Mujaahid
Maxamed Kaahin Oo Xukuumada Rayaale Ku Eed eeyey In Xiliga
Doorashooyinku Soo Dhawaadaan Ay Ku Mashquusho Mashaariic Iyo Dhagax
Meel La Dhigo
“Waa La Ogyahay Tobonka Jeer Ee Uu Rayaale
Dhagax Dhigay Dakada, Warshada Sibidhka Oo Ummaduna Ku Turunturooto,
Burco Lacagtii Dawladii Siyaad Barre Ee Dhacday 91-Kii Ayey Iska
Qaadataa, Ceerigaabana Waxa Ka Socota Lacagta4-Ka &A5-Ka Lagu Soo
Daabaco Puntland ”Afhayeenka Kulmiye
Mujaahid Maxamed Kaahin
Hargeysa, March 11, 2010 (TNN) - Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mujaahid
Maxamed Kaahin Axmed ayaa xukuumadda Madaxwayne Daahir Rayaale ku
eedeeyey in xiliga doorashooyinku dalka ay ku soo fool leeyihiin ay
bilawdo balan qaadyo ay ka samayso mashaariic lagu dhisa yo
warshado, dakado iyo wadooyin oo uu tilmaamay inaanay waxba ka fulin,
isagoo intaa ku daray in warshadihii madaxwayne Rayaale dhagaxa
dhigayey Berbera, badalaadii lacagta gii mbaarta Burco iyo
samayntii dariiqa magaalada Ceerigaabo aanay waxba ka fulin
habayara atee.
Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxa kale oo uu madaxwayne Rayaale
eedo uga soo jeed iyey hadalkii uu ka jeediyey qabyada
xeerarka doorashooyinka golaha guurtida iyo wakiilada oo uu
tilmaamay in ujeedadiisu ay ahayd in doorashada madaxtooyada iyo
wakiilada hal mar la wada qabto.
Mujaahid Maxamed Kaahin oo khadka telefoonka aanu xalay xogwaraysi
kula yeelanay isag oo jooga magaalada Burco ayaa sidoo kale ka
hadlay taageerada KULMIYE ee gobolada dalka iyo rajada ay ka qabaan
cod bixinta doorashada.
Waraysigaasi oo dhinacyo badan taabanayana iyo jawaabihii uu ka
bixiyey afhayeenka KUL MIYE waxay u dhaceen sidan
S: Waxaa la sheegay in xukuumadu gobolka
Sanaag ay ka hirgalinayso Dakad arinkaasi mux uu kuula muuqdaa?
J:Horta Maydh waligeed iyo alaheed dakad bay ahaan jirtay iyada iyo
Xiis waxay ahaayeen meelihii mudada dheer la isticmaalayey wax
alaala waxa soo daga wax lagala soo dagi jiray bay ahaayeen, meelaha
fog fog ee gobolka sanaag ee Maakhirka la yidhaahdo in horumar laga
sameeyo iyo adeegyo waa horumar soo kordhaya ummaduna u baahan tahay.
S: Waxaa lagu tilmaamayaa arinka Dakada Maydh arimo xukuumadu ay
olalaha doorashada uga faa’idaysanayso arinkaa maxaad ka leedahay?
J: Walaahi haday ummada wax ku celinayaan waabay fiican tahaye horay
xukuumadu mashaariic waawayn oo lagu samaynayo Dakado ama wadooyin
laamay ah lagu samayayo gobolka Sanaag oo dalka go’doon ka ah hadii
ay taas samaynayaan aad iyo aad baan u soo dhawaynaynaa, Burco
lacagtii giimbaarta ahayd ee dawladii Siyaad Barre ee dhacday
1991-kii ayey qaadataa, gobolka Sanaag iyo Ceerigaabana lacagta lagu
qaataa A for A 5-ka lagu soo daabaco Puntland ayey isticmaashaa,
xiliyadii hore doorashooyinku markay soo dhawaayeen dawlada Daahir
Rayaale mar walba balan qaadyey samaynaysay inta jeer ee uu dhagax
dhigay dakada Berbera waa la ogyahay inta meelood ee uu dhagaxyo
dhigay warshado waa la laayahay, dhagaxaantii uu dhigayey ayaabay
ummadu ku turunturootaaye oo wax ka qaada loo laayahay, hadana
warshadihii uu tobonka jeer uu dhagaxa dhigay ilaayo imika lama
yaqaano meel ay ku danbeeyeen. Hadaba had iyo jeer balan qaadyo way
samayn jireen taasi wuu bartay oo waa caadadiiye haday imika meelo
dakado ka samaynayaan doorashada waxay doonaan hakaga helaane hadii
ay ummada wax u kordhinayaan oo ay wax u samaynayaan waanu soo
dhawaynaynaa, waxaanse jecelahay arinka laga hadlayaa waa balan
qaadyadii hore ee warshadii sibidhka Berbera, lacagtii la yidhi
Burco waa laga badalayaa ee sadexda miisaaniyadoodba lagu soo daray
ee mid kastana sanadka dabayaaqadiisa ay baanka kala baxaan oo
xukuumada Rayaale waa looga bartay hadayse run u sheegayan ummada oo
wax u qabanayaan waanu soo dhawaynayaa.
S: Mudooyinkan danbe hawlihii xisbiga KULMIYE kama dhex muuqatida
adigoo mudo dheer magaalada Burco ku sugnaa ma wax is badal ah ayaa
ku yimid hawlihii aad u xilsaarnayd ee afhayeenimo?
J: Wax iska badalay ma jirtee halkan inta hawlood ee KULMIYE ka
qabtay iyo bulshada xaflad aha loo qabtay ee ku soo biirtay way
badan tahay taasi wax sii kordhay mooyee wax iska badalay ama iska
badali karaaba ma jiraan.
S: Taageerada xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer in doorashada
madaxtooyada uu ka he lo taageerada aad ka haysaan bulshada ku
dhaqan gobolkaasi rajo intee leeg baad ka qabta an?
J:horta KULMIYE gobolka Togdheer oo kaliya taageero kuma laha,
doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2003-dii cododkii
doorashada KULMIYE afar gobol buu ugu cod badnaa maantana waxaan
qiyaasi karayaa gobol kasta inay tahay oo aan Burco oo kaliya ahayn
in taageeradiisu ay gobol walba ka sii badanayso, waxaanan ka qiyaas
qaadan karnaa bulshada faraha badan ee ku soo biiraysa sidaa darteed
waxaan qabaa in taageerada xisbiga KULMIYE ay gobolkasta afar
jibaarantay kana sii kordhayso halkii ay taagnayd doorashadii hore
ee madaxtooyada.
S: Xiligan oo la filayo in doorashadii madaxtooyadu ay qabsoonto
sanadkan 2010-ka oo ay isku soo beegmeen gunaanadkii mudada xilka
golayaasha guurtida iyo wakiilada oo ku eeg badhtamaha bisha October
taas darteedna aanay samaysnayn xeerarkii lagu soo dooran lahaa
labada gole baarlamaan, dhawaana madaxweyne Rayaale sheegay in talo
qaran laga yeesho xeerarkooda sideed u aragtaa doorashooyinka isku
soo beegmay?
J: Horta waxa ayaan daro ah sidii qof suuqa jooga oo iska caadi ah
sidii uu wax u waydiin lahaa inuu madaxwayneheenii uu dadka wax u
waydiiyo anigu ma garanayo marka uu leeyahay xeerkii doorashada
golaha wakiiladu diyaar maaha, xeerkii golaha guurtiduna diyaar
maaha anigu ma garanayo cida uu waydiinayo xeerarkaasi ee xukuumada
dalka ayaa ka masuul ah inay diyaariso doorashada iyo nidaamkeeda,
hase yeeshee ujeedada uu ka lahaa markii uu ka hadlayey xeerka
doorashada wuxuu doonayey in la isa saaro doorashooyinka
madaxtooyada. Distuurku waxa uu dhigayaa in doorashada golaha
wakiiladu ay toos tahay mudada xilkooduna ay tahay mudo shan sano
ah, hase yeeshee isagu mudadii xilka shanta sano ee la doortay ee
dib u dhacu ku yimid doorashada madaxtooyada isagu haka waramo,
ujeedada hadalkiisii ku wajahnaa xeerarka doorashada labada gole
baarlamaan ee uu lahaa ha laga wada tashado waxa laga soo xigtay
xubno ka tirsan golihiisa wasiirada in ujeedadu ahayd inuu ku
doonayey sidii doorashada wakiilada iyo madaxtooyada la isku raacin
lahaa sida dalka South Africa oo kale, madaxwaynuhu waxa aanu ka
jawaabi karayn sababta doorashadiisu ay sadexda sano usoo mudo
dhaaftay, xeerka doorashada golaha guurtida ee laalan ilaa 1997-kii
ilaa maanta marna uu madaxwayne ku xigeen ka haa dalka marna
madaxwayne uu ka ahaa mar kaliya kamuu hadal xeerkaasi laalan,
waxaana ku ceeb ah dalka iyo dadka gole dhan oo sharci dajin ah oo
xeerkiisii lagu soo dooran lahaa aanu ilaa hada dajinsanayn,
waxaanay ka mid tahay ayaan darooyinka dalka haysta distuurka uu
madaxwaynaha ku yahay ee xaga danbe kaga qoran tahay xeer baa qeexi
doona, xeerka doorashada golaha wakiiladana waxaan qabaa in mudo ku
filan ay ku soo saari karaan golayaasha sharci dajintu.
Source:Haatuf
|