Muhiimada magaalada Berbera iyo sida qaranka So maliland uga qatanyay (qaybtii 4-aad, gunaanad)
 


maqaalQeybtan waxa aan kusoo gunaanadayaa qoraalkii taxanaha ahaa ee aan kaga waramayay muhiimadda Dekedda Berbera iyo sababaha keenay in strateejiyada juqraafi ee magaaladaas qaranku uga faa’ideysan waayo. Sidii aan qormaddii 3-aad ku dhiggay, waxa aan qeybtan kaga faaloon doonaa, ka dib markii Kulmiye xukun-ka la wareegay, sida ay ka yeeleen mashruucii Berbera Corridor iyo daneyntii shirkaddaBolloré ee dekedda Berbera iyo waliba xidhiidhka dalalkii danaynayay, mid u heelanaa iyo mid kasoo horjeedayba, mashruucan.

Akhristaha waxa aan rabbaa in aan xasuusiyo in mashruuca Berbera Corridor 3 geesood uu ahaa, 3-daas geesoodna kala ahaayeen Somaliland, Ethiopia iyo EU-da. Sideedaba mashruuca Berbera Corridor wuxu fikirkiisu ku qotomay sidii Ethiopia uga faa’idaysan lahayd dekedda Berbera ee la iskugu xidhi lahaa Berbera iyo Addis Ababa isla markaana dhaqaale ahaan u kobci lahaa dalkeenu. Sida aynu wada ogsoonay Ethiopia dhinaceeda mashruucan way ka dhaqaajisay oo waddo laami ah ayeey xadka 2-da dal soo gaadhsiisay, mar walbana waxa ay u heelanayd sidii mashruuca qaybtiisa kalena loo dhamays tiri lahaa oo waddo laami ah oo Berbera ilaa xadka 2-da dal isku xidha dhaqaalaheeda loo helli lahaa. Waxa muhiim ah in muwaadinka Somaliland ogaado in EU-du marnaba diyaar u ahayn in dhaqaale ku bixiso dhisida dariiqa Berbera (mid cusub) ilaa iyo xadka Ethiopia isku xidhaya sababo siyaasadeed awgeed, runtiina ku xidhnayn aqoonsi la’aanta Somaliland ee salka ku haya wadamada ka tirsan midagwa Europe (EU) oo marba midi kasoo horjeesanayay iyo reer Europe-ka oo siddodaba bixin lacag intaa leeg oo bilaash ah.

Hadaba EU-du waxa ay aad usoo dhawaysay, maadaama iyagu dhaqaale diyaar ulla ahayn, danaynta Berbera ee shirkadaha shisheeye ee maareeya dekeddaha. Sidoo kale Ethiopia ayaa iyaduna rajo ka qabtay oo aad usoo dhawaysay danaynta shirkadahaas ee Berbera. Waxa xusid mudan in Ethiopia qorshayaal kala gadisan oo ku aadan hirgalinta Berbera Corridor usoo jeedisay xukuumaddii Riyaale laakiin mar walba 3-dii cadaw, ee aan ku xusay qaybtii 3-xaad ee qoraalkaygani, carqalad ku ahaayeen. Waxa la odhan karaaba 3-dii geesood ee mashruuca Berbera Corridor waxay isku badileen Somaliland, Ethiopia iyo shirkadaha shisheeye, siiba Bolloré, waa intii 2010-ka ka horaysaye.

Markay sidaa tahay waxa hadaba iswaydiin mudan xukuumada Kulmiye sida ay ka yeeshay dalalkii iyo shirkadii dekedda berbera danaynayay, taasoo ina tusaalayn karta rajada ay leedahay Qaranka Somaliland oo straateejiyada Berbera ka faa’idaysta.

Ugu horayn dalka Ethiopia oo ahaa danaynayaasha (stakeholders) kii ugu mudnaa marka Somaliland laga reebo, oo isla markaana ahaa saaxib dhaw oo ay Somaliland leedahay, ayeey xukuumadda Kulmiye markii ay xilka la wareegtay-ba dhabbarka u jeedisay. Waxa ay halkii Ethiopia dalkeena ugu jirtay xisbiga Kulmiye ku badilay Djibouti oo iyadu marnaba qarsan aragtideeda ku wajahan Qaranimada Somaliland.

Madaxweynaha dalka Djibouti wuxu kula taliyay madaxweynaheena, ka dib markii uu safarkii ugu horeeyay ee uu dibada ugu baxo ku taggay dalkaas, aragti markeeda horeba madaxdeenu badankoodu aaminsanaayeen ee laakiin huruday wuxuuna ku booriyay in uu la hadlo Somalia isla markaana qaybteeda Somaliland ka qaadato wixi deeqo ah ee Somalia la siiyo.

Taasi waxa aad ka dheehan kartaa waraysii ay jariirada Fransiiska ah ee la yidhahdo Jeune Afrique la yeelatay madaxweynaha dalka Djibouti dhawr bilood ka dib socdaalkii uu Siilanyo dalkaas ku taggay oo markaas uu gaashanka ku dhuftay Ismaaciil is-barbar dhigga qadiyada South Sudan iyo Somaliland oo uu yidhi Somaliland buudhigii-bay ka horaysiiyeen faraskii (putting the cart before the horse).

Garabsiga cusub ee Djibouti waxa barbar socday xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia oo dhawaacmay ka dib khilaafkii diplomaasiyadeed ee ka dhashay safiirkii ugu horeeyay ee uu madaxweyne Siilanyo bilaa fiirsashada ugu magcaabay dalkaas.

Wada hadalkii Somalia lala gallay iyo siyaasadii cusbayd ee Soomaaliyaysnayd ee Kulmiye waxa ay keentay in beesha caalamku qadiyadii Somaliland mid la xasiliyay u qaadatay oo Soomaalidii iyagii is-afgarteen.

Hadaba haddii Ethiopia iyadii meeshii laga saaray, shirkadii ugu horaysay ee dekedda Berbera soo hunguraysa ee Bolloré maxaa iyana ku dhacay?

Shirkada Bolloré isla markii isbadilku ka dhacay Somaliland ee Kulmiye xukunka qabtay, waxa ay soo cusboonaysiisay codsigeedii ku aadanaa maamulida dekedda Berbera. Sidii UDUB u qaabishay ayeey Kulmiye-na u qaabilen iyagoon haba yaratee u sheegin wakhti cayiman oo ay kaga jawaabi doonaan codsiga shirkadan. Xisbiga Kulmiye 3 sanadood markuu xilka hayay ayuu codsigii shirkada ka hawl gallay, ka dib markii shirkada Bolloré iyadu u timid xukuumadda. Waxa aynu wada ogsoonay in hantida qaranka la galliyay oo lacag la siiyay shirkad Ingiriis ah oo la yidhahdo McCue & Partners si ay qorshaha Bolloré uga eegto oo ay kala taliso xukuumadda Somaliland. Sidoo kale wasiirkii horee ariimaha dibada Maxamed Bixi Yoonis ayaa isaguna socdaal ku taggay wadamo ku yaala Galbeedka Afrika oo ay shirkada Bolloré ka hawl gasho oo uu ka mid yahay dalka la yidhahdo Togo.

Shirkada Bolloré waxa ay ka hawl gashay, markii xukuumadu ku war galisay in ay danaynayaan codsigooda, sidii ay qalbiga Somaliland usoo jiidan lahaayeen (winning the hearts and minds of Somalilanders) oo waxa ay madaxweyne Siilanyo iyo wafti uu hogaaminayo u qorsheeyeen booqasho rasmiya oo ay Fransiiska ku tageen oo markaa maamuskii aynu mudnayn ee dawladnimo-na lagu qaabilay. Madaxweyne Siilanyo wuxu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee wasiir ariimo dibadeed oo Fransiis ah la kulma, waxa kaloo la geeyay aqalka looga taliyo dalka Fransiiska ee la yidhahdo Elysee-ga. Sidoo kale Bolloré waxa ay ka mid ahayd maal-galiyayaashi shirkii ka dhacay London 14-kii October 2014-kii ee fursadaha maalgashiga Somaliland lagusoo bandhigayay. Madaxa shirkada Bolloré Domique Lafont ayaan su’aal waydiiyay maalintaa shirka maal-gashigu socday oo aan ku idhi: “Shirkada Bolloré dekedda Berbera maxay ku kordhinaysaa ee ay dekeddu kaga duwanaanaysaa sida ay maanta tahay, Kontaynar terminal-na ma u samaynaysaa? Mida kale Somaliland maaha dal rabba in uu GDP-giisa amma dhaqaalihiisa oo qudha sare u qaado ee waxa kaloo aanu raadinaynaa xasilinta iyo sugida jiritaankayaga, sidaa daradeed shirkada Bolloré miyay naga caawin kartaa sidii Fransiiskii u taageeri lahaa qadiyada Somaliland”? Su’aashaydaas iyo jawaabteediiba waxa lagusoo qaatay qoraal ay ka qortay jariirada Fransiiska ah ee la yidhahdo Indian Ocean Letter (La Lettre de l’Ocean Indien) wuxuuna ku jawaabay Mudane Lafont in waxa dekedda Berbera ay u xiiseeyeenba ahayd qadiyada Somaliland oo soo jiidatay. Wuxu kaloo sheegay in uu madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo la kulansiiyay madaxda dalka Fransiiska, wuxuuna si xamaasad ka muuqato u sheegay in ay ka go’aantay inay taageeraan qadiyada Somaliland. Isagoo dekedda ka hadlayana waxa uu tibaaxay in Shirkadoodu tahay ta qudha ee la diyaara maal galin dhan $442 Malyuun, isla markaana qorshe dhaw iyo mid wakhtiga fog ah-ba leeyihiin.

Markuu arin halkaa marayo ayaa waxa lasoo dhaqaajiyay shirkado kale, siiba kuwo Emirates-ka ah, oo la leeyahay waxa ay danaynayaan dekedda Berbera. Shirkadahaas 2014-kii bilaabay in ay daneeyaan dekedda Berbera, shirkado cusub maaha ee waa kuwo hore u jiray. Waxa iswaydiin markaa mudan, intii hore ee ay Bolloré kaliga ku ahayd danaynta Berbera, maxa ay usoo danayn waayeen ee ay danaynta u bilaabeen markay Bolloré dardar galisay codsigeedii si ay uga gun gaadho ujeedada xukuumadeena? Mida kale hawshii loo diray shirkada Ingiriiska ahayd ee codsiga Bolloré ku saabsanayd miyaanay ahayn in umadda loosoo bandhiggo oo Barlamanka lala wadaago natiijada kasoo baxday?

Waxa jira xeerar iyo dhaqan lagu maamulo marka qandaraas, amma waxa loo yaqaano Tender, dawlad amma maamul u furayo in lasoo codsado (bidding process). Furitaanka qandaraaska ugu horayn waa in ay la socoto shuuradaha laga rabbo cidda soo codsan karta, waxa kaloo muhiim ah in ciddan soo codsanaysaa ogaato wakhtiga uu ku xidhmanayo qandaraaskani ee markaa natiijada codsiyada la ogaan karo. Ilaa maanta Xukuumadeenu ma sheegin wakhtiga qandaraaska dekedda Berbera codsigiisu xidhmayo, shirkadihii soo codsadayna, siiba tii ay dhabta ka ahayd, wax jawaab ah lama siin. Taasi waxa ay keentay in ceebi inaga raacdo oo la inoosoo tilmaamo dhaqan xumada aynu kula dhaqmayno Shirkada Bolloré oo safiirka Fransiiska ee Nairobi fadhiya warqad usoo diro madaxweynaheena.

Mashruucii Berbera Corridor waxa uu ku dambeeyay in EU-du, markay aragtay in shirkadii danaynaysay hawada loo diray xukuumadeenuna dayn wayday ku af-gobaadsi-ga Berbera Corridor, in ay tidhahdo shir qaadhaan loogu uruurinayo ayaan u qabanayaa dabadeedna Bomb-kii (Somalia) Ismail Omar Guelleh inagu xidhay uu diidmo ka horkeeno oo ay amraan in shirkaa la joojiyo. Runtii waa shax hore loo daggay kuwa ina xukumaana amma ay daacad inoo ahayn amma aqoon darro baahsan oo xagga Geopolitics-ka ahi hayso.

Qoraalkaygan waxa aan kusoo gunaanadayaa in inta madax aan dacad dalkan u ahayni ina xukumayaan, inta madax aan aragti fog lahayni oo fahamsanayn is-riixa iyo is-garabsiga adduunka ka jira waxa uu ku salaysan yahay ina xukumayaan, inta madax aragtidoodu ku koobantay kala ridashada iyo kala qob-qobka reero ina xukumayaan, Berbera waxa ay ku xukumantay 4 baabuur oo xamuul ah iyo 4 neef in ay u adeegto tukuhuna ka ciyo.

Wa bilaahi tawfiiq,
 


Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
London,
iidsl@hotmail.com