Muj. Dhago-Wayne Oo Golayaasha Baarlamaanku Ku Eedeeyey Sharciyo Dano Gaar Ah Laga Lahaa Oo Uu Sheegay Inay Mee lmariyeen, Kana Digay Is-Xambaar Xiliga Doorashadda

 

 



“Kulmiye waad aragteen sida uu wax u kala saarayey oo waliba Maxkamadiisii Buur-Xaka bo-Na wuu wataa oo codkiina ayey boobi doonaan, Xasan Ciise idiin kala eexan maayo, ha ntidiin ana idinka boobi maayo oo hore ayeynu u tijaabinay”
Muj.Dhago-Wayne

Hargeysa (TNN) – Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhago-weyne) ayaa golayaasha Baar lamaanka dalka ku eedeeyey inay sameeyeen mudadii ay joogeen Sharciyo badan oo dano gaar ah laga leeyahay, isla markaana Cadaaladaro badani ku duugan tahay, kana digay wax uu ugu yeedhay Is-Xambaar dhici doona Marka doorashadda Golayaasha deegaanka loo tar tamayo.

Dhago-wayne ayaa ka dayriyey Marxalada cusub ee Somaliland wakhtigan Madaxa la gasha y, kaas oo sheegay in Cadaalad-darooyin badani ka soo socdaan Doorashada Golayaasha deegaanka ee 28-ka November la filayo inay dalka ka qabsoonto, shaacana ka qaaday in Xisbul Xaakimka Talada dalka haya ee Kulmiye uu qorshaynayo inuu ku Boobo Codka Axsaabta kael ee la tartamaysa doorashooyinkaas, kuna shubto. Sidoo kale Ibraahim Dhago-wayne ayaa Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Muj Xasan Ciise Jaamac ku Tilmaamay Shakhsiga ugu mudan Siyaasiyiinta u Tartmaya Hogaanka dalka, kaas oo uu ku tilmaamay Nin aan looga abranin inuu Bulshadda u kaa eexdo ama uu Cadaalad-daro kula kaco. Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey Xaflad Ururka Xaqsoor u qabtay Musharax uga tartami doona Hargeysa, isla markaana halkaas ka soo jeediyey Dardaaran Dhaxalgal ah oo uu kaga digayo in Codkooda la boobo. Dhago-wayne isaga oo halkaas ka hadlaya, kana waramay Aqoonta uu leeyahay Muj, Xasan Ciise Jaamac, waxa uu yidhi “Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, waa nin aanu Saaxiib isku dhaw mudo dheer ahayn, waa Halgamaa oo waa Aas-aasayaashii SNM, Xasan Ciise Taariikhdiisii Nololeed intii ugu badnayd Halgan ayuu ku soo qaatay waana nin Badheedhay wakhtigii ay ugu adkayd. Mujaahid Xasan Ciise Nin wax idinka boobaya oo Danaysanaya sida Kuwa Maanta jooga maaha oo nin wax idinka luminaya maaha, isla markaana waa nin hore Madaxnimada u soo maray oo waa dadka Tirada yar ee ka bixi kara inuu Maanta Cadaalada idiin sugo, waana nin lagu aamini karo ummaddan Hogaankeeda, Walibana aan idiin kala eexanaynin Hantidiinana idinka Boobaynin oo hore ayeynu u Tijaabinay oo Xasan Ciise oo wax qaatay ama wax boobaya lama arag mudada intaas leeg, isla markaana Qiimo Saa’id ah ayuu leeyahay Xasan Ciise Ilaahay ummadeena ha garadsiiyo. Mujaahidiintii dalkan u soo halgamayna waxaan leeyahay Xasan waa Hogaamiyihiinii wanaagsanaa oo Maanta waajib wayn ayaa idin saarane Taageera, Ilaahayna ha idinku guuleeyo, waxaanan leeyahay Xasan Ciise waa ninka ugu mudan inta Madaxtinimo u Ordaysa”. Guddoomiyihii urur Siyaasadeedkii hadhay ee UDHIS Muj Ibraahim Dhago-wayne isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waa inaynu Marka hore garano Ninka ay dadkeena ku aaminayno oo yeynaan bari Calaa’cal iyo Is-Ciilkaambi ku jirin ee Maanta wax garta maanta ayey idin hortaalaaye, isla markaan Cadaalad-daro badana way idinka horaysaa oo Kulmiye waad aragteen sida uu wax u kala saarayey oo walina Maxkamadiisii Buur-Xakabo-na wuu wataa, malaha idinku aad u garanmaysaane halkaas ayey Cadaalad-daradu ka bilaabantaa oo waa Tuuggo oo Codkiina ayey boobayaan, Walaahi Cajaladihii ayaan u hayaa”.

Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhago-weyne) mar uu baaq u dirayey Mujaahidiintii SNM, isla markaana ka waramayey Sharciyo ay si Cadaalad-daro ah u samaysteen Baarlamaanka Somaliland, waxa uu yidhi “Anigu Mujaahidkii halkan kaga hadlay UDUB kuma raacsani oo waxaan leeyahay Xisbigii UDUB ayaa ka dhawaa oo doorasho Cadaalad ah oo Xor ah ayey idiin qabteen oo Saddexdii gole way ku dhaceen, Baarlamaankuna Sharciga ay Baasgareeya an ma soconayo, Waana Mudo dhaaf oo mudadii Sharciyada way dhaafeen oo Sharci dara-da ay idiin samaysteena way badan tahay. Waxaan leeyahay ka digtoonaada oo ka Feejignaada oo iska ilaaliya 200 Sharci oo Tuugo ah ayey idiin samaysteene oo aanu mudna Cadaalad ahayn, waana aydin arki doontaan Is-xambaarka soo baxa iyo waxa la idiinku Sameeyo, markaa waa inaad Codkiina u soo jeedaan oo aad ilaashataan”.

Source:Haatuf