oo wada
shaqeeyay, imikana waa laba oday oo sidan door biday, taas anigu
intaas u dhaafi maayo, mana faro galinkaro.
Lakiin waxaan kugu raacsanahay Maxamed Xaashi waa shaqsiyad cajiiba
marka la eego kartidiisa, waxa uu qaban karo waa qof bila’aadam ah
dadka ugu karida badan.
Waxaad kamid ahayd madaxdii Kulmiye ee qayb libaax leh ka soo
qaadatay inuu Kulmiye guulays to, laakiin dadku waxay leeyahiin
gudoomiye Muuse kursi baa lagu wareejiyay iyo geed baa lagu xidhay,
xidhiidhkii adiga iyo madaxweynuu waa sidee, waxase jira in la
sheegay in wasiiro kamida xukuumada ay urur siyaasadeed samaysteen,
inkasta oo ay beeniyeen, waxa la leeyahay wasiiro ayaa hortaagan oo
madaxweyniiba lama arko, madaxweynaa isna sidee lagu arkaa?
Horta madaxweynaha dadkii doortay waa 260 kun, dadkii codeeyayna
Kulmiye nusbaa u codeeyay, intii aan codayna waxay ku raaceen
codkaas la raaciyay, markaas Somaliland oo dhanbaa madaxweynahii wax
u dhiibatay, shantii boqol ee kun ee dooratay hadduu mid waliba
yidhaahdo madaxweynaa aan arko dee ma dhacdo oo sidaas laguma
shaqeeyo, maba diidana madaxweyhuu laakiin macquul baanay noqonaynba,
maamulka dawladeed waxa weeye wasaarado ayaa la sameeyay, hay’ado
badana waynu leenahay, hay’adahaas madaxdoodu waa inay madaxweynaa
la kulmaan, laakiin dadka oo dhan taasi waa maya.
Aniga madaxweynaha xidhiidhkayagu waa siduu ahaa iyo si ka sii
wanaagsan, talo guud oo qaran baanu wada leenahay, dadka odhanaaya
geedbaa lagu xidhay oo meel baad fadhidaa, xukuumadu xisbigan ayay
ka tirsantahay, barnaamijkii xibigan ayay fulinaysaa oo lagu
ilaalinayaa, xisbiga iyo xukuumadu waa isku mid, laakiin mucaaradku
inuu yidhaahdo labadooda dhexooda aynu wax ka daydayno dee ma jirto.
Xisbiga dhexdiisa waa lagu dooda hadhawna dhanbaa la’raacaa,
xukuumadu way doodaa oo dhanbaa la raaca, markaas doodu waa sax oo
waa sida wax lagu dhiso, laakiin waa in dhinaca loo batay laysugu
lugo du’daa, haddii qolada Jaraa’idka iyo mucaaradku ay dood kasta
oo golaha wasiirada dhextimaada ay yidhaahdaan waa lagu kala jabay
oo waa lays khilaafay, haday talo ay xisbiga iyo madaxweynuu isugu
yimaadeen la yidhaahdo waa lagu kala jabay, xagaa laga helayaa dad
intay isku yimaadaan il qudha wada leh, ma dhacdo, xisbiyda waxa loo
dhisay in lagu doodo oo talo midaysan la qaato, anagu taas ayaanu
nahay oo Kulmiye markuu mucaaradka ahaaba waxa la odhan jiray waa uu
kala jabayaa oo waa uu doodaa, Kulmiye imika oo uu muxaafid yahay
waa uu doodayaa, golahiisa wasiiraduna waa ay doodayaan, madaxweynaa
talooyin badan ayaa la siinayaa, rayibuu keenayaa, rayi kalaa loo
gaynayaa, go’aanka lagu ururiyo ayaa la raacayaa.
Kulmiye aniga iyo madaxweynaa markaad ka hadasho cilaaqaad wanaagsan
oo odaynimo, oo wada shaqayn ayaa naga dhaxaysa, xisbiga iyo
dawladuna waa ay midaysan yahiin, anigu ma ogi mana jiraan ayaan ku
leeyahay qof xukuumada ka tirsan wasiir iska daaye oo xisbi kale u
olalaynaaya, waan kuu sheegayaa xukuumada ku jiri maayo.
Haddaa dadku xaggay ka keeneen madaxtooyadii
xisbi ayay furatay?
Anigu warka suuqa iyo warka mucaaradka aqbali maayo, xubnaha loogu
eed badan yahay waxa kamida wasiirka madaxtooyada waa Kulmiye Lambar
wan (Number one), waanad arki doontaan oo taariikhdaa idin tusi
doonta, Siilaanyo taariikhiyan xarunta kaliyaata ee uu sameeyay oo
uu rag badan dheeraanayaa waa xisbigan Kulmiye ayuu aasaasay,
dawladana isaga ayuu kaga danbaynayaa, markaa waa xisbigiisii waa
kii uu odayga ka ahaa, markaas xibiga Kulmiye naf iyo maalba waa uu
u hurayaa isaga iyo dawladiisuba, bilaha soo socda ee kaanbaynkana
waa aynu arki doonaa.
Gudoomiye waxa la leeyahay xukuumadiinu dadka aqoon yahan ah ayaa ku
badan, laakiin waa qaca iyo xaalada dalka jirta aan xogagaal u ahayn,
haddii la sii faahfaahiyo xagga siyaasada iyo xagga amniga
xukuumadii horaa idinkaga fiicnayd, tusaale ahaan Cali Guray oo aanu
waraysi ka qaadnay waxa uu yidhi siyaasada iyo amnigaba waxa kaga
fiicnay dxukuumadii Riyaale, siyaasiyii na Xaabsade iyo Boobe oo
imika ku soo biiray ayaa kaga jira, adigu ma u aragtaa xukuumadii
Riy aale inay idin dhaantay?
Maya, horta hayna habaarina, umaddana caqligooda yaan la caayin,
Somaliland way codaysay oo Rayaale intay ka daashay ayay Kulmiye
dooratay, markaas qof iyo laba iyo xisbi mucaarid ah iyo koox
caqligii umadda ma odhan karto, umaddii way qaldantay’oo kii horaa
sax ahaa, anagu barnaamij qoran ayaanu ku hawl galnay, barnaamijkana
sidiisii ayaanu u hirgalinaynaa kolba intii suurto gal ah, dabcan
qaladaad wa la galayaa, dawladuna waa wax balaadhan, laakiin waxa la
eegayaa intaan qalad galnay iyo intaan sax galnay kee badan, taasna
si cadaalada ayaynu isha uga eegaynaa, saaxiibkay Cali Guray iyo
Udubna waa mucaarid, waa nimankii dadku xagayaga codka ka siiyeen ee
laga tagay, inay na maagaan oo ay daldalooladayda arkaan oo
dhaliishayda ay sheegaana danta qaranka iyo taayaduba way ku jirtaa
waanu is toosin, markaas iyaga toodu waa dhaliil u dayday.
Dawladu waxay ka masuul tahay oo ay isha ku wada eegaysaa qaranka
Somaliland oo dhan, oo u qaybsama bulshooyin badan oo kala nooca
waxa kamida inta dibada inagaga nool ee qurba joo gta ah, waa in cid
danahooda iyo fikirkooda ay ka aragto ay xukuumada ku jirtaa, waxa
kamida gobalada oo waa inay isku miisaanaadaan oo ay gobal walba
cidi ka joogto xukuumada, waxa kamida lab iyo dhadig, waxa la
eegayaa qaybaha kala duwan ee da’da, waana in danahii dadka oo dhan
ay ka koobnaadaan, markaas anigu waxaan qabaa inay sidaas isugu
miisaaman tahay hoggaaminta xukuumada xisbiga Kulmiye, cidii iyadu
dhaliisha u aragtaa haddii ay sax tahay oo ay farta noogu fiiqdo
waanu saxaynaa.
Dad baa yidhaahda madaxweynuuba ma taliyo, dadka madaxweynaa ugu
dhaw dhawna waad tahay oo gudoomiyaha xisbigii talada hayayna ayaad
tahay, waxaanay dad badanu sheegaan in aanu madaxweynuu
masuuliyiintaasa qaarkoodba aqoon u lahayn?
Horta qofba waxbaa iin loo yeelaa, madaxweynayaashii maraykanka
Raygal baa ugu da’ waynaa, markii la dooranayay dad badan baa lahaa
Raygal waxba ma garanaayo haddana waxa uu noqday madaxweynihii ugu
wanaagsanaa.
Anigu madaxweynaa waan la shaqeeyaa, soddankii sanadood ee ugu
danbeeyayna waan la soo shaqaynaayay, madaxweynuu da’diisa waa uu ka
faa’ideeyaa iyo waayo aragnimadiisa, dhaliil loogu nisbeeyo taas
anigu ma qabo, dadkan yidhaahda lama arko iyo dadkan leh mataliyo
hadaanay xidhiidhba la yeelan, hadaanay aragba, wasiiradiisa iyo
shirka wasiiradana waa uu la shaqeeya, maalintii intaas oo shir buu
galaa oo aad idinkuba ogtahiin, inta kooxo kala jaada u tagaysa,
anagoo xibigii xaakimka ahaa baanu nahay yacnii inaan kulan la
yeelano madaxweynaha yaa mararka qaarkood dhiba, hay’adaha ku jira
ama kuwa gudaha ah ha’noqdeen ama kuwa dibada ah ha noqdeene,
ninkaas shaqaynaaya afar iyo labaatanka saacadood, oo aan is
leeyahay da’diisa intii ahayd in aan ahaynbuu qabtaa, ayaan horta u
arkaa.
Madaxwynuuna kaaliyayaal buu leeyahay hawlaa la qabta, wasiirka
madaxtooyadaa kamida oo wasiiradiisa kalaa kamida, xog hayntiisa
kamida, la taliyahiisa sharcigaa kamid ah, oo mar kasta u dhaw baa
jira oo ku xeersan, kuwaasuna waa waajib inay hawsha ka kala qaadaan
oo ay ka kala fududeeyaan. madaxweyne kaligii shaqeeya majiree
xafiisyo ayaa shaqeeya oo wax soo bisleeya.
Markaas anigu markaan dadka u waramo xogagaalna u ahay, warkaas la
sheegaya ee madaxweynaha iyo dadka la shaqeeya dadka sheegayaa waa
dad aan fahan sanayn habka dawladu u shaqayso ayaan qabaa.
Dhawaan faalo ayaa lagu qoray wargayska Geeska Afrika oo la leeyahay
madaxweyne Siilaanyo malaa mucaaradnimadii ayuu ku haboonaa, dhinaca
abaabulka marka laga eego miyaad aaminsan tahay taas?
Tusaale qudha ayaan ku siinayaa, shirkii London sidii uu u abaabulay
Axmed Siilaanyo miyaanu madaxweyne qarankiisii hogaamiyaya ahayn,
soo qaad arin kasta oo dalka ka timada, tii xisbiyadaa kamid ah, dad
badan ayaa yidhi xisbiyo hanaloo furo, dad badan ayaa diiday, imisa
guddi ayuu bixiyay waxay noqotay maanu raacin, abaabulka hogaaminta
uu wadi lahaa ee ka weyn maxay tahay, aniga oo Siilaanyo inbadan soo
wada shaqaynay oo dadkuna ogyahay inta goor ee aan isku dhacnay,
hadii qaladaad uu galaayo makula tahay inaan ku daba joogi lahaa,
waa laga qaban lahaa, dadku waxay doonayaan in waxyaabaha laga
doodaayo suuqa iyo warbaahinta la keeno.
Dadku waxay u yaqaaniin Siilaanyo nin macangag ah oo aan waxba
dhagaysan oo talo adag, madaxda la’la shaqeeyo waxa uu kamid yahay
kuwa ugu qaadashada og marka afkaarta nasteexa ah la siiyo, waana
tii uu ku ururin jiray xisbigan ee uu ku waday, waana tii
talaabooyinka culculus ee qaranka soo maray uu kaga badbaadiyay,
markaas ninka leh Siilanyo mucaaradkuu ku wanaagsnaa tusaalooyin
dhaba ayaanu u haynaa.
Doorashadii golaha deegaankaa ayaa soo dhaw, ururo badan oo idinla
tartamaayana waa ay soo kordheen, arimahaas sidaad uga diyaar
garawdeen?
Imika ururadii ayaa soo diyaar garoobayay, ururada yar yar halka ay
ku socdaan ee ay ka boobayaana waa anaga, shacbiguna iyaga ayaa
go’aanka leh, markaanu saaxada soo wada galno ee nin waliba waxa uu
hayo uu soo bandhigo, ayaanu arkaynaa, diyaarna waanu u nahay,
markii ururada la furayna diyaar baanu u ahayn, marka doorashada la
galayana diyaarbaanu u nahay, rajadayaduna waa boqolkiiba boqol.
Haddaynu shaqsiyadaada u soo noqono dadkaa yidhaahda Muuse Biixi waa
gudoomiyaha Kulmi ye, haddii illaahay gaadhsiiyana waxa uu doonayaa
musharax madaxweyne, waxay yidhaahdaan dadka qaar murashaxba
gaadhimaayo oo waa macangag dadka iska didinaya, bal adigu sideed
isku aragtaa?
Aniga dadkaa I qiimaynaaya, in badana bulshadaan ku soo dhex jiray,
nin imika la baranaayana ma ihi, sodankii sanno ee u danbeeyay
ninkaa bulshada hor joogaybaan ahay, in ii taqaana nin mucangag ah
oo xun oo wax laaya way jirtaa , in ii taqaana nin hagaagsan oo aan
la dhamayn karina way jirtaa, ninba si buu ii yaqaanaa, markaas
anigu imika is xukumi maayo ee bulshadu iyadaa I xukunta oo itaqaana.
Laakiin anigu xisbina waan hoggaamiyaa, murashaxna waa uu iska iman
doonaa, tartana diyaarbaan u ahay, xisbiga dhexdiisa haddii laga
tartamaayo iyo haddii Somaliland dhexdeeda laga tartamaayo, nin in
badan soo tartamay oo tartanku waxa uu yahay garanaaya ayaan ahay,
waxaana layga rabaa tartan nadiifa oo dalka wax u tara oo aan
xag-xagasho iyo dhib lahayn, shirweynii xisbiguna waa sanad kadib,
kii golaha dhaxena waa uu soo socdaa. La Soco Qaybta labaad cadadka
beri inshaalah
source:Geeska.net
|