Mujaahid Ibraahin Dhaga Wayne oo Madaxwayne Siilaanyo ku Tilmaamay mid ku Takri Falaya Awooda Sharciga, Xadhiga M asuuliyiinta Eedaha Musuq u Xidhan ku Tilmaamay Xaaraan.


 

 


“Waxa ay ummadu leedahay way ka badantahay in Ciddi kaa saamaxdo, illaa islaanta halkaa dawarsanaysaa wax ku leh”


Hargeisa (TNN)-Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhago-weyne) oo ka mid ah Masuuliyiinta Urur Siy aasadeedka UDHIS kana Mid ahaa Mujaahidiintii Taariikhda Dheer ku lahaa Ururkii SNM ayaa xukuuma dda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku eedeeyay inay sharci daro ku haysato m asuuliyiinta eedaymaha musuqmaasuq ku xidhan, iyo Xadhiga Boqor Buur-madow Dhago-weyn waxa kale oo uu tilmaamay in xukuumaddu ka war-wareegayso inay abbaarto cidii ka dambeysay lunsiga ra ashinkii la dhacay isla-markaana maalinba warqad cusub xukuumaddu u soo samaysanayso sii haynta saddexda masuul ee musuqmaaqa u xidhan, isaga oo tilmaamay in xadhiga sharci darada ah uu la mid yahay waxyaabihii laga dagaalamay.


Mujaahidka oo Maant ka hadlayay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Xaraf ee Magaaladda Hargeysa ayaa Daaha ka rogay Awoodaha Sharci Darrada ah ee ay isticmaalayso Xukuumada, taasi oo uu tilm aamay in aanay ka yeeli doono waxaanu yidhi “haddaan ka hadlo xaaladda xamarji waxa cad inaanu xamarji eed lahayn ee cidii eeda lahayd laga war wareegayo markab dhan ayaa la lunsaday maaha in qof layska xidho, xadhigu waa waxaan ka dagaalanay qofka bini aadamka ahna lama haysan karo 24s aac gudaheed ilaa wax lagu soo cadeeyo, mana jirayso in qof la iska haysto, yeelina mayno qofna qof kale siduu doono kama yeelo, Awood sheegashana masamayn karo (Abuse Power) kumana takri fali karo awood qaran ma ogolaanayno xilka aad haysaana maaha mid aad cidlo ka heshay, umadda kuu dhiibatay maaha inaad tidhaah maalinba nin madaxa ah baan haysanayaa sida: Suldaan, Agaasime. Badhasaab Iwm,fadeexadii ugu waynayd ayay dawladdu lugaha kula jirtaa loomana dulqaadanyo mas uuliyadan lunsiga ahna dawladaa iska leh hana ku waalanina kolba qof aan lug kula hayn in cidii danbi ga leh waa la garanayaaye hala saaro”


Mujaahid Dhagawayne Mar la waydiiyay sababa keenay in Xukuumadu xusi waydo Aasaaskii SNM wa xa uu yidhi“Adeer Dawladini snm Way ka maarantay, dadkii Snm umaba Baahna, sidaa dayacaasi uga muuqdo kuwii ku naafaabay ama kuwii ku dhintay ee aanay dan uga lahayn oo ay u qaadatay uun Qa byaalada, uma muuqato dawaladii SNM iyo wadadii snm,waa kuwaa mujaahidiintii iswada agfadhiya, miyay dadnaynayaan, kuwii la dhintay ee soo saaray waxa uu ka doortay kuwo uu Suuqa uga yeed hay”


Ibraahin Dhagawayne mar la waydiiyay in ay jiraan Ururro Xukuumadu Taageersantahay oo ay garab siiso iyo siyaabaha ay urkaan urur ahaan waxa uu sheegay in ay jiraan Ururro ay basas ku sito xuku umadu kuwaasi oo uu sheegay in ay Go,aan ka soo saari doonaan urur ahaan“Annaga ururadda Tarta maya ayaanu ka mid nahay, dhakhsona shirwaynihii waanu u qabanaynaa, waxaan leeyahay Dawladu dhex kama aha Ururadda Tartamaaya waxan uu gaboose la qaylinayaa waa dhab, waydinkii arkaayay ururadii lagu sitay basaska ilaa iyo ceerigaabo ilaa iyo borama, ururada ay iyadu hor cararayso ee ay samaysay way cadahay, waxa weeyi waxaas oo dhan maanta kama gaadhayo go,aan ee talo urur a yaanu ka soo saari doonaa” ayuu yidhi Mujaahid ibraahin Dhagawayne
 

 


C/raxmaan Muuse Yusuf
Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland