Munaasibad ballaadhan oo loogu wan-qalayay degmada Balli-cabbane Gobolka Hawd


Balli-Cabane (TNN)-Munaasibaddaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ka qayb galeen Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka, Salaadiin, Madax-dhaqameed kale, Aqoonyahan, Dhakhaatiir, Axsaabta Siyaasadda iyo  ma rti-sharaf kale, ayaa Wasiiradii ka qayb galay waxa ka mid ahaa, Wasiirada, Caafimaadka, Dibu-u-dejinta, Arrimaha dibedda, Diinta iyo Awqaafta, Madaxtooyada iyo Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda.

Ugu horrayn waxa munaasibadaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Hawd Cali Cawil Cabdi oo ka hadlay Degmada cusub iyo waxqabadyada Xukuumadda. “Degmadani waa degmo  du co iyo waxqabad u baahan, waa degmo ballaadhan oo Bulsho kala duwani ku nooshahay ee magaca ayuun baa cid gaar ah u baxay. Waxaanan leeyahay iskaashiga ayaad wax ku  kas ban karaysaan, Xukuumad ahaanna mashaariic badan ayaanu u xaraynay oo ay ugu  horra yso mid aanu Wasaaradda daakhiliga ugu xaraynay inay Saldhig Boolis degmada ka dhisto.” Ayuu yidhi Badhasaabku, waxaanu sheegay in abaaro ba’ani soo foodsaareen Degmadaas, loona baahan yahay in Wasaaradaha Xukuumaddu doorkooda ka qaataan horumarinta degmada.

Suldaan Xuseen Ismaaciil oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo isna halkaa ka hadlay, ay aa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Jiilaal baa la joogaa ee madaxda Hargeysa ka timi ee  m agaalo aan Boodh ka kicin ka timi waan salaamayaa, waanan uga mahad-naqayaa waqtiga ay soo hureen..waxaanan leeyahay in horumarinta degmada loo guntado.” Ayuu yidhi  Suld aanku, waxaanu ku dheeraaday taariikhdii Degmada Balli-cabbane ee ilaa waqtigii taliskii Siyaad Barre.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Farxaan Jaamac Ismaaciil oo halkaa ka  ha dlay, ayaa dadweynaha kula dardaarmay inay nabad-gelyada ilaaliyaan, waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar ula yihiin wixii dhinacooda kaga xidhan Degmadaas. “Degmooyinka tartanbaa ka dhaxeeya oo degmo waliba waxay qabsato ayaa wax loogu  q abanayaa..Waxaan leeyahay dadweynaha Degmadan ilaashada nabadgelyada cadow  bad an ayaynu leenahay.” Ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu, waxaanu dadweynaha u jeediyay inay Ciidamada amniga la shaqeeyaan.


Wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe, ayaa sheegay in ay Wasaarad ahaan halkaa ka  hirgeli yaan Xarun Caafimaad, isla markaana ay adeegyadii Caafiamaadka halkaa ka bilaabeen, sii na wadi doonaan.

Wasiirka Arrimaha dibedda Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ka mid ahaa Wasiiradii halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Degmooyinka qaar gaabis noqda Xukuumaddu kala noqonayso degmanimada. Waxaanu ku dheeraaday kaalintii ay Degmada Balli-cabbane ka qaadatay halgankii dib-u-xoraynta SNM. “Kaalinta ay Degmadani ka gashay halgankii iyo  taariikhde eda kama geyoonayno, degmo bixinta Xukuumadduna waa siyaasad looga dan leeyahay maamul-daadejin..Laakiin, runta ayaan idiin sheegayaa ee Degmadii noqon wayda mid isku filan oo wax qabsata, waa lagala noqonayaa Degmonimada.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu dadweynaha degmadaas kula dardaarmay inay isu taagaan horumarinta degmada iyo sidii ay Xukuumadda uga heli lahaayeen wixii ay xaqa ugu leeyihiin.

Sheekh Khaliif Xasan Gudaal oo ka mid ah Golaha Guurtida oo isna halkaa ka hadlay, ayaa h adal dheer oo duco iyo waano isugu jirta ka dib, wuxuu dadweynaha Degmadaas kula   dar daarmay inay Ubadkooda ku tarbiyadeeyaan Diinta, isla markaana ay xoojiyaan  Waxbaras hada dadka iyo dhalinyarta. “Waar Diinta ha la barto, iyada ayaa lagu liibaanayaa ee Diinta ha la barto, waxbarashadana ha lagu dedaalo.” Ayuu yidhi Sheekhu.

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud oo isna halkaa ka hadlay, ay aa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay mahad-naqa ka sokow, “Badhasaabka Hawd oo degmadani hoos tagto waxaan leeyahay, waxaan filayaa in aad Magaca gobolka u bedeli doonto Hawd iyo Callaydh..maanta ayay hawshu bilaabantay oo dadweynaha degmada waxa laga doonayaa in inta dhiman ay dhamaystiraan.” Waxaanu dadweynaha kula dardaarmay inay iskaashadaan.

Xildhibaan Mataan Maxamed Hoorri oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada oo  halk aa ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay kaalinta ay degmadani ku lahayd xorayntii  So maliland. “Meel xabbaddii ugu horraysay ee Faqash laga rido waxay ka bilaabantay  Degma dan Balli-Cabbane, haddii aanay shacabku la soconin SNM-na guusha lagama gaadheen.” Ayuu idhi Xildhibaanku.

Wasiirka Madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Macallin) oo munaasibaddaas soo  gebgeb eeyay, ayaa sheegay in sababta magacaabista Degmooyinka iyo gobolladu ay tahay  maa mul-daadejin iyo horumarin.

Sidoo kale, waxa iyana halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddidii qaban-qaabada  Munaasib addaas Caaqil Axmed Daahir, Boqor Raabbi Yuusuf, Muj. Cali Guray oo ka hadlay taariikhda Degmadaas, Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, kuna hadlayay Afka Maayarka Hargeysa iyo Cumar Baade oo ka mid ah Odayaasha ugu da’weyn  Degmad aas oo baaq u diray Madaxweyne Rayaale. “Mahadda Ilaahay ka sokow, waxa  magacaab istan ku ammaanan Madaxweyne Rayaale..Nin Indho la’ Madaxweyne Rayaale ma  horjoog san karaa waa iga su’aale?” ayuu yidhi Cumar Baade oo uu hadalkkiisa ku gebogebeeyay.
 


Barkhad Kaariye
kaariye104@googlemail.com