Mujaahid Cali-Gurey Oo Sheegay Inay Xukuumada Somalila nd  Qabsadeen Wasiiro Ka Tirsan Al-Islaax iyo Al-Ictisaam Oo Dalka Ku Wada Xamar

 



Hargeysa(TNN)-Gudoomiyaha saddexaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxmaed Yuusuf ( Cali Guray ), ayaa si cad u sheegay inay dhiig ku difaacayaan in Somaliland laga faro maroojiyo go aanka gooni isku taaga ee ay qaadatay.

Mujaahid Cali Guray waxa uu xukuumada ku eedeeyay inay awood badan ku yeesheen kooxo diimeed uu sheegay laga maamulo Muqdhiso, isla markaasna ay shacabka Somaliland ku wada an fedaraal aanay raali ka ahayn.

Mj.Cali Waxa uu sidan ku sheegay mar uu la hadlaayay tifishanka HCTV waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Inay labada xukuumadood xidhiidh leeyahiin ayna meel wax u wada wadaan xuku umadaas iyo rag xukuumadan ku jiraana waa ay cadahay oo wax muran ku jira maaha, dhibaa tada qudhi waxa weeye inaga xukuumadeenu runta ayaanay inoo sheegayn, dhibaatooyinka wada hadaladaas iyo sida beesha caalamka iyo ingiriisku ay wax u wadaana waan aragnaa.”

Gudoomiyaha sadexaad ee xisbiga UCID Mj.Cali Maxmaed Yuusuf ( Cali Guray ), oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Qiimaha ay ku kacayso mar labaad inay Somaliland la midawdo Somaliya waa mid aanay Somaliya goyn karayn, ciday ka go’daana maaha Al-Islaax iyo Al-ctisaam oo labaduba ay awood badan ku yeesheen xukuumada iyo maamulka Somaliland, madaxweynaha na ay garbo u yahiin labadaas urur oo madaxdoodiina Xamar joogto, laakiin dhinaca kale ma shacbiga Somaliland oo afti laga qaado oo u bata fadaraal Somaliland iyo Somaliya inuu yima ado oo loo jiido, taas shacbiga Somaliland ayaa go’aanka iska leh, laakiin wado alaale iyo wado kale oo dawlado ah oo, kooxo ah oo wadaado ah, oo intay ku qabsato talada Somaliland ka faro maroojisa dhiig baanu ku daafacaynaa taas mana ogalin.”
 

 

Source: Geeska