Munaasibad Xilka Maayarnimo Ee Magaalada Gabiley Lagula Kala Wareegayey Oo Ka Qabsoontay Gabiley

 



Gabiley ayaa noqonaya Maayarkii Lixaad ee Sifo Sharci ah ku yimaada,Iyada oo uu Xilka kala w areegay Ku-Sime Maayar oo Muddo Toban Biloodku dhaw ku-meel-gaadh ku sii haysay Gudoon ka Golaha Gabiley

.

Gabiley (TNN)-Munaasibad ballaadhan oo Xilkii Maayarnimo ay kula kala wareegayeen Gudoomi ye-ku-xigeenka Golaha Deegaanka Gabiley ee ku simaha Maayar ka ahayd Gudoonka Golaha Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) iyo Gudoomiyaha Cusub ee ay Gol aha Deegaanku doorteen Axmed Muxumed Qaalib (Axmed Samir) ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Xarunta Dawlada/hoose ee Degmada Gabiley.

Xafladan Xilka lagula kala wareegayey oo si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey ayaa waxa ka soo qayb galay Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan (Subagle), Saraakiil sar-sare oo ka socotay Wasaarada Arrimaha Gudaha, Xildhibaano ka mid ah Golaha Deegaanka
Gabiley, qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha Dhaqanka, Madaxda Ururada Bulshada, Dadwayne kale, iyo Marti-Sharaf kale oo badan.

Badhasaabka Gobolka Gabiley oo furitaankii Xaflada ka hadlay ayaa ugu horreyn sheegay in ay Sunnaha Dawladnimo ka mid tahay Isbadalladan Maamul ee Golaha Deegaanka Dhexdiisa, taasi oo uu xusay in Xafladan Xilka lagula kala wareegayaana ay ka mid tahay oo kaliya Xafladaha
Xilalka lagula kala wareegayo ee lagu waafajinayo Sunnaha Dawladnimo, waxaanu si wayn ugu mahad-Celiyey Maayarkii hore ee Degmada ku simaha ka ahayd oo uu sheegay in ay wax badan ka qabatay Degmada Muddadii ay Xilka haysay, Isaga oo Sidoo kalena Gudoomiyaha Cusubna kula
dardaarmay in uu Dadaalka halkaa ka sii wado, waxaanu ugu duceeyey in Alle ku asturo Xilkan uu Umada u qaaday.

Xasan Raage oo Isaguna ka mid ahaa Saraakiishii ka socotay WasaaradaArrimaha Gudaha, oo isaguna Carrabaabay in Xil-wareejintani aanay jirin wax Khilaaf ah oo jiraa oo la xidhiidha Day mo iyo wax noocaas ah oo la isku khilaafsan yahay, hase-yeeshee, la waafajiyey Nidaam Maa mul hadiiba ay jiraana, kuwaas oo lala xidhiidhinayo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Magaalada.

Haweenayda kaliya ee Madiga ku ah Golayaasha Deegaanada Dalka, isla markaana ah Gudoo miye-ku-Xigeenka Golaha Deegaanka Gabiley, sidoo kalena ku sime ka sii ahayd Xilka Maayarn imo Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo Iyaduna halkaa ka hadashay ayaa si mug leh uga war-bixisay Muddadii ay haysay Xilkan Maayarnimo Mashaariicdii u qabsoomay ee ay ka hir-galisay Degma da, iyo kuwa ay gacanta ku haysay ee aan dhamaystirmin ee Wali qabyada ka ah, iyo waliba kuwa ugu jiray qorshaha ee ay naawilaysay in Mustaqbalka dhaw ay ka fuliso Degmada.


Waxaanay Qodob-qodob u kala saartay Dayntii ay Iyadu la wareegtay Markii ay Xilka kala war eegaysay Maayarkii ka horreeyey, iyo Daynta ay ku wareejisay ee Sanduuqa Horumarinta ku saabsan, iyo waliba inta ay Dakhli ahaan ku wareejisay ee Qasnada Dawlada/hoose ku jirta. Waxaanay Gaba-gabadii si gaara u tilmaantay in Hadii Xubin ka mid ah Xubnaha Golaha Dee gaanka Gabiley ka mid ahi, uu kala wareegi lahaa uu Maanta kala wareegay Xubin ka mid ah Xubnaha ugu wacan ee Golaha ka mid ah, kaasi oo ay xustay in aanay ku hambalyeynayn Xilkan uu la wareegay eh, ay Alle uga baryeyso in uu ku Asturo.

Gaba-Gabadiina Gudoomiyaha cusub ee Golaha Deegaanka Gabiley Axmed Muxumed Qaalib (Ax med Samir) oo Isaguna ka hadlay Munaasibadaa uu Xilka kula wareegayey ayaa sheegay in uu Daymaysan yahay, Maadaama, oo Maayarkii ka horreeyey Wax badan qabtay, oo Isagana laga filayo in Waxqabadkaa mid la mid ah iyo mid ka sii badanba laga sugayo, oo aan laga yeelaynin in uu Marnaba hoos uga dhaco. Gudoomiyuhu waxa kale oo uu ballan qaaday in uu Dakhliga Daw llada/hoose ee Gabiley uu uga faa’iidayn doono dhinaca Waxbarashada oo uu Taakulada ugu badan siin doono Jaamacada Gabiley. Waxaanu ka codsaday Dadwaynaha in ay Alle uga
baryaan in uu ku asturo Xilkan uu u qaaday Umada.

Maayarkan maanta la wareegay Xilka Gudoomiyenimada Golaha Deegaanka Gabiley ayaa noqo naya Maayarkii Lixaad ee Sifo Sharci ah ku yimaada, Iyada oo uu Xilka kala wareegay Ku-Sime Maayar oo Muddo Toban Bilood ku dhaw ku-meel-gaadh ku sii haysay Gudoonka Golaha Gabiley, taasoo Muddadii ay haysay ka fulisay Magaalada Mashaariic tiro badan oo ay ku kasbatay Taag eero badan oo Dadwaynaha Reer Gabiley si mug leh ugu taageersanaayeen. Kuwaas oo Si gaa ra Isha ugu haya halka ay ku danbayn doonto Mashaariicdaa Tirada badan ee laga fuliyey iyo kuwa u baahan dhamaystirku.




Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland