Mulkiilayaashii Saddexdii Baabuur Ee Xeebta Galbeed Ka Soo Q aaday Maleeshiyadii ONLF-Ta Oo La Sheegay Inay Gaadhigiiba $40,000 Ku Kiraysteen

 


Hargeysa (TNN)-Saddexdii Baabuur ee ay lahaayeen Muwaadiniinta Somaliland ee loo adeegsaday in ay ka soo qaadaan xeebta u dhaxaysa Lughaya iyo Saylac Maleeshiyadii ONLF ee sida qarsoodiga ah bishan 10-keedii uga soo dagay deegaankaasi ayaa la sheegay inay ku kiraysteen baabuurtaasi  midk iiba lacag dhan $40,000 Dollar.

Maleeshiyadaa hubaysnayd oo tababar ku soo qaadatay dalka Eriteria, isla markaana ku jihaysnaa inay u gudbaan gudaha dhulka Ethiopia si ay halkaasi uga dagaalamaan.

Saddexda gaadhi oo laba ka mid ah noocoodu ahaa Shaamboo Xayraan iyo Tm ayaa Maleeshiyadaas ka soo qaaday Xeebta Somaliland, kuwaas oo gudaha Somaliland dhex maray Masaafo dhan 120KM, iyaga oo galay buuralayda Maarmaar.

Gawaadhidan qaaday maleeshiyada hubaysan ee ku jihaysanayd Itoobiya ayaa Qiimaha gaadhiga  no oca shaambo xayraanka lagu iibsadaa yahay qiime dhan $18,000, halka maleeshiyada hubaysan ee ka tirsan ONLF ay kaga kirasyteen gaadhigiiba $40,000.

Maleeshiyadaas oo la sheegay inay duulaan ku yihiin dalka Ethiopia.

Ilo-Wareedyo aad ugu dhaw Deegaankaas ayaa waxa ay Haatuf u xaqiijiyeen, in markii ay  Maleeshiy adaasi marayeen Kantaroolka Tuuladda Jidhi in ay Askartii Kantaroolku damceen inay baadhaan  baa buurtaasi, balse markii ay u dhaqaaqeen uu masuulkii haysty uu ku yidhi iska daaya waa baabuurtii hore usoo mari jirtay ee Milixda’e.

Ninka iska leh baabuurka TM-ka ah ee ka mid ahaa saddexdii gaadhi ee maleeshiyada lagu qaaday  ay aa waxa lagu magacaaba Halaya, waxa la sheegay inuu ku sugan yahay tuulada Boon ee ka tirsan  g obolka Awdal, kaas oo sida la sheegay hore loogu xidhiidhinayay dambiyo ku saabsan alaabooyin lagu soo qariyay baabuurkiisa wakhtiyo kala duwan.



Source: Haatuf