Munaasibad lagaga hadlayay laguna soo bandhigay tamarta dib loo cusboonaysiiyo ee Solar Energy ayaa shalay lagu qabtay saylada xoolaha ee magaalada Hargiesa.

 

 

Hargeysa (TNN)-Waxa munaasibadan soo agaasimay Ha’yadaha HAVOYOCO iyo ADRA isla markaa si waxa mashruucan maal galiyay EU (European Union). Waxa goobtaasi lagu soo bandhigay qala bka solar-ta ee ku shaqeeya tamarta cadceeda waxan dheeraa ciyaaraha Circus Show ee isugu jira qalaama rogodka, jugglinka iyo ciyaaraha fudud oo ay soo diyaarsheen Circus Somaliland HAVO YOCO.

Ugu horayntii waxa xaflada furay agaasimaha fulinta ee HAVOYOCO Mr. Ismaaciil Maxamed (Dhool ayare) oo halkaasi mahadnaq balaadhan ugu jeediyay dadweynihii tirada badnaa ee kasoo qayb galay munaasibadan lagaga hadlayay sidii looga faa’idaysan lahaa tamarta cadceeda isla markaasi na loo dhawri lahaa deegaanka iyo dhirta. Waxa sidoo kale isaguna ka hadlay munaasibad mid ka mida mas’uuliyiintii kasocotay Hay’ada ADRA Mr. Maxamed Xaamud oo ka hadlay sida ay ADRA ug a go’antahay in Somaliland laga hirgaliyo tamarta dib loo cusboonaysiiyo, sheegayna sida caalam ku imika ugu faa’idaystay tamarta cadceeda.

Dhalinyarada Circus Somaliland waxay halkaasi kusoo bandhigeen drama show aad u xiiso badnaa oo dadka lagu tusayay dhibaatooyinka iyo xaalufka haysta deegaanka iyo sida looga hortagi karo iyadoo la isticmaalayo tamarta cadceeda. Waxa lagu soo bandhigay tusaale sida cadeecda looga dhalinkaro dab habeenkii wax lagu akhristo ama looga faa’idaysto siyaabo kale.

Waxa munaasibadan kasoo qayb galay inkadaban dadkabadan 800 qof.
 

 

Timacade News