TACSI MADAXWEYNE

 

 

 18/11/2020


INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, k a dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Siyaasiyiinta, waxgara dka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday gala bta oo ay taariikhdu tahay 18/11/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo taariikh ku leh bulshada afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan manda qada geeska Afrika, xilal kala duwana oo uu ugu sareeyey ra’iisal wasaare ka soo qabtay dalkii la is ku odhan jiray Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa aqoonyahanadii 1950 meeyadii dalka dibediisa wax ku soo bartay, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb-qaatay shirkii beelaha Somaliland isugu yimaad een magaalada Boorama ee dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland, markii danbena waxa uu ka mid noqday siyaasiyiintii hirgeliyey hannaanka dimu-quraadiyada Xisbiyada badan ee Somalilan d ka jira, ilaa maantana waxa uu ku sugnaa dalkiisa hooyo.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, wax ga radka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 


ALLAA MAHAD LEH


Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.