Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa   shalay lagu soo dhaweeyay saddex ka mida abwaanada magaca ku leh Somaliland

 

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay lagu soo dhaweeyay saddex ka mida abwaanada magaca ku leh Somaliland oo kala ahaa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi),Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) iyo Abwaan Yuusuf Cusmaan Xandule (Yuusuf-Shaacir) munaasibadaa oo ay ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Waxbarashada ee Mu’asasada Masno Mr C/raxmaan Khayre Maamulka iyo macaliminta iyo waliba ardayda waxka barata dugsiga sare ee Ilays ayaa waxa ugu horayntii waxa si heer sare ahAbwaanada ugu soo dhaweeyay dugsiga koox ka mida ardayda dugsiga oo ku jeeniqaarnaa ama uu ka muuqday labiskii Hidaha iyo Dhaqanka intaa ka dib waxa ay Abwaanadu kala hadleen ardayda Daabuurka Dugsiga iyagoo aad uga mahad naqay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Dugsiga oo ay ku tilmaameen inay tahay mid taariikhi ah oo aanay ilaabi doonin waxa ugu horayntii halkaa kala hadlay ardayda Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi Abwaanku isaga oo ka hadlaya shucuurtiisa ku aadan munaasibadan ayaa waxa uu yidhi “Xiisaha iyo kalgacalka aad nagu soo dhawayseen si looga abaal gudo garan mayno anagu niyadbaanu u keenaynaa inaanu idinka mid noqono oo marwalba idiin nimaadno waayo waxaanu arkaynaa culayska aad saarteen Maamul, Macalimiin iyo Ardayba Munaasibadan iyo tii anigu aan joogay ee ka horaysayba, anagu waxaanu doonaynaa mustaqbalka inaanu saaxiib la noqono Dugsiga Ilays”

Abwaanku waxa uu aad ugu dheeraaday inay tahay xaq ay da’yartu ku leeyihiin Waayeelka inay marwalba u tagaan waxna u sheegaan isagoo u soo jeediyay ardaydu inaanay ku koobnaan oo kaliya duruusta ay dhiganayaan balse ay tahay inay qalin iyo buug la hoos joogaan kolba cida ay wax ku tuhmayaan

Abwaanku waxa uu aad ugu dhiiri galiyay ardayda inay yihiin madaxdii wadanku tirsanayay mustaqbalka sidaa darteed ay tahay inay u diyaar garoobaan loona baahan yahay inay sifo ka duwan tii dadkeena hore u mareen xukunka iyo hogaaminta dalka ay u maraan ay tahayna inay imika ay da’yartu ka qaybgasho hawlaha umadu leedahay.

Abwaan Hadraawi waxa uu halkaa ka soo jeediyay gabay aad u kooban balse macnaha uu ku fadhiyaa aad u balaadhan yahay gabaygaasi oo uu abwaanku sheegay inuu u hibeeyay Dugsiga Sare ee Ilays oo sanadkii hore munaasibad tan oo kale ah oo u qabteen ardaydii hore ee dugsiga ka baxday ugu balan qaaday inuu gabay Ilays ku cadahay soo samayn doono kuna kaliftay sida uu abwaanku sheegay kalgacaylka iyo soo dhawaynta uu kala kulmay Dugsiga waqtigaasi.

Waxa isaguna hadalka la wareegay Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) oo isaguna aad ugu mahadnaqay soo dhawayntaa ay kala kulmeen Dugsiga isagoo ku tilmaamay inuu dugsigani yahay mid u qalma magaca Ilays waxana uu u soo jeediyay inaanay ardaydu fududaysan oo aanay yaraysan xilka culus ee sugaya.

Waxa isna halkaa kala hadlay Abwan Yuusuf Shaacir oo isna mahadnaq ka dib tilmaamay inay sifo wanaagsan ku barteen Dugsiga waxa yaalana ay indhahooda ku soo arkeen isla markaana ay kulamo dambe la yeelan doonaan tanina tahay kulan isbarasho.

Intaa ka dib waxay Abwaanadu kulan kula yeesheen Ardayda dugsiga ka baxaysa Hoolkii loogu talo galay xafladda.

Hadaba waxa ugu horayntii kulanka ka hadlay Maamulka Dugsiga Sare Ilays Sh.C/raxmaan Axmed Cabdi oo uga waramay abwaanada in dugsigani yahay mid aan u baahnayn in wax laga sheego oo uu yahay Dugsi guud ahaan Dalka oo dhan magac iyo maamuus ku leh iyadoo guulihii ugu waawaynaa ee uu soo hooyayna ay ugu dambaysay kaalmihii ay ka galeen Imtixaanaadkii Qaranka ee ugu dambeeyay oo uu tilmaamay inay 15 kii kaalmood ee ugu sareeyay Somaliland hablo iyo inamoba ay ku lahaayeen saddex meelood meel ahaan taasina tahay hadafka dugsiga iyadoo ujeedooyinka dugsiga loo aasaasayna ay tahay in la soo saaro arday karti iyo aqoonba leh oo dhinac walba ka dhisan.

Waxa isna kulankaa ka hadlay Macalin ka mida macalimiinta dugsiga wax ka dhiga Maxamed Axmed Beddel oo ah maclinka somaliga iyo suugaanta ee dugsiga oo isna inbadan ka sheekeeyay taariikhda Awaanadani kaga jiraan guud ahaanba somaalida isagoo talooyin wax ku oolana usoo jeediyay ardayda ugana mahad naqay sida wanaagsan ee ay u maamuseen abwaanada.

Intaa dabadeed waxa ay abwaanadu halkaa ka akhriyeen maansooyin dhawra iyada oo Yuusuf Shaacir iyo Hadraawina aad u lafa gureen silsiladii Siinley ee caanka noqotay iyo sida ku soo baxday .

Waxa kale oo kulankaa gabayo Carabi iyo Somaliba iskugu jiray oo ay kaga hadlayeen dugsigan Ilays kuna soo dhawaynayeen Abwaanada ka soo jeediyay qaar ka mida ardayda dugsiga wax ka barata .

C/risaaq Jaamac Nuux (Shariif) oo ku hadlayay magaca ardaydii dugsiga ka baxsday ayaa isna aad ugu hambalyeeyay ardaydu sida ay u soo dhaweeyeen abwaanadan qaaliga abwaanadana uga mahad naqay waqtiga ay u soo hureen inay u si ay ugu faa’iideeyaan da’yarta.

Gabagabadii waxa abwaanada su’aalo waydiiyay ardayda ugu dambaytiina waxay ay ardaydu gudoonsiiyeen abaal marino ay ugu talo galeen abwaanada.

Maaha markii ugu horaysay ee munaasibad noocan oo kale ahi lagu qabto dugsiga ilays ee waxa isna sanadkii hore ay si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen ardaydii hore ee dugsiga ka baxday Abwaan Hadraawi.
 

 

 

 


Waaheen