Muddo kordhin mise Magac xumo
Maarso 25,2015
Mareegta Farshaxan
‘’Haddii gu’gii kuu kordhaa
Gabaw mooyee ku tarin
Garaad iyo waayo arag
Ogow geed ma gudbaad tahee’’
Abwaan Gaariye
Waxaa lagu Jiraa gu’gii 2015kii, halkan waxaanu idinla wadaageynaa
wareysi uu wargeys ka Jamhuuriya ka qaadey mudane garyaqaan Ibraahin
Xaashi Jaamac xilli lagu jiray mada xweyne Riyaale guurtidu ma u
kordhinaysaa mise uma kordhinayso. Xilligaa dadkii aadka u kacsanaa
waxaa ka mid ah hormoodka xisbiga Kulmiye ee maanta u hanqal taagaya
in loo kordhiyo. Kuwii muddo kordhinta gu’gii 2008 diidanaa ayaa
manta doonaya muddo kordhinta oo doorashadii xilligeedii ku qaban
kari waayey. Kuwii muddo kordhintu Afweyne ayey ina xasuusinaysaa oo
dictaatorriyad ayey abuuraysaa lahaa ayaa manta taageeraya kordhinta
oo aaney damqayn. Xaalku waa dalka aan duleeyo, dadkiisa aan
aflagaadeeyo, duunyada aan dhacee markayga darka iiga durka.!!!!!!!!!!!!!!!!
Xisbiyadu kuma khaldana inay af-lagaadeeyaan garaadka
bulshada,dhibtu waxay ka taagan tahay garaadka bulshada oon korayn.
Kuwii shalay madaxweyne Riyaale inaga qabta lahaa ayaa maanta leh
Riyaalaa u dhaamey qaranimadan burburtay maanta, kuwii shalay Mudane
Siilaanyo amaanayey ayaa maanta Siilaanyo aflagaadeynaya, kuwii
shalay Mudane Siilaanyo codka siiya lahaa ayaa maanta cid kale codka
siiya leh. Hadda waa isla kuwii oon biyo ismarin.Dadkii ay dhinaca
xiiran u jeedin jireen ayey u jeediyeen iminkana dhinaca aan
xiirnayn.Dhanxiirba miyaan laga korayn.
Waydiimaha warcelinta u baahani waa :
-Waxay tahay goormay bulshada reer Soomaaliland dooran qof danahooda
ilaaliya, danaha dalka ilaaliya, qaranimada dalka u heelan,?
-Goormay bulshada Soomaaliland baraarugaysaa oo ka koraysaa
doorashada ku salaysan caadifada, reernimada, nin-jeclaysiga,sacab
tumista aan salka laheyn,iwm.
Talo waxay taagan tahay ishiisa laga arkaa ushiisa lagu dilaa. Bal
wareysigaasi siduu u dhacey ka bogta:
Garyaqaan Ibraahin Xaashi Jamac – “Nabad xumid aan dalka ka jirini
ma keeneyso Muddo kordhin distoori ah, laakin Muddo kordhin aan
distoori aheyn ayaa nabad xumi dalka u keeneysa”
London (Jam) - Waxa maalmahanba ka taagan wadanka muran ku saabsan
dhamaadka mudada xilka ee madaxweyne Riyaale iyadoo ay hadda cadahay
in aanay doorashadii dhacayn dhowaan. Haddaba waxa u suurtagashay
weriyaha Jamhuuriya Times Khadar Xasan Cali inuu Distoorka waxa uu
arrintan muddo kordhinta ka qabo wax ka weydiiyo Garyaqaan Ibraahim
Xaashi Jaamac oo ah Tifatiraha mareegtada www.somalilandlaw.com ,
ahna khabiir darsay Distoorka Somaliland oo uu ku tarjumay Af
Ingriisi, fasiraadna ku sameeyey. Ibraahim oo aanu wareysigan ka
qaadnay ka hor intii aanu soo bixin go’aanka muddo kordhinta ee
Guurtidu soo saartay ayaa waxa uu si aada uga digay in ay tallaabo
noocan oo kale ah ku dhaqaaqaan Gollaha guurtidu, iyaga oo aan wada
tashi la samayn dhinacyada ay arrintan khuseyso sida xisbiyada
siyaasiga ah iyo komishanka qaranka. Ibraahim waxa kale oo uu ku
naqdiyay wareysigaasi warsaxaafadeedkii madaxtooyadu dhawaan soo
saartay ee odhanayay distoorka ayaa u ogol muddo kordhinta
madaxweynaha. Wareysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
S: Ibrahim, goorma ayay mudada Xilka Madaweyne Rayaale ku eegtahay?
J: Taas waxay ku cadahay Q. 88aad ee Distoorka. In kastoo la dooraty
Madaxweynaha 14kii April 2003, muddada xilkiisa oo ah 5 sanno waxay
billaabmatay maalintii la dhaariyey oo ahayd 16kii May 2003. Hadaba
marka sharciyan la tirinayo mudooyinkaa, waxa uu Q.110aad ee Xeerka
Habka Madaniga ak (1974) odhanayaa “Muddooyinka ku xaddidan bilaha
ama sannooyinka waxa lagu xisaabayaa kaalandarka caadiga ah”.
Markaas, muddadiisii 5ta sannadood ahayd waxay dhmaaneysa 15ka May
2008.
S: Waa muuqata in aanay dhaceyn doorashadii Madaxweynuhu ka hor 15ka
May 2008,
Warsaxafdeed Madaxtooyadu soo saaartay shalay waxay tidhi Distoorka
ayaa u ogol Madaxweynaha in uu xilka sii hayo ilaa mid cusub la
doorto. Taas maxaa ka jira?
J: Nasiib daro waxa inoo noqoto in qodbadda distoorkeena oo aan
ahayn wax qarsoon ama adag, Af Soomaalina ku qoran, oo ay dawladu
ahayd in ay ilaaliso micnihiisa iyo nuxurkiisaba ayay mararna baal
martaa, mararna si aan meeshaba ku jiran u fasirato. Dawladda iyo
laamaheeda, waajib ka weyn kan saaran shicibka ayaa ka saaran
ilaalinta iyo hirgelinta Distooraka iyo xeerarka. Taasi waa mid. Tan
kale markaan u soo noqono weedhan oo ku soo baxaday War saxaafeeded
rasmi ah shalay (07/04/08) waxay tidhi “qodobka 83-aad, Farqadiisa
3aad oo si cad u tilmaamaysa in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku
xigeenkii hore ay sii wadi doonaan hawlaha ay u xil saaran yihiin
ilaa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen cusub la soo doortaa kala
wareegaan xilka.”
Fikradani waa mid lala yaabo oo mindhaa waxaaban is idhi malaha
haddi Madaxweynaha iyo cida la talisaa ay sidan u arkaan distoorka,
wax ku kalifaya in ay qabtaan doorasho maba jiraan. Arrintan hadday
ceynkaas tahay, maxaaba looga haadlaya awooda kordhinta mudada ee
Guurtida! Maaha arrintu ceynkaas oo Qodobkan 83(3)aad iyo kuwa ku
ladhan waxay ka hadlayaan hababka loo dooranayo Madaxweynaha oo ah
sidan:
“1.Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Iagu dooranayaa
qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga
oo isku lammaan. 2. Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka
Madaxweynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u
codaynta liistada, waxa Ia qaban doonaa bil ka hor dhammaadka
muddada xilka Madaxweynaha hore.
3. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona
hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka
cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed.
4 Waxa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweyaha iyo Ku-xigeenka
Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan
yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.”
Faqraddan 3aad waxay ku kooban tahay marka ay dhaco doorashado oo
Madaxweynaha xilka haya ayaa sii heynaya muddo cayiman oo bil ah oo
uu ku wareejinyo xilka kan cusub ee lasoo doortay. Taasi waxay la
mid tahay doorashada Madaxweynaha Mareykan oo sharciyan si haya
xilkiisa mudada u dhaxeysa doorashada oo ah Noofambar horaanteeda
iyo xil wareejinta oo ah Janaayo dhamaadkeeda.
S: Ibrahim Markaas muddada kordhinto siday ku iman karataa?
J: Albaab kaliya ayaa jira oo ah mid loogu talo galay mudaddii kal
guurka ahayd ee aynaan haysan nabadgalyada taabka ah iyo xisbiyo
dhisan oo aniga ila ah in ayno si dakhso ah uga saarno distoorkaba.
kaasi waxa weeye Qodobka 83 (5) ee distoorka oo dabo socda 4ta
faqradood ee kale ee aan hor ku xusay, waxaanu odhanya:
“5. Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada
darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka
Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida
waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo
Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada
lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto”
S: Maxaa lagu tilmaami karo nabadgelyo darri, haddi metalan qas uu
ka dhaco metalan magaalo ka mid ah wadanka ma la odhan karaa
nabadgelyo darro ayaa wadanka ka jirta oo suurta gal ma aha ina
doorashda la qabto?
J: Horta marka hore waa in ay wadanka la soo deristo xaalad
nabadgelyo darro ihi (security consideration), tan labaadna waxa
weeyi xalaadaasi waa ina aay gaadhay heer aan marnaba la qaban karin
doorashada Madaweynaha nabadgelyo darro awgeed. Waxa aynu
xasuusanahay wadankii Jamhuuriyada Somaliya la isku odhan jiray in
markii uu dagaal la soo darsay 1964kii, ay doorashadii sideedii u
dhacaday oo lagu tiraabay gacana qoriga ha lagu heysto gacana halagu
codeeyo! Haddaba jawaabta waxa weeyi shil amba qalaanqal aan fidin
oo goob qudha ama goobo cayiman ka dhacaa laguma sifeyn karo
nabadgelyo darro doorashadiina ka dhigaya waxaan marana suurtoobeyn.
Bal aynu xassuusano doorashii 2003kii wadanka waxaa jiray meelo aan
xasilloon oo hadana waatii aynu qabsanay
S: Dhowaan waxa la soo sheegay dhowr jeer oo qaraxyo yar yar ay
dhaceyn. Kuwaas ma la odhan karaa waa nabadgelyo daro?
J: Alla ha inoo sahlo dhacdooyinkan yar yar e hadda bilaabmay mooye,
Somaliland waxya muddo ku faaneysay xasilloni iyo nabad, waana la
ogaandoona cida dhacdooyinkan ka dambeysay. Sharciyan laakin, ma aha
uun in ay dhacdooyin dhacaan oo addunka oo dhan kuwaaso kale iyo
kuwa ka xuniba wey ka dhacaan wadamo nabad ah, ee waa in nabadgelyo
xumido ay tahay ta keentay in aan la qaban karin doorasho. Labadaa
arrimood waa in ay sidaas isugu xidhnaadaan haddii Qodobkan
Distoorka la isticmaalayo. Waxba yeynaan iska indha tirin, sababta
ay doorashadu u dhacayn 15-ka May ka hor weynu ognahay oo
Kommishanka Doorashooyinka iyo Xisbiyadu waa kuwii kawadatashaday ee
isku raacay sanadkii tagay in dib loo dhigo doorashadii Golyaasha
Degmooyinka iyo tan Madaxweynaha si loo hirgaliyo diiwangelinta,
tiiba maanta weli taagan, wax nabadgelyo xumi oo jirtaana ma aragno
ilaa hadda.
S: Sabab kale oo aay Guurtido muddada ku kordhin kartaa ma jirtaa?
J: Jawaabtu waa MAYA. Diiwaangelintu waa arrin hore looga seexday
marka dib u dhaceeda waxa keenay qorsha xumi. Haddi la yidhaado taas
ayaa keentay muddo kurdhin, wax macquul ah maaha oo waxay la mid
tahay qof shaqaala ah oo lagu yidhi hawl hadaad mudaddii ay ku
cayimneed ku dhameynweydid, dee iska sii wado ilaa intaad rabtid.
Mudda kordhintu ma aha arrin ay Golaha Guurtidu iyo cid kale toona
marka ay doonaanba ay iskaga kacaan, Distoorku sababta qudha ee
muddada xilka Madaxaweynaha lagu kordhin karaa waa marka labada
arrimood ee aan soo sheeegay aay yimaadaan.
S: Guurtidu hadda shireysa maxaad ku odhan lahayd?
J: Odayaasha (in kastoo aan maqalay badankooda anaaba ka weyn oo
niman badan dhaxal meesha kusoo galay aya hadda xubinno ka ah)
waxaan ku odhan laha hadal gaaban. Korodhsiimooyinkii hore ee
iyagubu kasoo horjeeday distoorka, ayaa sumcadiina iyo tan dalkaba
dhaawacay mid kale yey idiin raacin. Nabadgalyo xumid aan dalka ka
jirin ma keeneyso muddo kordhin distoori ah, laakin muddo koordhin
aan distoori aheyn ayaa nabad xumidda keyneysaa.
S: Ibraahim, Miyanay Guurtidu mar hore Madaxweynaha muddo u kordhin?
J: Haa oo markii ugu horeysay intii aynu Distoorka 1997kii lasoo
baxanay, waxay ahayd 12/1/2002 markii ay soo sareen Go’aan
((GG/JSL/Kal-fadhi 16/Go'aan-3/1/2002) ay mudada xilka Madaxweyne
Cigaal oo ku ekeyd 23/2/2002 oo ay ugu kordhiyeen hal sanad, iyagoo
cuskanayey Q.83(5) ee aan hore ka soo hadlay. Ra’yigeyga iyo kan
Gudidii Distoorka ee Somaliland Forum markaas sidan uunbuu ahaa oo
qoraal dheer oo Guurtidu in yar ka soo xigatay ayaanu u qornay oo
aanu ku nidhi Qodabakani idiinma ogala kordhin ee wada tashi iyo
dawlad loo dhanyahay waa in laga xaajoodaa. Waqtigaas ururada
siyaasadu way bilaabmen, laakin meynaan weli gaadhin heer ay kusoo
baxaan 3da Xisbi ee distoorka ku cayiman. Bal markaas Guurtidu
waxaabay isku dayeen in ay dhageystaan tallooyinka ay soo jeediyaan
ururadu oo waxay u saareen Guddi ay ku magaaceeben “Gudida La-tashi
& Xogwaraysiyo”. In kasto aan qabo go’aanka ay gaadheen oo ku
saleysan Q.83(5) uu khalad ahaa, dee barigaa kumay deg degin, oo may
baran kali tashiga ka muuqatay korodhsiimaddii mudadooda iyo kuwii
kale.
S: Sideebaad u aragtaa dhawaaqa aay Guurtido ku dhawaaqday ina aay
Golayaasha Dawladaha hoose muddadii u kordhiyeen bishii December
2007kii?
J: Heerka ay maroorsiga awoodo aanay lahayn ka gaadheen Guurtidu,
waxa ka mid ah korodhsiimada ay muddodoodii ay iyagu ku sameysteen
2006kii iyo korodhsiimada muddada Golyaasha Degmooyinka. Meel
allaale meel Distoorka iyo Xeerarka Somaliland ay kaga qorontahay
awoodahaasi ma jiraan. Awoodaha aan sharcigo laamaha dawladda siinin
waxa leh oo ay u yaaliin ummada oo sida Q.2aad ee Distoorka uu
dhigayo, “awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga”,
shacbigaana awoodaha qaar cayimin siiya dawladda iyo laamaheeda.
Markaas, maroorsiga ay wax dawladu si sharci daro ula wareegto awood
aan la siin waxay la mid tahay nin inta uu dhul aad leedahay iska
boobay, maalin welba soo korodhsadda oo ku yidhaada intan kalena
anaa leh, waatan intii horeyba qaate. Hay’ada dawladu haddii aay
maroorsato sharci aanu Distoorku awood u siinin wa waxba kama
jiraan; arrimahaase oo kalana maaha kuwa “qiyaas ahaan” (analogy)
lagu fasiran karo, waayo distoorka saldhigiiso waa kala xadeynta iyo
dheelitirka awoodaha laamaha dawladda (separation and balance of
powers). Haddi laan dawladu ay iska marroorsato awood aan distoorka
iyo xeerarku siin dee waa fawdo. Taasina waa ta ka dhex dhalisay in
3-da Gole ay madaxa isla wada galaan, xukumadiina u soorta gelisay
in aanay Baarlamaanku si cad ula xisaabtami karin.
S: Marka ma waxa aad leedahey muddadii aay Guurtidu u kordhisay
doorashada dawladaha hoose bishii December 2007 waxa aay aheyd mid
aan sharciga waafqsaneyn
J: HAA, oo waxa ay ahayd mar haddi ay isku raaceen xisbayada iyo
Kommishanka Doorashooyinka, Baarlamaankuna aqbalsanayahay, ay Golaha
Wakiilado halkay ka aamuseen oo marakaas ay soo siibtay Guurtidu, ay
iyagu sharciyenta arrintan bilaabaan. Mudada Golayaasho oo dhami
waxay ku cayimantahay Distoorka oo tan Golaha Degmooyinka waa
Q.111(7) ee Distoorka. Bedellaad kooban ayey Goluhu soo jeedin
lahaayeen iyagoo raacaya habka ku qoran Q.126aad ee Distoorka, laba
bilood dabadeedna iyaga iyo Guurtida aya sidaas ku dhameynaya
bedellaada kooban. Tani laakin waa in ay ahaata mid laysku wada
raacsanyahay oo wada tashi ku timid.
S: Markaas wixii aan distoorka ku jirin sida Korodhsiimadan hadda,
sidee go’aan looga gaadhayaa?
J: Waxaa arrimahaas lagu dhameynkara iyadoo dib lagu noqdo
mabaadi’da distoorka. Horta distoorkeenu wuxu ku saleysan yahay
mabaadi’da ku xusan Araarta iyo qodobo gudahiisa ah oo fasiraadiisa
iyo buuxinta dalooladiisa loo maro, kuwa aaraarta ku jira waa:
1. Shareecada Islaamka.
2. Go'aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag.
3. Isu-dheellitirrnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta;
Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.
4. Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda
(Decentralisation).
5. Damaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda
suuqa xorta ah.
6. Qiimo-weynida nolosha qofka oo Ia imanaysa sugidda xuquuqda
asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.
7. Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo
adduunweynaha. Waxa raacsan intaas arrimaha saldhigga u ah distoorka
ee ku xusan Qoddoba 127aad ee Distoorka, kuwaas oo ah:
8. Midnimada dalka (Israacsanaanta dhul-ahaaneed).
9. Mabaadi'da talo-wadaagga iyo hannaanka xisbiyada badan.
Markaas waa in la raaca himilooyinka saldhigga u ah Distoorka oo
lagu xallilaa wixii inagu soo kordha wadatashi iyo talo-wadaag.
Wixii sidaas laysku raaco, ayaa sharci lagu soo saarayaa ama lagu
bedellayaa distoorka oo markaas lagaga gudbayaa dhibaato kasta oo
timaada. Xukuumadana waa in sidaas lagu qanciyaa. Haddii aan taa la
raacin oo markasta Guurtidu iyo Madaxweynuhu ay isugu celceliyaan
muddo kordhinta, dee diimuqraadiyadi
ma jiri karto.
S: Haddii Madaxweynuhu diido soo jeedinta Baarlamaanka iyo
xisbiyadda maxaa la yeelayaa?
J: Horta tan ugu horeysaa, waxa weeye in Madaxweynuhu iyo
xukuumadiisa ay fahmaan oo aqbalaan in xilkii ummadu u dhiibatay
markii la dhaariyey 16kii May 2003 uu ku egyahay 15ka May 2008, oo
maalintaas wixii ka dambeeyaa haddi aan inta ka horeysa aanay dhicin
doorasho, ay muddadi Ummadu xilka igmatay ama siisay ay dhamaatay.
Haddii uu Distoorkeynu ahaan lahaa mid Madaxweynaha lagaga dooranayo
Baarlamaanka, hadal kuba taas ayuu ku dhamaan lahaa, laakiin habka
aynu qaadaney waa in uu Shacibigu soo doortaa. Haddaba, iyadoo habka
wada-tashiga ah ee aan hore u sheegay loo maro maahee, xilkii wuxu
dib ugu noqonayaa shacbiga iyo ciddii ay doorteen ama iyaga
matalaya, laakin si dhibaato looga hortagu, waa in iminka wada hadal
la bilaaba oo iyadoo danta wadanka laga fakiraayo arrintan la soo
afajaro oo hadaf laysku raacsan yahay meel la wada dhigo.
Madaxweynuhu iskama indhatirikaro in mudadiisii dhamaatay oo haddii
uu sii joogayo muddo caymin, intay tahay iyo dawladda la dhsisayao
waa in ay la tashi ku timaada. Haddii laakiinse uu ku adkeystu in
siddii hore uu wax usii xukumo, oo aanay xisbayadii iyo Golayaashu
ka ogalaan, waa keli-talisnimo. Tanina cashar bay u noqoneysa dawlad
kasta in ay 5-ta sannadood gudaheed ay ku qabato doorasho xalaal ah.
S: Ra’yiga odhanaaya haddi doorashado wakhtigeedi dib uga dhacdo waa
in dawlad ku meel gaadh ah la dhiso sideebuu kuula eeg yahey?
J: Waxaa aan qabaa wa ra’yi meesha ku jira oo haddii lasyku raaco
uun u baahan sida aan soo sheegay bedellaad distoor oo kooban oo
labadda Gole sameyn karaan, xitaa haday sharciyenyteedu u baahan
tahay muddo. Madaxweynuhu wuu ogaa oo waa loo sheegay sannadkii hore
dhamaadkiisi in aanay doorashado qabsoomeyn Bisha May ka hore, wax
allaale wuxuu arrintan ka qabtayna ma jirin. Ma wuxuu isku
haleynayay muddo kordhis Guurtidu u keento?....
S: Muddu kordhinta miyaan markii hore loogu tallo gelin mudaddi kal
guurka (transitional provisions) maxaa weli ina daba dhigay haddii
aaynu distoor sameysanay?
J: Waa runta oo mudda kodhinta waxa loogu tala galey wakhtigii kala
guurka ahaa (transitional) ee wadanka laga dhisaayay Golayaal la soo
doortay oo hadda inuu soo dhamaatay. Markaa taas maanta waa la soo
dhaafay. Sida awgeed qoddobada mudda kordhinta waa in Distoorka laga
saaraa sida ugu dhakhso badan. Dib dembe waa in aan “muddo kordhin”
la maqlin haddii aynu rabno in aaynu dhisano bulsho ku waarta nabad
iyo horumar. Muddo kordhin ay Madaxweyne iyo Gole aan la soo dooran
[Guurtidu] marba isla barbar ordaan, ceeb ayay ku tahay nidaamka
diimoqraadiyadda ah iyo mabaad’iida
Distoorka.
S: Ugu denbeyn Ibrahim waxa aan ku weydiiyay arrimahan xil
kordhintaa hore ma uga hadashay?
J: HAA, oo arrintan xil korodhsiimada hore waan uga hadlay,
khaasatan 2002kii, 2003kii, iyo ugu danbeyntii 2006kii markii ay
Guurtidu ku dhawaaqeen in ay muddadii isu kordhiyeen. Weligeen
doorasho waqtigeedii dhacda ma gaadhayno haddii aynaan caddeyn in
dib danbe aan loo aqbalayn muddo korodhsiimo.
Wareysigan waxaa markii hore lagu daabacey wargeyska
Jamhuuriya,iminkana waxaa laga soo dheegtay mareegta
Somalilandlaw.com. Maamulaha mareegtaa ayaana isagoo u mahadnaqaya
wargeyska Jamhuuriya, qoraalkana in yar ka taabanaya yidhi:
This is the text (in Somali) of an interview with Jamhuuriya
newspaper (printed in the daily paper and on the online edition) in
early April 2008 before the Guurti announced the extension of the
term of the President by a period of one year.
The title is “Disorder that does not exist in the country will not
bring about a constitutional term extension, but an unconstitutional
term extension may lead to disorder”. This refers to the only clause
in the Constitution which allows the Guurti to extend the term of
the president but only on condition that the security situation in
the country has made it impossible for the election to be held
before the end of the presidential 5 year term. Everyone was aware
last year (and the National Electoral Commission, as well as the
three parties declared) that the electoral registration will not be
completed before the end of the terms of the local councils in
December 2007 and the end of the term of the President on 15 May
2008. That was and is still the main reason for the delays in the
elections.
The interview examines the constitutional provisions and, as there
are no specific provisions addressing this scenario, the options
available within the spirit & guiding principles of the
Constitution. In such a situation, an agreement reached between all
the three parties and the NEC (and endorsed as a on-off short
“sunset” law passed by the both Houses and the President before 15
May 2008) can be struck so as to ensure that the elections are held
on time and agreed arrangements broadly in line with the
Constitution are put in place until the presidential elections are
held.
My thanks to Khadar & Jamhuuriya for publishing the interview.
Ibrahim Hashi Jama www.somalilandlaw.com
16/04/2008
|