Mujaahid Cali Guray Oo Ka Soo Hor-jeedsaday Xil Ka Qaadida Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Madaxwayne Siilaanyo-na Ku Tilmaamay Fuley Aan Abaal Galin Oo Dagaalki Buuraha Firxaday

 


 


Hageysa (TNN)  – Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Guray) ayaa xisbiga Kulmiye iyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku cambaareeyay talaabada ay xilka kaga xayuubiyeen Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Kulmiye Cavdiraxmaan Cabdiqaadir.

Mujaahid Cali Guray waxa uu si gaar ah eedaymo tiro beel ah ugu jeediyay Madaxwayne Axmed  Siilaanyo oo uu ku tilmaamay fulay aan abaal galin, ka loo gallana aan gudin, isaga oo sidoo kal ena tilmaamay in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir yahay dhaawac Siilaanyo dartii gaadhi shil ula galay “Int a Xukuumaddani talada dalka qabatay dhacdooyinka dhacayaa waxay inoo sheegayaan wax bad an, waxaana xabaal lagu riday midii Kulmiye ku faanay jiray ee ahayd inuu yahay xisbi dimuq raadi ah, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, markii Axmed Guddoomiyihii Kulmiye baneeyay ee Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ka koowaad noqday waxa loo diiday inuu Guddoomiye ku xigeenka labaad noqdo oo uu durko, waxay ahayd in loo ogolaado inuu tartamo oo cod lagaga qaado kaalintaa oo uu ka saddexaad ku dhaco, midna la ba yeelin ee meesha shirqool-baa ka dhacay, Siilaanyo-na anigu Madaxwayne odhan maayee wa xa uu shalay shirka dib uga dhacay oo uu yidhi ilaa shirka Cabdiraxmaan Cabdiqaadir laga saara yo iman mayo shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo aniga iyo Cabdiraxmaan wada joogi mayno.”ay uu yidhi waxaanu intaa ku daray “Cabdiraxmaan waa Naafo, Axmed Siilaanyo oo Berb era ka soo degaya ayuu isaga, Maxamed Xaashi iyo Marxuum Cali Maarshaal gaadhi la qalibmay, saddexdaa nin waxa nasiib badnaa Cali Maarshaal oo aan arag Axmed Siilaanyo oo Madaxwayne ah.”

Mujaahid Cali Guray oo falan-qeynaya khudbad Madaxwaynuhu shalay ka jeediyay shirkii Kulmiye waxa uu yidhi “Axmed Siilaanyo isaga oo xadhiga Xamarji ku tiiq-tiiqsanaya ayuu yidhi masuuliyiin ayaanu u xidh-xidhnay musuqmaasuq, ragii musuqmaasuqa sameeyayna suuqa ayay joogaan oo Madaxtooyadda ayay gashay, cadaalad daradu jirtay wakhtigii Daahir Rayaale maanta way lab an-laabantay.”

Cali Guray waxa kale oo uu tilmaamay “Maanta waxaan qirayaa taageero kasta oo aan Axmed S iilaanyo taageeray aan khaldanaa, waxaan cafis waydiisanayaa raggii Mujaahidiinta ahaa ee aan u saaxibada halganka ahayn ee og intaan Axmed Siilaanyo taray oo Muuse Biixi kow ka yahay ee Dhago-weyne ku jiro, Cabdiraxmaan Aw Cali ku jiro ee Axmed Mire-aha Somaliland ciilka uga haaj iray uu ku jiro, waxaanan qirayaa in Axmed Siilaanyo aanu noqonin kii anigu aan moodayey ee uu yahay kii ay doonayeen inay umadda ka qabtaan, maanta waxa iga go’an inaanu hormuud ka noq do dadka Axmed Siilaanyo Somaliland ka qabanaya.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Axm ed Siilaanyo maaha nin abaal galla ee waa nin abaal la taro, abaalka la galena nin guda maaha, Boq or-buur-madow waxa uu Axmed Siilaanyo la taliyey markuu London joogay, imikana waxa xidhay Usaama iyo Xirsi lamina soodeyn ah”

Mujaahidka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa waxa kale oo uu soo qaaday “Ani gu waxaan ahay mujaahid ahlu Bedar ah, waxaan ka qayb-galay dagaalkii Buuraha Galbeedka oo ay ku dhinteen 74 dhalinyaro ah oo 34 ka mid ahi yihiin dhalinyaro jaamiciyiin ah, anigu ma ihi fule ygan London u baxsaday ee maydka ah (Siilaanyo)”ayuu yidhi.

 

 


Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland