Mujaahid
Lixloow ( SNM ) aheey wayeeye, aaway Cok os-malabtii ( Somaliland )
aad noo aasteen, sawtaa
mar kale dhaxal wareegaysa maaha !!!

- Wax halyay iyo inan-rageed hal-door
ahi quudho, oo doqon baa ka maagtee uu huro waxa ugu qaalisani waa
naftiisa.
- Naf-huristu, waa malaha ugu danbeeya ee uu ku dhaqaaqo waracu
marka ilahii kale ee talo-maaxyada iyo maaraysiga muusi jiray oo
dhami sida Ibo gudhay dhiiqi waayaan ee uu dhiil madhan kala baxo !.
- Naf-huristu, waa miciinka ama muurka uu marka gaadiidka
gurgurshaa-nabadeedka ahi, garbo beelo ee uu nuuxsi ha joogee hinqan
waayo, uu ninka raga ahi tu' iyo ee uu qarqarsiga, daba-galiska,
caynka, bayda, kabaalda, heeryada iyo raxanka ku giijiyo ee uu ku
gadhqaado '' galangalca mooye ma gadgadoomahaygiiyoow, guryo-samo ku
guur''..
- Naf- huristu, waa dhudhubiyaha uu halyay-rageed leedada ku fuulo,
marka uu Sange faras iyo magaan hararafle ah, labadaba orordkooda
saluugo ee uu raagsado guushii uu lalabaha colaadeed u heenseeyay.
- Naf-huristu, waa Qumaca uu geesigu guntiga hoose iyo gaws
danbeedka ku rakiso, ee marka uu Jigre katibo, Quustar qashirka
leefo, haafshiine hashkadeeyo, Maadhiinku margado, Dabaqalaalku
qawda yeedhka gabo, uu meel uu u dan lahaa iyo yoolka ku hubsado, ee
uu libinta kama danaysta ku gano.
- Naf-huristu, waa muquunada ugu shilis ee uu nin xilkas ahi, madal
iyo marxalad qudha-hoo jamatay oon hadal tabayn uu gego-joogsi loo
dhan yahay qoorta qoolka daldalaada gashado ! . Allahayaw ma fal nin
rag ah xiskiisu godlado oo qoor dhigasho ka qadhaadh baa jira?!.
- Jawaabtu waa maya e, su aasha meesha taal ee soo mudhbaxday waxay
tahay, waa maxay culayska, dhibta, u caal waaga, xal la' ida iwm-ka
ah ee intaa lé eg ee hed iyo haanka oo go' a mooyee aan si kale ku
bojismaynin? Jawaabtu waa marka uu yimaado waaye ku
dhex-noolaashahiisa ay geerida iyo dhimashadu dhaamaan, waa marka
naftaada, ta ubadkaaga, ta reerkaaga, ta inta aad u nooshahay
laguugu yimaado, waxa hubaal ah in mashaqadaa ninka rag ahi hayn
kari waayay ee uu xabaasha ka doortay, ay tahay mid aan badankeenu
soo aragnay, ama soo maqalnay oo ka dhacday Somaliland xili aan
dheerayn, waa guyadii u dhaxeeyay 1969-1991-kiiye.
- Bal xasuustaada dib u yara qaad oo gee, maalmihii darnaa (
1981-1991-kii) ee dabargoynta, daldalaada, duqaynta, umulo-dooxista
iwm- ahi caadada noqdeen lagu xasuuqo dadka reer Somaliland, ee ragu
kala xayashoda galay ! toloow dawgeed adigu qaaday ?, ma kii
halyayga iyo ninka adagi doortay ee haraadka, haydaarta, hiraay iyo
wiraayda ahaa ee hawsha badnaa?, mise jidadkii kale ee badnaa ee
kala duwanaa ee ay qaarba si ahaayeen, ee ay ka mid ahaayeen. wadada
dufan jecesha, dhaylo liqada, macaan leefta, iyo tii nin jileecu
judhiiba toobiyeeyay? kaad doontabase maroo, halyaygii halasaha u
badheedhay ee aad caawa dartii, hurda nabada ku ladaysaa ma kaa
nabadgalay uun oo marna xasuustaada ma soo maraa, mase u faataxaysaa
kuwii inad adigu noolaato u dhintay?, mise sidii nin la odhan jiray
Ina-Xaawo-kuulay ayaad ku daacdaacdaa, ood ceebayntooda laasimtay ?.
F.G; Ina Xaawo-kuulay sheekadisa hoosta ka akhri !
- Bal hadaba ka waran, iyaba waa yaabe, In qarankii Somaliland ee
raga raga ahi duhur la is horjoogo shan iyo calaal ku soo dhacsaday,
ee xinjiro guntan lagu aasaasay, ee waxgarad, waayeel, culimo iyo
caame loo gaasiray ee qiimaha uu ku kacay, yahay waxan cadad iyo
xisaab toona lagu keeni karayn, oo uu maamulka Somaliland maanta
ayaan darida ina heshay, sidii dhar HUUDHAYDHA ah suuqyada ku dhacda
la yidhaa ( bacadlayaasha ) u xaraash geeyay, waa sida hada aynu
maqalnay ee xukuumada Somaliland iyo xisbiga UDUB (fadeexada ka
dhacday USA) ay yeeleene.
- Allaylehe waa waxaan garashada faayoobi liqi karayn oon la qaadan
karin, waxana falkaa ma kasnimo uu sumad ama calaamad horseed ah u
yahay wax soo fufaya oo soo socda!!, oo in laga gaashaanto oo
dhabiga loo qoro u baahan. Kuye, Somaliland ayaa Soomaaliya ictiraaf
baryaysaa ! waa nuxurkii ka soo baxay kulanka gudoomiyaha xisbiga
UDUD u fadhiya dalka USA ( yuusuf budhle iyo wasiir shariifka
somaliya e ). ""Aheey wayeeye, "ma maantaa Ubo-malabtii raga raga
ahi soo dhaciyay ee ay inoo aaseen, ee ay ku wada dhuuqa hadaba
waataase, oo mar danbe ninkii Hebel-kamiin ee hunguriga xumaa (
somaaliya) wax danbe ha ku darsanina dardaarnkooduna ahaa loo gacan
haadinayaa?"
- Malaha raguun baa nool oo beenin doona qorshahan habawsan ee
maamulkan hada jira lagu xamanayee, oo waxba ku sii fogaan maayo
aniguye, waxase fajaceeda leh, sida aan abaalkii ay SNM u gashay
dadka reer Somaliland loogu gudin, ama looguba ogayn ee weliba
naanayso iyo ceebayno loo marmarinayo, bal ninka dartaa u god galay
maxaad ugu gudi? aheey ahe ma mujaahid Lixle ayaa maantana la xusay
oo hooyadiisii dihatay gargaar dalbanaysaa ?, ma boqolaal kalaa
aamus door-biday iyo inaan cidi ogaan waxay ku sugan yihiin?!, waxba
kuma yeelayn haday adiyad uun laayihiin, waxa uu yidhi ninkii gabyay,
- waxba yaanu xaalkay i marin xoolona isiine
- Xaashe nin libin kaa xasaday xumahii waa yaab!
- Waxa la caadaystay in xumo la marmariyo SNM-ta, hadaba dadka
khadka iyo tawaada ku idleeyay ee isku daweeya cayda mujaahidiinta
SNM-na waxa ka mid ah nin kolba maqaal soo xarxariiqa oo ceebaynta
iyo xumaanta SNM soo qora oo magac kalena ku saxeexa, oon is idhi
waaba soo noqoodigii ninkii la sheegayay ee ina Xaawo-kuulay !, Ina-Xaawo
kuuley, waxa uu ahaa nin ku noolaa Xamar, xaafadii la odhan jiray
isku-raran, waxa uu ka soo jeedaa raas badhax ah oo dhiigyo badani
ku jiraan ( talyaani, afrikaan, carab iwm), waxa isaga qudhisa lagu
xantaa, inaanu isku hubin magaca loo raaciyay magaciisa ( aabihii ),
waana ta keentay inuu magaca hooyadii sheegto '' ina xaawo kuulay'',
waxa uu neceb yahay dadka xigtadiisa ah ee xogtiisa hoose og, oo sir
uu u nugul yahay oo aanu jeclayn inay faafto ka war haya, dadkaasi
oo ay ka mid yihiin abtiyaashii iyo awoowgii oo soo koriyay,
shaqadiisu waxay ahayd dhulnadiifiye, waxase taasi ay is bedeshay,
markii kacaankii Oktoobar ( 1969-kii ) iyo hanuunintu ka bilaabmeen
dalkii Soomaaliya la odhan jiray.
- Ina-Xaawo kuuley, waxa uu noqday nin si joogto ah u laasima
tagista iyo dab u shidka hanuninta, waxa uu adeege dhego-nugul u
noqday guulwadayaashii iyo qolyahii hanuninta, markiiba raalinimada
ninkan ayaa ishu qabataya oo waxa la arkay inuu yahay nin Xisbigu
adeegsan karo oonu waxa lagu shubo waxba ku badhxi karin, waxa lagu
yidhi ina-xaawo kuulayoow waxanu kaa dhigaynaa nin JAALE ah, oo
kacaanka iyo tawraduba raali ka yahiin oo Jaalleyaasha sarena
ogyahiin !, ee shaqada laguu diro ka soo bax, oo xaafada
Isku-raranta eed ku nooshahay waa inad hanuunita wada keen, qofka
diida waa kacaan diid waana la ciqaabayaa ee soo sheeg,
Ina-Xaawo-kuulay waxa uu maalin kasta soo xidhaa dadka ku nool
xaafada , haba ugu badnaadaan Abtiyadii, awowgii iyo intii dad ugu
xigtaye, isaga oo si ka baxsan dadnimada u caaya oo weliba ku
eedaynaya kuna ciqaaba inay kacaan diid yahiin.
- Guulwadayaasha iyo madaxdii xaafada haysatay ayaa Ina-Xaawo kuulay
garabka ka dhirbaaxa oo ku yidhaa, walaahi kacaan hanuunsan baad
tahay oo firfircoon, markaasuu ina Xaawo-kuulay isaga oo is
xoojaxoojayna yidhaa, ciyaara ku haysa aboowe, aniga oktoobar xaq
wayn bay igu leedahay oo waa i xoraysay, ma kastaa kacaanka hortii
waxaan ahaa ayuu waydiiyaa dadka? maya ayaa la yidhaa ee noo sheeg,
dhulxaaq ayaan ahaa ayuu ku jawaabaa, hadana waxaan ahay ma
ujeedidoo ayuu dadka waydiiyaa? maya ayaa la yidhaa, waxase uu si
dhiirana ugu jawaabaa, waxan ahay Jaalle/hanuunshe/dabshide kacaan
oo hanuunsan iwm, kacaanku waa i xoreeyee sidee u xumayn karaa ayuu
sii raaciyaa, kacaan diidka surkaan u dheeraynaa !, waxa uu ahaa
ninka xuskii Oktoobarta oo soo gashay, Xabaalo nuradeeyay ee
sawirkii madaxdana ku dhajiyay! afkiisa waxan oktoobar iyo kacaan
ahayn waa ku yaraa.
- Hadaba, maanay dadka kaaga dhex muuqan rag badan oo hada dawlada
Somaliland ku jira, oo qaarkood magaca wasiirba sitaan, oo aaminsan
xilkan loo dhiibay inuu la mid yahay ku lagu xoreeyay oo kale, oo ay
si kasta oo uu samayn jiray ina-Xaawo-kuulay wax shabaha
samaynayaan, maanay wasiirada qaar faro caaradood ku taagnayn inay
xabaalaha ranjiyeeyaan, waadiga og sida ay u caayaan qaar ka mid ah
wasirada xukuumadu, ragii waxan ay hada ku tookhayaanba qotamiyay,
abaal nin gala waa la arkaa nin gudase lama arag baa hore loo yidhi.
- Gabogabada, sheekadan waxan leeyahay Ubo malabtaa ceegaagta een
coobaha haysano, dadkii inoo aasay ee darteed u shahiiday,
eheladoodu inay inagula dhuuqaan waa gar iyo daw, ee agoonta iyo
waalidka ay ka tageen yaan loo dayma lá' aan, ninka aan abaalka
gudin ee ina-Xaawo-kuulay la midka ahoow adna waxan ku leeyahay, waa
halkii islaantii la sheegayaye, '' maada maadeedba waa maalinta nin
ku yaqaan yimaado''.
Somaliland ha jirto oo ha joogto.
Cali Cumar Xasan
afraad_4@hotmail.com
|