Madaxweynaha Jamhuuryada Somaliland Oo Kulan La Qaa tay Safiirka
Dawladda Jabuuti U Fadhiya Somaliland
Hargeysa (TNN) :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi
Cabdi, ayaa xa fiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya
Somaliland Md. Xuseen Cumar Kawaaliye.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Somaliland maanta,
ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa
xidhiidhka labada dal ee deriska ah, isla-markaan a loo sii xoojin
lahaa.
Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cabdi
Kawaaliye, ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku bogaadiyey sida uu
muhiimadda gaarka ah u siiyey sidii uu xidhiidhka labada dal u noqon
lahaa mid midho-dhal ah, isaga oo si gaar ah carrabka ugu adkeeyey
is-kaashiga taabbo-galka ah ee ay labada dhinac ka
gaadheen dhinacyada ammaanka iyo isu socodka labada bulsho.
Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay safiirka dalka Jabuuti
u fadhiya Jamhuuriyad da Somalilnad, ayaa kusoo beegmaya xilli uu
xidhiidhka labada dal meel wanaagsan marayo, isla markaana ay
bulshada labada dhinac yihiin kuwo dhaqan iyo isir wada dhalasho
wadaaga wakhtigana si habsami leh isugu tallaabaan dhinaca xuduudaha
labada dal.
|