Muj, Dhuxul iyo dhamacdii uu shiday!

 

 


Waa 1980-dii oo waa saban mirta dhagarta iyo beelo gabogabayntu aanay soof maqaleed marnaba ka durugsanayn nolosha dadka reer Somaliland guud ahaan gaar ahaan-na ta dadka ku dhaqan degaanka Gabiley. Waa xili ay xinjir guduudan iyo dhiig gobolaynayaa meel kastaba arlada wadhan yihiin. Waa gooro guuldaradii iyo jabkii ugu waynaa sooyaalka taariiikheed iyo inta la xasuusan karaa ku habsatay qoomka ku halda Afka-Soomaaliga.

Waa maalmo la shiniyayanyo oo la fajaasayo nacayb iyo colaad gondaha dhigata degelkaas oo aayaha loo maaro waayi doono! Waa xili nin-jileec ka huleelay arlida oo uu gelin horeba fadalka gooyay, waa maalmo Aan-no hore iyo dakane rag tirsanay u tafo xayteen aargoosigooda. Waa arooryo iyo fiidad Faaliye iyo Fooxleba saadiyeen inuu soo baxay Min Qab-qable ah iyo Maryo-dhiig! Isku soo duuboo waa Jeer Balo onokoday oo ay biyo dhigtay arlada.

Goobtu waa degmada Geedbalaadh oo in muda ah-ba ku jirtay col iyo laandayr, oo taraysta (ifisada) iyo caaro-dhuubta jolaha ahi caloosha iyo cudhka qoriga goor kasta ku hilan yihiin, kaydkeeda iyo kabisteeduna haday ugu fog tahay faraqyada raga col ujoogta ah ku gingiman tahay. Baaska (kalashnikoofka iyo boobayaasha culus) amaankoodu ma xidhna, farta iyo suulkuna waxay dhacdo iyo baxdo kasta ku nudan yihiin keebka oo ay u hamuun qabaan qabashadiisa.

Dayaanka iyo duryanka wiiflayda xabadaha kala isirka ah ayaa dhufays-gal inay noqoto bulshadu oo ay madaxa kor u qaadi waydo oo ay nasan waydo ku sanduleeyay. Waa soomal haad iyo salsal is galay oo dhegta taagani ma degto ee dhiilada u digtooni qabtaa, Isku soo duuboo waa Arlo Barkhad iyo Samaani ka qaloodeen. Shar iyo baas-na ka sigalaynayaan!

Waayo kastaaba ninkiisii keenye, kani waa xili riman naftii hure iyo inan baas oo kaca oo hire colka iyo cadawga cad iyo caanoba tiray degelka. Waa unkankii halyayadii jabhadii Afraad iyo abaanduulahii lagu goblamay, lagu hoogay iyo lama-dhaafaankii muhjaahid Axmed Sheekh Faarax Colow (Dhuxul). Waxa uu Mujaahid Axmed Sheekh Faarax (Dhuxul) Ku dhashay degaanka Gabiley sanadihii u dhaxeeyay 1940-45-kii, waxa uu ku barbaaray isla degaankaasi, waxa uu u baxay dhisme ahaa dherer aan balaadh hilboon lahayn ee seed soohan ah, midabkiisu waa ''dhuxusha ka madow '', waana halka uu ka kasbaday magaca uu ku caan baxay ee DHUXUL!

Shaqooyin kale duwan ayaa uu soo qabtay oo kuwo gaar ah iyo kuwa dawladeedba lahaa, waxa uu noloshiisa u badanaa Somaliland iyo Djibouti, waxa uu ahaa nin gabyaa wayn ah oo aan jeclayn inuu is-muujiyo habase ahaatee lagu galaday maansayahan-nimo dhif iyo teel-teel ah oo dadka qaar uun Eebe ugu deeqo, waxa uu ahaa nin bashaashi ah oo aan qalo lahayn, waxa uu aad u jeclaa jaadka iyo shu'uuntiisa!

..... La Soco!
 

 

 

 

 

Cali Cumar Xasan