Mudanyaal ka tirsan Golaha Wakiiladda oo ku hawlan Mooshin ka Dhan ah Xukuumadda Siilaanyo

 


 


Qoddobada Mooshinkan gun-dhiga ah iyo saammaynta uu yeelan karo


Hargeysa (TNN) – Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maalmihii la soo  dhaa fay ku foolanaa sidii ay Golahooda u soo hor-dhigi lahaayeen Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Somaliland, kaasi oo ay ku deedafaynayaan ka qayb-galka shirarka Somaliya, gaar ahaan shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Boqortooyadda Ingiriiska, kaasoo uu ka qayb galay Wasiirka Arrim aha Dibadda Somaliland.

Mooshinkan Mudanayaasha Wakiiladda qaarkood wadaan ayaa sido ilo xog ogaal ahi xaqiijiyeen waxay ku beegsanayaan isla markaana ay damacsan yihiin sidii Golahoodu Maamuus ka xayuubin loogu sammayn lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo sida ay  Mud anayaal ka tirsan kooxda Mooshinka wadataa iftiimiyeen sida uu Wasiirku ugu gafay Go’aanadii Goleyaasha sharci dejinta, sidoo kalana ay Madaxweynaha kaga codsanayaan inuu xil ka qaadis ku sammeeyo Wasiirkiisa.

Kooxda Mudanayaasha ah ee Mooshin ka wataa ayaa waxa gun dhig u ah Mooshinkooda Go’aan ka soo baxay Labada Gole Qaran ee Guurtidda iyo Wakiiladda, kaasoo nuqulo ka mid ah  go’aank aasi ay u qaybiyeen xubno ka tirsan Golohooda iyo Warbaahinta qaarkeed, “Adeer Wasiirka waa in maamuus ka xayuubin lagu sammeeyaa, Maxkammadna la soo taagaa, wuxuu ku gafay isla  ma rkaana baal-maray Go’aano sharci ah oo xaaraantimaynaya ka qayb-galka shirarka Somaliya, Ma daxweynahana waxaanu leenahay Dastuurkii iyo shuruucdii lagugu dhaariyay kuuna xalaaleeyay xilka aad ummada u hayso Golayaashii Sharci Dejinta ee sammeeyay ayaa si wada-jir ah go’aan Gole ugu xaaraantimeeyay, maanta lama qorin go’aankan ee talaabo ka qaad Wasiirkaaga haddii kale waxa cad in aad raali kaga tahay shirkaasi Somaliweyn ee ee Ingiriiska ka dhacay, haddii  ka le masiirkii ummadan adigaa laguu raacayaa” sidaasi waxa yidhi Mudane ka tirsan kooxda  Moos hinka ka dhan ka ah xukuumadda wada, kaasoo ka gaabsaday in magiciisa la xuso sheegayna in ay badka soo dhigi doonaan maal-maha soo socda, mudanahaasi ayaa nuqul ka mid ahna  Go’aan kaasi labada Gole soo saareen gacanta ku sita.

Go’aankaasi ay Mudanayaasha Mooshinka wataa ay u cuskanaayaan in Maamuus ka xayuubin la gu sammeeyo Wasiirka Arrimaha dibadda oo nuqul ka mid ah Waaheen ay heshay ayaa  tix  raac iisu JSL/GB/01/2003 kuna taariikhaysan 12/10/2003 kaasoo u dhigan sidan Golaha  Baarlamaan ka Somaliland:-

1.Wuxuu go’aamiyey 1 in cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, dawladd, shicib, Afraad, Uru ro, Axsaab, NGO-yada, Aqoon ayahanada, Madaxdhaqameedyada, Suugaan yahanada iyo  dham aanba noocyada ururada Bulshada aanay sinaba uga qayb gali Karin shir kasta iyo arin kasta oo lagaga hadlayo Hindisayaasha Somaliya ama lagu heshiisiinayo dhinac ka mid ah kooxaha Somalia ama iyagoo isku dhanba

2. In cid alaale iyo cidii ku abtirsada Somaliland ee ka qayb gasha shirarkaas ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta Qaw, Ficil iyo Qoraalba kaga qaybgasha wada hadalada Somalia ee  qod obkaa 1aad tilmaamayo loo aqoonsado dambiile khiyaamo qaran, taas oo waajib ay ku tahay  dh amaanba hay’adaha ku shaqada leh inay hor keenaan Maxkamadaha awooda u leh iyadoo la  raa cayo xeerarka uu tilmaamay dastuurku ee qodobka 130aad farqdiisa 5aad.

3. Gaadiidka cir, dhul iyo badba ee loo adeegsado ama qaada hawlgalkaas waxa laga qaadayaa ruqsadaha sharciga ee ganacsiga ama tan gaarahaaneedba.

4. Waxa lagula dhaqmayaa xeerkan cid alaale iyo cidii isku dayda inay abuurto urur bulsho ama nooc kasta oo ururada rayidka ah oo u shaqaynaya sidii ay Somaliland u minjo xaabin lahaayeen.

5. waxa ka reeban dhamaan warbaahinta Somaliland tan xukuumada iyo ta madaxa banaanba ka reeban inay baahiyaan wararka iyo macluumaadka lidiga ku ah waxna loogu dhibayo ama lagu wiiqayo jiritaanka Somaliland.

6. Dalka waxa sharci ahaan ka jira saddex Gole Qaran oo kaliya sida ku tilmaaman distoorka, wa xa reeban in cidina sheegato gole kale oo aan ahayn kuwa distoorku tilmaamay, waxa lagu fulin doonaa talaabooyinka sharci ee u yaala sheegasho wax aanay ahayn.

7. qofkii loo qabto inuu ku kacay qodobadan kor ku xusan waxa la cafin karaa xukun maxkamade ed ka dib.

Go’aankan waxa lagu mee lmariyey cod u qaadis Baarlamaan oo ay ogolaadeen 84 mudane halka ay ka diideen 2, laba mudanena ka aamuseen, kooramkana ay fadhiyeen 88 mudane.

Dhaqan galka qodobadan waxa loo adeegsanayaa sida ku cad distoorka qodobka 130aad farqadiisa 5aad.

Go’aankaasi oo ay ku saxeexnaayeen shirguddoonada labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiilada (Baarlamaanka Somaliland).

Ugu dambayntii, waxa la filayaa haddii Mooshinkani u meel-maro Mudanyaashan inuu Gole waynaha Wakiiladda ay ka abbuurmi doonto xiisad siyaasadeed oo horseedi karta in Goluha mar kale ay la soo darsi doonto khilaaf hor leh.
 

Source:Waaheen