Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo weftigiisa oo kulamo la qaatay
Safiirka Jarmalka ee Nairobi iyo madaxda Hay’ado kala Duwan
Nairobi (TNN) :- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada
Somaliland ee KULMIYE, ahna mu rrashaxa jagada Madaxweynaha ee
xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaamina yey ee
socdaalka shaqo u joogay dalka Kenya, ayaa maanta kulamo kala duwan
la qaatay Sa fiirka dawladda Jarmalka iyo madaxda hay’ado caalami ah
iyo kuwa Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi
maanta.
Safiirka dawladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Kenya, Somaliland iyo
Soomaaliya Amb. Jutta Frasch, ayaa shir ballaadhan kula yeelatay
xafiiskeeda Nairobi Guddoomiye Muuse Biixi iyo ma suuliyiinta
wehelinaya, waxaanay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo ku
wajahan Soma liland iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa beesha caalamka.
Mudane, Muuse Biixi waxa uu faahfaahin ka siiyey safiirka dalka
Jarmalka xaaladda guud ee uu marayo dalka Somaliland, gaar ahaan
abaarta baahsan ee saamaysay gobollada dalka Somaliland oo markii
xoolihii dhammaadeen gaadhay in shacabka reer Somaliland iyo
dawla ddu galaan gurmad lagu bad baadiyo nafaha dadka ku dhibaataysan
oo qiyaastii ah laba mal yan oo qof.
“Abaarta baahsan ee ka jirta dalkayaga ayaa sababtay in aannu dib u
dhigno doorashooyin kii dhici lahaa si aannu u galno gurmadka
dadkayaga iyo maatida gaajada iyo harraadka u dhimanaya,” ayuu yidhi
Guddoomiye Muuse.
Waxa kaloo uu ka codsaday dawladda Jarmalka inay ka hawlgasho sidii
caawimo uga gaysan lahaayeen gurmadka abaarta Somaliland oo ay guud
ahaan ka gaabisay beesha caalamka, si doo kalena uu Jarmalkii sii
xoojiyo taageerada dhaqaale iyo horumarinta kaabashaasha dhaq aale ee
Somaliland.
Dhankeeda Safiirka dawladda Jarmalka Amb. Jutta Frasch, waxay ku
ammaantay Somaliland dadaallada iyo gurmadka abaarta ee ay wadaan
shacab iyo dawladba iyagoo aan kaalmo ka helin dunida iyo weliba
abuurista hannaanka dawladnimo iyo nabadgalyada buuxda ee ka jir ta
Somaliland iyo weliba ku wada noolaanshaha xasilloonida ee waddamada
mandaqada Gee ska Afrika.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE iyo xubnaha weftigiisu waxay
kulan la qaateen madaxd a Baanka Adduunka ee fadhigoodu yahay
magaalada Nairobi, kaasi oo lagaga wadahadlay sidii Somaliland looga
caawin lahaa dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha abaaraha soo noq noqd ay.
Weftiga Somaliland ee xisbiga KULMIYE waxay hore intii ay ku
sugnaayeen magaalada Nairobi kulamo ula yeesheen Safiirrada Safiirka
Maraykanka Mr. Stephen Michael Schwartz iyo Safi irka Midowga Yurub
Mrs. Veronique Lorenzo iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo ay
dhamma antood kala hadleen arrimaha abaarta ka jirta Somaliland,
doorashooyinka iyo dib-u-dhaca ku yimi, xaaladda guud ee nabadgalyo
iyo siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.
Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kulamadaa ku
wehelinayey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed
Kaahin Axmed, Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi
Boos, Safiirka Somaliland u qaabilsan Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi
Cali, siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xubno
kale
|