Muj.Xasan Ciise Jaamac oo Xukuumadda ku Dhaliilay in ay ka Gaabisay
ka hortaga Arinta Hubka Somaliya , Sheegayna in Wadahadallo u
Socdaan Kulmiye

Xassan Ciise Jaamac oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Gurigiisu ayaa
sheegay in dowlada Soo maaliland......
Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedkii ku hadhay
Doorashooyinkii Golayaasha Deegaa nka Dalka ee Xaqsoor ayaa ku
eedeeyey Xukuumada Somaliland inay ka gaabisay dadaalka la rab ay
inay u gasho ka hortagida in la qaado cunaqabateynta hubka ee
saarneyd dalka Soomaaliya.
Xassan Ciise Jaamac oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Gurigiisu ayaa
sheegay in dowlada Soom aaliland aysan wax talaabo ah qaadin intii
ay socotay dadaalka beesha caalamka ugu jirtay qaadi sta
cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, wuxuuna
yidhi“Dowlada Somaliland way ka gaabisay inay ka hortagto qaadista
cunaqabateynta hubka ee saarnaa dalka Soomaaliya….dal jaarkaa ah oo
weli kuu quudhi la’a inaad ictiraaf hesho…oo hogaamiyaashooda colaad
marar bada n kuu muujiyeen inaad iska daawato intii laga qaadayey
cunaqabateynta hubka waa arrin Qeyrul mas’uul ah, maanta ayey
jaraa’idka kusoo qorayaan hadalo….” ayuu yidhi Hogaamiyaha urur siya
sadeedka ee Xaqsoor.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa kale oo sheegay in inuu jiro
wada-hadalo u socda xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, kaasi oo lagu
soo afjarayo khilaafaadkii doorashada ka dhashay, isla-mark aana
salka ku haya inay ku biiraan xisbiga Kulmiye ee xukuumaddu ka soo
jeedo, isaga oo intaasi ku daray in labada dhinacba ay isku ogyihiin
inaan Tafaasiil laga Bixin inta Heshiisku dhacayo.
Waxa kale oo uu ka hadlay Shaqaaqadii ka dhacday Xariirad isaga oo
ku Tilmaamay in ay sababtay Boob uu Sheegay in uu ka Dhacay
Doorashadii Golayaasha Deegaanka Dalka.
Timaacde News Desk
Hargeys,Somalilad
|