Munaasibad si heer sare ah looso agaasimay ayaa maanta kadhacday dugsiga dhexe ee xasan cawke degmada Tog Wajaale

 


Waxa maanta dugsiga dhexe ee Xasan Cawka , ee magaalada Tog-Wajaale ka dhacday munaa sibad si heersare ah


Tog-wajaale (TNN):-Waxa maanta Dugsiga Dhexe ee Xasan Cawke,ee magaalada  Tog-Waja ale ka dhacday munaasibad si heer sare ah uu u soo agaasimay maamulka Dugsiga Dhex ee Xasan Cawke , marwo Dhuux cali Aqli.

Munaasibadaa oo lagu gudoon siinayey ardaydii imtixaanka ka galay kaalinta kowaad, labaad iyo sadexaad .Waxa kala oo ka soo qayb galay dadwayne aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin waallidiintii dhashay ardayda la gudoonsiinayey jaaisadaha iyo abaal marinta ay ku mutayste en mudadii ay waxbaranayeen. Ardayda la gudoon siinayey jaaisadaha abaalmarinta ah, ayaa isugu jiray wiilal iyo gabdho aad utiro badan.


Waxaa munaasibadaa ka soo qayb galay maamulka magaala Tog-wajaale, Maxamuud Sheekh Muuse Bookh , oo ku hadalay magaca mamulka magaalada Tog-Wajaale, oo ku amaanay sida fiican ee loo soo agaasimay , waxaanu mahad gaara u jeediyey maamulka Dugsiga Dhexe ee Xasan Cawka,  marwo Dhuux Cali Aqli iyo macalimiintii dugsiga ka hawl galayey. Waxa kale oo ka hadlay Kormeeraha Guud ee  Wasaarada Waxbarashada degmada Tog-Wajaale, Maxamed axmed Ibraahin (Maxamed Axmed-Yaasiin) , oo ku amaanay dedaalki ay muujiyeen ardayda iyo macalimiinta dugsiga dhexe ee Xasan Cawke. Waxa kale oo uu ,u soo jeediyey dadwaynah a reer Tog-Wajaale, inay iska iloobaan inay Hayadaha iyo NGO yada gaarka loo leeyahay wax ka sugaan , balse ay tahay inay wax qabsadaan,  oo ay ka maarmaan. Waxa kale oo uu Korme eraha Guud ee Wasaarada Waxbarashada degmada Tog-wajaale. Mr. Maxamed Axmed Yaasin dhaliil iyo dhaleecaynba u soo jeediyey NGO ga SOOHA , oo uu ku tilmaamay mid ku gumaysana yaan qadarka yar ee magac u yaalka ah ee ay Ku magac doonanayaan, iyaga oo aan bixin wa x la taaban karo , balse ay isku sawiraan markasta jaaisadaha ardayda la gudoon siinayey, ku waasi oo ka dhiga inay iyagu bixiyeen , kagana caawiyeen dugsiyada degmada Tog-Wajaale

Gabagabadii ardaydii kaalmaha hore galshay , waxaa abaal marinihii gudoonsiiyey maamulka Dugsiga Dhexe ee Xasan Cawka ,Marwo Dhuux Cali Aqli , oo gudoonsiiyey abaal marino kala duwan ardayda , iyadoo markii danbe ardaydu ku kala dareereen jawi farxad ku dheehan tah ay
 

 



Maxamed Cabdilaahi Qombor
Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland