Mujaahidku (Cabdiraxmaan Aw Cali), Waa Astaanta Somaliland ee Maaha Ta Kulmiye oo Kaliya


Salaamu calaykum dhamaan akhristayaasha sharafta mudanow waxaan idinleehay Rabadaan Kariim, iyada oo ay tahay bil barakaysan waxaa wanaag sanaan lahayd in umadu u hirato xaga khayrka maantse Boorame waxa hadheeyaay xaalado kale duwan oo xanbaarsan siyaadado aad u fool xun.

Siyaasadan oo saamayn wayn ku yeelatay dhamaan umada gobolka Awdal meelwalba oo ay joogaan siday udhan yihiin, taasi oo ka dhalatay doorashadii golaha dhexe ee kulmiye oo khilaaf wayni soo kala dhex galay siduu u dhan yahayba oo aan udhicin sidii loo baahnaa, iyada oo wali morankeedii taagan yahay oo aan laysla meel dhigin, ayaa hadana dadka reer Awdal aad ugu kala qaybsan yihiin sidoodaba.

Waxaanad ka dareemaysaa sida ay u dhacday soo dhawayntii lagu soo kala dhaweeyaay mushariinta jagada madaxwayne kuxgenka ee kulmiye. Hadaba, iyada oo sheekadu iyo xaaladu intaa ka badan tahay, ayaa hadana aan lays garab dhigi karin labada musharax ee mujahid Cabdirahmaan oo ah astaanta dhan ee somaliland, ahna ninkii u guntaday samaynta iyo isu soo dhawaynta labada beelood ee ugu balaadhan Somaliland, isaaq iyo samaroon, oo uu doorwayn ka qaatay isu soo dhawaynta iyo kaalinta uu kagalay mujaahid cabdirahmaan aw cali faarax.

Hadana waxad maanta moodaa in dadka reer Awdal jahadii siyaasadu ka luntay, noqotayna mid gacan shesheeye ku jirta, oo marba ninkii ay iyagu iska jecladaan farta ku fiiqdaan, iyaga oo ka dulaaya dantooda gaarka ah iyo siyaadadooda midaysan ee ka muuqata dhinaca Siiraanyo.

Hadii aan soo qaadano tusale, waxa kuugu filan sida uu ka yeelay Siilaanyo doorashadii golaha dhexe ee kulmiye, lama hayo gudoomiye isagu iska maamusha doorasho xisbi o ay cidwalba ku jirto, lehna sharci iyo dastuur u dagan.

Waxase halkaa ka dhacday sharaf xumo ku timiday xisbiga xulmiye oo ilaa imika taagan iyo tan ugu wayn oo ah magaca Awdal oo noqday wax riqiisa oo marba nin gacanta ku haysto. Waxa la ogaa maalintii hore sida lagu keenay Daahir oo uu Cigaal ka ciyaray siyaadsad wanaagsan maantana waxaa dhacaday ti oo kale.

Markaa hadaba siyaasada iyo jiritaanaka Awdal marwalba ma waxa uu ku jirayaa gacan shihseeye iyada oo ay jogaan siyaasiyiin iyo aqoon yahano balaadhan oo magac kule siyaasada somalida iyo somalilandba. Maanta dadka u codeeyaay saylici magaca Habar Jeclo ayaa wadatay maku tagnaanayaa mase ku jirayaa gacanta Habar Jeclo saylici.

Waxan taasi kadaran iyada oo ay dad beeshiisa ka mida ay wali garan laayihiin magaca xisbiga kulmiye iyo wadaniyada, waxaanse in badan kula talin lahaa talo ka masoo hadho wada tashi iyo isu duubnaan xisbi iyo magacba, lakiin cadifad xumadu waxay wax u dhintaa jirtaan kaaga iyo ka mansabkaaga intaba.

Gabagabadii waxaan leehay mujaahid Aw Cali, waa ninka kaliya ee la talaabsan kara Siiraanyo, fartiisana yaqaaan. Waxan uu ku cararayaa siiraanyo dadnimda iyo aqoonta uu u leyahay mujaahidka oo ay wax wada qybsan karaan, lakiin siiraanyo wuu diiday Awdal ahaan in ragii muga wayn ku lahaa waxla qaybsadaan xisbiga dhexdiisa. Taasise uma muuqato reer Boorame waxa u muuqata caadifadda taagan maanta ee beelnimo, iyada oo tasi lagu waayayo jiritaanka midnimada gobolka iyo magac labadaba.

Hadaba Ibraahin Magan waakii dhawajay dhabtu waxay tahay in reer Awdal uuna siiraanyo wakiil uga noqon karin ee ay iyagu soo dooranayaan ninka xisbiga uga qaybgalaya mustaqbalka xisbiga. Hadaba hirdanka siyaasadeed ee uu siiraanyo dhex dhigay Awdal ma keeni karaa kala dhaqaaq ay kala dhaqaaqaan reer Awdal, iyadoo imikaba rag badni leeyihiin waxaan ka guulaysanay mujaahidkii iyo ugaaskii Samroonka oo dhanba.

Caadifadaasi waxay dhalin kartaa tii kala qaybisay Muqdisho ee khadka cagaaran ee ka dhexdhacday Cali Mahdi iyo Caydiid. Waxan leehay magaca Awdal waxa uu ku jiraa gacmo is haysta ee kuma jiro gacan shesheeye. Ha laga foojignaado bulshooy bari maanta noqon mayso wax yaabo badan oo ay xisbiga iyo madax diisu aaminsan yihiin oo reer Awdal ka daahan baa jira, una cad ninka xisbiga yaqaan ee mujaahidka ah. Waxase loo baahan yahay cidii uga turjumi lahayd Awdal SNM TA iyo siiraanyo, iyada oo xisbigu yahay SNM?
 

 

 


Maxamed Cali

Email: cwcarab@hotmail.com