TACSI UU DIRAYO GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE

 

 

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ah na Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabadda, ehellada, bahda Fanka iyo suugaanta, hawl-wadeennada iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta iyo guud ahaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Rashiid Bullo Ibraahim oo ku geeriy ooday Caasimadda Hargeysa niskii dambe ee xalay oo taariikhdu ahayd (28 April 2017).

Alle ha u naxariistee Marxuum Rashiid Bullo Ibraahim waxa uu ahaa tiir-dhexaad ka baxay qa ranka Somaliland iyo guud ahaan ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, waxa uu muddo ka badan nus-qarni ku dhex jiray bahda fanka, suugaanta iyo warbaahinta, isagoo ahaa abwaa n, mullaxan, heesaa iyo tumidda muusiga. Waxa kaloo uu ka mid ahaa halgamayaashii xaqu-dirirka ee af iyo addinba aan waxba kala hadhin dib-u-xorayntii waddanka Somaliland, sidoo kalena waxa uu door muuqda kaga jiray dib-u-dhiskii dawladnimada iyo nabadayntii Somalil and, waxa uu ka mid ahaa tiirarka shaqo iyo kaydka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isa goo ka mid ahaa dadkii lagu bilaabay aasaaskii idaacaddii Radio Hargeysa.

Marxuumku waxauu ahaa addoon wanaagsan oo cibaado badan, dadka xidhiidhiya oo furfur an, isla markaana jeclaa horumarka iyo wax-wadaqabsiga bulshada.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryay innuu janaddiisa fardowsa ka waraabi yo, qoyska, qaraabada iyo Shacabka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo. Aaaamiiiiin………Aaaamiiiiin…….Aaamiiin.



Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE