Munaasabad aad u qurux badan,oo kulmisay qurba-jooga Gobolka Gabiley , ahaydna soo dhaweyn iyo sagootin B adhasaabka Gobolk Gabiley.Mustafe Cabdi ciise (Shiine),oo London lagu qabtay

 

London (TNN):-Habeenimadii Sabtida,23 August,2014,ayaa munaasabad ballaadhan,oo si qurux badan loo soo agaasimay,iskuna soo duba rideen hablaha Goblka Gabiley ee degan carriga Ingiriiska,laguna soo dhaweynayay,isla markaana lagu  sii sagootinayey Badhasa abka Gobolka Gabiey,Mustafe Cabdi Ciise (Shiine ),ayaa lagu qabtay Hutelka Nomad,ee ku yaalla Galbeedka magaalada London.

Waxaa munaasibadan ka soo qayb galay, Wakiilka Somaliland ee carriga Ingiriiska,Cali Ad an Cawaale,Badhasaabkii hore ee Gbolka Gabiley,Cali Aw Adan Meecaad,aqoon yahano, c uqaal, madaxda ururada horumarinta iyo muwaadinin ka socday qaybaha kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay.

Kulankan ayaa ahaa mid is xog wareysi,guubaabo,war bixino iyo talooyinba la isku weyda arsday,waxaana la isla qaatay in laga wada shaqeeyo horumarka Gobolka,si looga midho dhaliyo mashaariicda hor yaalla ee wax tarka u leh bulshada,Gobolka iyo Dalkaba.Munaasi badan oo ahayd mid aad qiimo badan,ayaa ku soo gaba gabawday jawi aad u farxad bad an.




Timacade News Desk
London,UK