Mudane wasiir (Dr Mohamed Abdulahi) hal ay tabayso
dhalinyaradu, miyaad halmaantay? mise way ku hoos martay?

Ugu horeyn waxaan u mahad celinayaa ilaahay, allaha
inagu simay inaan si caafimaad qabta ku soono bisha
barak aysan ee ramadaan.
Waxa uu rasuulkeenii suubanaa (NNKH) yidhi, ilaahay uma
mahad naqo ninkaan u mahad naqin dadkiisa.
Sidaas darted waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta
loogu mahad naqo laguna amaano marka uu wax wanaag san
qabto. Waxase kasii wanaagsan in qofku marka uu hawl
guud qabanayo in aad u raaciso adiga oo si waangsan ugu
sheegaya waxa ka dhiman waxa uu qabtay, waana sobobta
aan maqaalkan u jeclaystay inaan wasiirka saaxa fada u
mariyo waxa naga dhiman ee aan dhalinyaro ahaa tabayno.
Kahor inta aanan gudo galin fariinta aan u dirayo Wasiir
Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar, waxaan aad u jeclaystay
inaan fikirkayga ka dhiibto horumarka iyo xidhiidhada
xawliga ku socda ee ay wasaarada arimaha dibadu samaysay.
Waxa aan shaki ku jirin in la qabtay dhamaan waxyaabihii
uu wasiirku ka dhawaajiyay markii BBC-da ka hadlayey ama
sida ku cadba warbixin sanadeedka laga soosaaray
madaxtooyada.
Dhinaca arimaha gudaha waxa uu taabtay inay waxyaabo
badan oo bulshadu aad u tabaysay ay dhaqaajiyeen si da
ka badalka lacagtii giimbaarta ee Gobolada bariga,
mushahar kordhinta shaqaalaha dawlada iyo iyada oo xuku
madu ay aad u yaraysay musuqmaasuqii dalka ragaadiyay,
waana run oo waa la qabtay.
Dhinaca xidhiidhka caalamiga ah waxa uu tilmaamay inay
xidhiidh badan la sameeyeen wadamada aduunka gaar a haan
kuwa horumaray taasina ay suurto galisay in
dublamaasiyiin badan oo isugu jira Wasiiro, baarlamaan,
safii ro, siyaasiyiin iyo baarlamaano ay si dhib yar
dalka ku yimaadaan si ay u indha-indheeyaan xaqiiqda
dhabta ah ee ka jirta Somaliland, waxaan filayaa inaan
taasna indhaheena ku aragnay.
Inkasta oo dhamaan waxyaabaha uu wasiirku tilmaamay
yihiin waxqabadyo la taaban karo oo bulshada wax bada n
kusoo kordhiyay, waxaan in badan isku mashquuliyay inaan
warbixinta wasiirka ka dhex helo halka aan tabayo.
Hadalana aadka uga ag dhaw kuwa aan tabayo markii uu
wasiirku ka hadlayey waxa uu yidhi: “Wasaarada Arimah a
Dibadu waa Wasaarad weyn waana ta ugu culus, Waxana
weeye waajib kayagu inaanku xidho dalka beesha caa lamka
, oo aan samaysto saaxiibo cusub oo aan ka kaashado xaga
Dhaqaalaha, Ganacsiga, Amniga ,Siyaasada, Ari nta
Aqoonsiga iyo Ictiraafka” laakiin midhka aan tabayaa
kama dhex muuqan erayadan.
Ninba meesha bugtaa isagay balbashaaye, waxa ay in badan
oo dhalinyada Somaliland kamid ahi aad u danaynay aan
waxbarasho. Qaar waxa ay u halqaltaagayaan inay
waxbarsho jaamicadeed ee dalka dibadiisa aah helaan ma
rka ay dhamaystaan waxbarashada dugsiga sare.
Qaar kale waxa ay aad u jecel yihiin inay sii wadaan
waxbarshada Degreega labaad iyo ka saddexaad marka ay ka
dhamaystaan Degree-ga kowad ee jaamicadaha dalka.
Halka ay kuwa caafimaadka ka baxaana aad u jecel yihiin
inay takhasus soo sameeyaan.
Guntii iyo gabagabadii, Mudane wasiir, waxaan muhiim u
aragnaa arintan dhaqaajinteeda, waxaan aad u rajaynaynaa
inaad arintaas ka hawl gasho kolay qorshahaaga iyo
himiladaada way ku jirtaaye.
Ramadan Karim
Ali Sh.
Ahmed-yasin
Aliyare45@hotmail.com
Hargeisa Somaliland. |
|