MUDDAYNTA DOORRASHADA MADAXTOOYADA

 


 

Shirkii Bishan Abril 13dii, 2010 Guddida Doorashooyinka Qaranka ay u qabteen Axsaabta Qaranka ee qalinka lagu duugay Xeerka Anshax Doorashooyinka ayaa waxad moodaa in saxaafadda dalku siyaabo kala duwan u fasiratay hadal uu Guddoomiyaha Guddida  Door ashooyinka madasha ka jeediyey. Qaar ka mida mareegaha warbaahinta Somaliland  ay aa faafiyey in Doorashadii madaxtooyadu qabsoomayso badhtamaha Bisha Juun, 2010. Sideedaba doorashadan madaxtooyadu xiligay u asteysnayd waxay dib uga dhacday laba sannadood. Markaa hadday xaqiiqo tahay in ay doorashadu u mudeysantahay  ma alintan warbaahintu sheegayso, wixii aynu dhowrnaaba waa ololihii doorashada oo si rasmi ah u bilaabma Bisha May 1, 2010 noqonaysa maalinta u horeysa ee 45 maalmood ololaha sida xeerka doorashooyinku qeexao. Waa hawl in badan inagu rafatay oo laga gudbi doono.


Shirkii jaraa’id ee Guddida Doorashooyinka ee Bisha Abril 13dii, 2010 si kastaba ha loo turjumte, waxa cad in warbaahintu si badheedh ah u baalmarsantahay shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka qaranka, gaar ahaan xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo sheegaya in 90 maalmood ka hor doorashada, goob kasta oo laga codeynayo la dhigo liiska kama dambeysta ah ee cod bixiyeyaasha. Markaa su’aasha meesha ku jirta ayaa ah: Shirkaddii qandaraaska ku qaadatay kala shaandhantay qashinkii buuxdhaafiyey diiwaangelintii codbixiyeyaasha miyey hawsheedii dhamaystirtay?


Waxa heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee  da lkuba ku sigtay in uu burburo, ayaa isna sheegayey in Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo Guddi Farsamo oo ka wakiil ah deeqbixiyeyaashu ay si wadajir u go’aamindoona  ma alinta doorashadu qabsoomayso,ka dib marka la ogaado natiijada kala shaandhaynta diiwaangelintii oo isdabamarin iyo musuqmaasuq hadheeyey. Goobtii lagu axeexayey Xeerka Anshax Doorashadu umay muuqan madal loogu talagalay ku dhawaaqista  maali nta ay doorashadu qabsoomayso. Warbaahinta qarankana loogama baahna in ay  faaf iyaan war aan sugnayn oo beri ka maalin muran ka dhalan doono.

Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay hore u shaaciyeen in dhammaan aqoonsiyadii hore ee codbixinta lagu bedelidoono qaar cusub. Waxa muuqata in aan weli la  dammay stirin daabacaaddii kaadhadhka cusub. Bedelaadda iyo sixitaanka khaladaadka kuwii hore ku jiraa iyana waxay u baahandoonta muddo ku filan iayada oo laga duulayo rirada kamadambaysta ah ee ka soo baxday kala shaandhanta dadweynihii hore isu  diiwaange liyey.

Waxa kale oo xeerka codbixiyeyaashu qeexayaa in codbixiyuhu ka codeyn karo oo keli ah goobtii uu iska diiwaangeliyey. Muddaynta doorashada ayaan ka madhnaan Karin  sa adaasha xagga cimilada sababtoo ah dadweynaha iska diiwaangeliyey inta u dhexeysa Ceelaayo iyo Saylac mudada u dhexeysa Bisha Abril iyo Bisha Oktoobar deegaanadooda way ka guuraan oo waa xili kulayla ah, waana arrin mudan in goorwalba Guddida  Door ashooyinku ku xisaabtamaan.

Waxay waayo aragnimo laxaad leh laga kasbaday caqabadihii ka horyimid Guddidii  Door ashooyinka ee kan imika jira ka horeeyey. Dhibaatadii hore loogala kulmay  diiwaangelin ta ayaa waxa kow ka ahayd Haya’ada Interpeace oo kaashanaysa axsaabta qaranka qaarkood, iyo haya’ado wadani ah oo Interpeace xidhiidh la leh. Farogelintaa xad  dhaa fka ah ayaa habsocodkii diiwaangelinta iyo shaqo maalmeedkii Guddidaba ragaadiyey; aakhirataankiina waxay noqota in habeen madow dalkuba faraheen ka baxo, jiritaankii Somaliland si hawl loo waayo ka dibna aynu noqono qayb ka mid ah habar dugaaga koonfur isku qalanaya.

Haya’adda Interpeace ujeedada ay ka leedahay Somalia wixii la isku odhan jirey way  in oo caddahay oo cidna kama qarsoona. Interpeace seddex geed oon isgeyin, midna mid la jinsi ahayn ayey qorsheynaysaa in ay isku tallaasho dabadeedna midha tallaalkaa ka soo baxa dib loogu ambaqaado unugii SOOMAALIWEYN. Seddexda geed mid waa GOB, midna waa KIDI, kakalena waa MARAA! Waa himilo sideeda madhalays u ah.

Waxa kaloo jirtay in maalin dhoweyd Wasiirka Warfaafinta iyo Akaademiyada Nabadda iyo Horumarintu isku maandhaafeen lahaansha tababarada loo qabanayo dadka ka hawl gelidoona doorashada madaxtooyada. Markiiba waxa mudh soo yidhi Interpeace oo cid aan shaqo ku lahayn doorashooyinka qandaraas ku siisay hawlahaas. Mar I dage Allah ha dago, mar labaad haddu I dagose anaa dagan.

Si kastaba ha ahaate, haddii Guddida Doorashooyinka hawlihii kala shaandaynta  diiwaa ngelintii codbixiyeyaasha iyo hawlihii kale ee doorashada la filyaa u soo gebogebowday oo sida warbaahinta lagu shaaciyey doorashadii madaxtooyadu qabsoomayso bisha  Ju ne badhtameheeda, waxa haboon in Komishanku war rasmi ah arrinta ka soo saaro si aan maalin dhow murankii hore inoo aafeeyey mar labaad halkiisii ka bilaabmin.


 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse