Soo XAQSOOR ma noqon

 

 

 

 

Marka hore waxaan salaamayaa dadka reer Soomaaliland Gudo iyo Debedba inta neceb, dhiba atada iyo tacadiga loo gaysanayo Muwaadiniinta dhibta badan u soo maray Xorayntii Dalkan iyo Dadkan oo wali diiftii ku taalo.Waxaan si gaara ugu bogaadinayaa Gudoomiyaha Ururka Siy aasadeedka XAQSOOR,Muj/Xasan Ciise Jaamac oo si xilkasnimo iyo xogogaalinimo leh markiiba u dul tagay Dadkii wax yeelada Siyaad Baraysan loo gaysta.

Xukuumadeena waxaan ku boorin lahaa inaan Xoog iyo Xabad waxba lagu muquunin ee loo ba ahan yahay in Caqli tudhaale iyo Muwaadinimo higsanayaa shaqeeyo.
 

 

 


Xumaan iyo hadaad

Xaq la duudsiyiyo

Xaaraanta diid

Xusul duub u tahay

*****

Xigto iyo tolnimo

Iyo Xaal Gobeed

Inaad xeersoo

Xaasha ceeb tidhaa

Soo XAQSOOR ma noqon

*****


Habad iyo hadaad

Xeelad iyo Dagaal

Inaad soo xidhoo

Xoolo iyo dadkaba

Xero nabad furtaa


*****


Xuurto iyo kuwii

Xadhig kugu marmaray

Ka xooraynayaa

Soo XAQSOOR ma noqon.

*****


Xuurtan luqunta dheer

Xuquuqdii Dadkoo

La xalaashadee

Xisaab li’i la cunay

*****

Xakamiyo Ciddii

Xawligoo la dhimo

Xeelad iyo Toloow

Xeer samaynlahayd

Soo XAQSOOR ma noqon


*****

Adiguna Xigtooy

Xil ku saaranbaan

Ku xusuusiyee

Soo inaad XAQSOOR

Xulatood dhistaan

Xal la helay ma noqon.

*****

 

Axmed M. Saciid
KSA