Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey
sannad-guuradii 28 aad ee ka soo wareegtay gudo-galkii xooggagii SNM
ee caasimadda Hargeysa ee 31-kii May sanadkii 1988-kii
Hargaysa (TNN) :-_Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey
sannad-guuradii 28-aad ee ka soo wareegtay gudo-galkii xooggagii SNM
ee caasimadda Hargeysa ee 31-kii May sanadkii 1988-kii, ayaa lagu
qabtay hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal, ayaa waxa ka qaybgalay
Guddoomiyaha xisbiga KULMI YE, ahna murrashaxa Madaxweynenimo ee
xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenkiisa
Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo
Aam ina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda,
Qorshaynta, Caddaaladda iyo Ga rsoorka, labeenta halgamayaashii
ururkii SNM, dadweyne isugu jira rag, dumar iyo dhallinyaraba,
waxaanna halkaas lagu soo bandhigay muuqaal (film) xusuus gaar ah
xambaarsanaa oo ku saabs anaa gudo-galkii caasimadda Hargeysa,
burburkii ay duqayntii ciidammadii Siyaad Barre, kaas oo qiiro wayn
geliyey dadweynihii madasha fadhiyey.
Mujaahid Maxamed Cilmi Galaal oo ah Taliyihii watay ciidamadii SNM
ee Aagga Galbeed ee Hargey sa, Mujaahid Xasan Ganey oo watay qaybta
Gaadiidka Teknikada, Mujaahid Haybe Jeeni isaguna ka mid ahaa
hormoodkii gudo-galka caasimadda Hargeysa, ayaa dhammaantood hadallo
ay ka jeediyeen xafladda ku soo bandhigay xog-warrankii taariikhda
maalmihii qadhaadhaa ee ku soo maray gudo-galkii Hargeysa laga soo
bilaabo 31-kii May 1988-kii, iyagoo mid mid uga sheekeeyey
dhacdooyinkii, dagaalladii iyo jihooyinkii kala duwanaa ee ay
marayeen maalmahaas xilli ay ahaayeen ciidan aan tiradoodu ka
badnayn kun askari oo u badheedhay cududdii iyo awooddii militerigii
Siyaad Barre, balse uu hadafkoodu ahaa guul ama geeri.
Gudo-galka ciidamadii SNM ee magaalooyinka Somaliland oo ay hormood
u ahayd magaalada Bu rco oo ku astaysnayd 27-kii May 1988, kuna
xigtay Cadaadley 28-kii May oo ahayd saldhig balla adhan oo uu lahaa
taliskii Siyaad Barre iyo Hargeysa oo 31-kii bishaas la galay, waxay
mujaahidii ntu si qoto dheer u faahfaahiyeen dagaalladii ka dambeeyey
eek a socday gudaha dalka muddo laba sanno ah oo xidhiidh ah, kuwaas
oo lagu waayey boqolaal Mujaahid, isla markaana ay ku bu rburtay
malaayiin hanti ahayd oo shacabku lahaayeen, taas oo aakhirkii
dhashay guushii ballaa dhnayd ee xooggagii SNM kaga xorreeyeen gebi
ahaanba dalka nidaamkii kaligii-taliska ahaa ee Siyaad Barre, isla
markaana horseedday dib-ula-soo noqoshadii madaxbannaanida
Jamhuuriya dda Somaliland ee lagu dhawaaqay 18 May 1991.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Muj. Maxamed
Kaahin Axmed oo ka mid ahaa saraakiishii ciidankii SNM ee galay
magaalada Burco 27-kii bishiii May 1988-kii oo isaguna madasha ka
hadlay, ayaa sheegay in gudo-galkii SNM ee magaalooyinka dalka uu
sabab u ahaa heshiiskii dhexmaray dawladihii Ethiopia iyo Somalia oo
labadoodaba ay ku furnaayeen dagaallo jabhadeed, kaasoo dawladdii
Ethiopia ku wargelisay hoggaankii SNM inay faaruqiyaan fadhiisimihii
ay ku lahaayeen gudaha dalkeeda, kadibna ay go’aansadeen inay gudaha
u galaan magaalooyinka dalka ee cadowgu haystay.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Md. Cali
Xuseen Ismaaciil (Cali-shoo mbe), ayaa si hufan uga hadlay qiimaha uu
lahaa guud ahaan halgankii SNM, gaar ahaana maalma haasi xooggagii
naftood-hurayaashu gudaha u soo galeen magaalooyinka dalka, waxaannu
ku baaqay in xuska maalmaha noocaas oo kale ah la xasuusnaado oo
maanka lagu hayo.
Sidoo kale, Hamish Wilson oo ah muwaadin u dhashay dalka ingiriiska,
isla markaana goob-joog ka ahaa halgamadii ururka SNM ka galeen
agagaarka gobolka Maroodi-jeex oo isaguna xafladda ka qaybgalay,
ayaa dadka dib u xasuusiyey xannuunkii iyo dhibaatooyinkii uu
xaadirka u ahaa ee ka dhashay dagaalladii dhexmaray SNM iyo
ciidammadii Siyaad Barre, iyo weliba burburkii hantida iyo guraha
caasimadda Hargeysa ay u gaysteen duqayntii arxandarrada lahayd ee
uu u gaystay nid aamkii Siyaad Barre, waxaannu tilmaamay in
muuqaalkaasi ahaa mid muruqo badan oo qalbigiisa raad weyn ku reebay
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha,
kana mid ahaa sara akiishii sare ee ururkii SNM Mujaahid Muuse Biixi
Cabdi, ayaa isna faahfaahin dheeri ah ka bixiyey qiimaha uu halganku
lahaa, isagoo tilmaamo gaar ah ka bixiyey xusuustiisii maalmihii
gudo-galka Hargeysa iyo go’aankii guud ahaan ciidammadii SNM kaga
soo baxeen saldhigyadoodii gudaha Itoobiya.
Mujaahid Muuse Biixi waxa uu dib u xasuusiyey dhallinyarada in
dadaal iyo naf-hurnimo dad bad an ku nafwaayeen lagu keenay nabadda
iyo xasilloonida maanta ay ku naaloonayso Somaliland.
“Da’yarta maanta 28 jirka ah ama 30 jirka ah ee aannu dagaalkaasi u
caddayn ayaa u baahan in aad looga warramo si ay isaga ilaaliyaan in
aynaan khalad dambe galin iyo si aad u ogaato halga nkii iyo
xannuunka dalkan loo soo maray, marka loo eego magaalooyinkii
adduunka dagaalku ka dhacay ee ay ka mid tahay Baarliin, Fiitnaam
haddii loo qiyaaso rasaastii Hargeysa ku dhacday 1cm libanlaaban oo
kasta Hargeysa ayaa ka badnayd hubka ku dhacay, Hargeysa waxa lagu
soo jeediyay in ka badan 60 qoryaha 120-ka ah iyo 64 ugu yaryahay ,
dhowr iyo soddon taangi, tiro badan oo diyaaradaha duqaynta ah,”
ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Ugu dambayntii, waxa halkaas lagu soo bandhigay suugaan iyo gabayo
qayb ka ahaa halgankii dibu-xoraynta SNM,kaas oo dadka lagu
xasuusinayey xikmadaha bulshada lagu wacyigelin jirey inay
halgankaas qaybtooda ka qaataan.
|