Muj Ibraahim Dhaga-Weyne Iyo Maxamed Kaahin Oo Iska Fogeeyey Inay Iyagu U Direen, Kuna Dhiirigaliyeen In Maxamed C/laahi Oomaar Somalia Xil U Doonto

 



“Sideedaba Arintaa Soomaaliweyn Aniga Qof Ahaan (Maxamed Kaahin) Dadka Meelnaba Ka Soo Gala Ma Ihi, Dadka Ka Soo Gali Doonana Ma Ihi, Dadka Xataa Warwarsaystana Ma Ihi”
Muj Maxamed Kaahin


Hargeysa, January 18, 2011 (TNN) - Muj. Ibraahim C/laahi Xuseen (Ibraahim Dhaga-weyne) oo ka mid ah aa sarakiishii sar sare ee ururkii SNM ee dalka xoreeyey, haatana ka mid ah hogamiyeyaasha urur  siyaasa deedka UDHIS ayaa sheegay, in Wasiirka Arrimaha dibada ee dawlada TFG ee Sheekh Shariif Maxamed  C/l aahi Oomar oo sheegay in saraakiisha ay ka mid yihiin Ibraahim Dhaga-weyne, Maxamed Kaahin Axmed iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) ay ku dhiiri galiyeen xiligii uu ku biirayay dawlada Sheekh Shariif  dabaya aqadii January 2009-kii mar uu Hargeysa ku sugnaa ay u fasaxeen inuu ku biiro, isla markaana xil u doonto dawlada Sheekh Shariif ay la ogaayeen, uu ku tilmaamay inaanay ninkaasi wax aqoon ah isku lahayn, beeniyayna in wax kulan ah ay wada yeesheen.

Muj. Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhaga-weyne) waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inaanay urur  siyaasade edkoodii UDHIS aanay ka tanaasulin, balse uu tilaamay in dib u habayn iyo dar dar galin ay ku  samaynaye en ururkooda, isla markaana ay furi doonaan.

Muj. Ibraahim Dhaga-weyne oo aanu shalay galab khadka Telefoonka kula xidhiidhnay, waxana kaga  weyd iinay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha dibada dawlada taagta daran ee Sheekh Shariif, Mujaadik u isagoo arinkaat ka hadlaya, waxa uu yidhi “Maba is naqaano ninkaasi (Maxamed C/laahi Oomar), meel u warkaasi ka keenayna anigu garan maayo, aqoona uma lihi shakhsigaasi, mana aqaano, meel aanu isku aragnay iyo meel aanu ku kulanayna ma jirto”

Mujaahid Ibraahim Dhaga-weyne mar aanu weydiinay wararka sheegaya, in urur siyaasadeedkoodii UDHIS ee ay ku dhawaaqeen ay ka tanasuleen iyo asbaabaha keenay in bar yahan danbe saaxada siyaasada  a an lagu arag argtiyahooda ay ku soo bandhigi jireen marxaladaha uu dalku marayo, waxa uu yidhi “Mayee waanu furaynaa ururkii UDHIS, dib u habayn iyo dar dar galin ayaanu ku samaynaynaa” ayuu yidhi  Mujaa hid Ibraahim –Dhagawyene.

Dhinaca kale Muj. Maxamed Kaahi Axmed, oo isaguna ka mid ahaa sarakiishii Milatari ee ururkii SNM ee  da lka ka xoreeyay taliskii Siyaad Barre ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhawaaqa ka soo yeedhay  Wa siirka Khaarajiga dawlada taagta daran ee TFG Somalia Maxamed C/laahi Oomar uu ku sheegay in markii uu xilkaa u doonanayay aanay waxba ku dhiiri galin, isla markaan aqoonba isku lahayn, isagoo intaa ku daray inaan wax xidhiidha ah oo Telefoon ku dhex maray ay ku wada hadlaan iyo inay wada kulmaanba aanay jirin, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ Horta marka ugu horaysa waxa ka horaysa Maxamed C/laahi Oomar ma is taqaanaan, Maxamed C/laahi maba is naqaano, Telefoona waligayo kumaanu wada hadal, muuqaal is hor fadhi iyo aragna kumaanu wada hadlin, markaa warkaa meeshu ka keenay isagaa kolay garanaya, wax arin ah oo ku saabsan xilkaa loo dhiibayo iyo ku dhiiri galin iyo kala hadal mid-na ma jirto, sideedaba arintaa Soomaaliweyn aniga qof ahaan (Maxamed Kaahin) dadka meelnaba ka soo gala ma ihi, dadka ka soo gali doonana ma ihi, dadka xataa warwarsaystana ma ihi, markaa meel alaaliyo meel uu warkaasi ka yimid ninka garanaaya ma ihi” ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin.
 

 

Source:Haatuf