Mudane
Siilaanyo iyo Marcus Garvey oo ahaa
Filosoofar Jamaica u dhashay maxay iskaga mid yihiin ?
Waa laga yaabaa inad marka hore
intaanad akhriyin sheekada is waydiiso, maxaa qaaday wadaadkan ee ku
sanduleeyay inuu Jamaica-man iyo
Somalilander isku keeno, waana
gartaa, ha yeeshee la soco dadka waxyaabo badan oo waayuhu keenaa
iyaga oo qaarado ku kala nool, ama ifkaba aan wada joogin masayn
karee!. Intaa ka dib aan ku noqono halkay sheekadeenu daaranayd iyo
labada mudane.Siilaanyo iyo
Marcus Garvey.
Weliba horta
Siilaanyo
waad taqaanaa oo waa sida Cadceedaa oo in hada dadka la baro uma
baahnee, aan inyar kuu yara saafo ninka uu ahaa
Marcus Garvey,
Marcus waxa uu ahaa nin u dhashay dalka Jamaica qarnigii labaatanaad,
waxa uu ahaa nin ifka yimid dadkiisa oo la gumaysto oo dad kale u
taliyaan, waxa kale oo lagu barbaariyay oo si fiican loogu haqab
tiray xanuunkii, gunnayntii, xasuuqii, dhibkii iwm ee dadkiisa ka
soo gaadhay xiligii '' adoonssiga '', waxana uu barbaaray oo uu
taabogalay xiliyadii caalamaka dhaqdhaqaaq xoriyad doonka ah
iftiinkisu ka huray.
Marcus oo dhibtii gumaysiga ama adoonsigaba kala mid ahaa kumanaan
ama malaayiin kale oo Jamaica ku nool, oo aanay si gooni ah waxa
isaga u soo gaadhin, ayaa hadana tayada qofeed ee fiicani isma
qarisee, oo waata la yidhaa '' Sumal baraar kuma jiree '' markiiba
is waydiiyay siday u dhaci karto in nin isaga la mid ahi, adawgii
soo adoonsaday, aabihiina gumaystay, isagana hada u talinayo.
Fikirkii halkaa ka dhashay falkiisii iyo dareenkiisii wax iska
caabinta ahaa ee ka aloosmay, waxa ka soo mudhay Falsafada hada sida
xun loo tarjumay ee '' RASTO-FAARO '' oo markeedii hore ama haatanba
ah, falsafad lagu diidayo gumaysiga, quudhsiga, yaraysiga, isla
waynida iyo intii kala mudnaansho oo dhanba keeni karta.
Marcus Garvey waxa uu ahaa ninkii aasaasay Falsafadaa Raasto-faara,
oo magac ahaan ka soo jeeda, Ras-ta-fare oo ah eray AF-amxaara oo
ah ( darajadii / magacii Xayle Salaase), oo uu dadka reer Jamaica oon
weligood arag xoriyad, ee adoonsi iyo gumaysi uun ku soo jiray kolay
qarniyo, uu ku barayay inay jiraan dad madaw oo sidooda oo kale ah
oo boqora ahi, bal si ay qabkoodii habsoobay dib ugu soo nooleeyaan
oo heeryada iska ridaan adoonsigii iyo gumaysigu saareen, waxa uu ka
dhaadhiciyay in boqoradaa madawbi ay yihiin qaar weliba la siman
amaba wax dheer boqoradan Cadaanka ah ee ay iyagu u haystaan in
ilaahay doortay, waxa qayb libaax ka qaatay taabo galinta falsafadaa
'' raasto faara'' fanaankii waynaa ee la wada yaqaana ee la odhan
jiray '' Bob Marley- raaso-faara man, Ye-man!''; oon filayo inad
heesihii ay ku daruuraayeen erayada qiirada lihi wax ka xasuusan
tahay, sida, '' Get up! Stand up! fight for your right,
don't give up
the fight! ''.
Marcus Garvey halgankii uu ku kobcinayay qabka iyo milgada dadkiisa
reer Jamaaica kuna baraarujinayay ee uu lahaa heeryada iska rida oo
rag noqda, waxa uu kala kulmay cadaadis badanoo oo kaga yimid
xukuumadii markaa gumaysan jirtay Jamaica, waa Ingiriis-e, ka dibna
markii xamili kari waayay inta uu ka hayaamaay Jamaica ayaa waxa uu
Ilayskii uu shiday iyo halgankii u sii gudbiyay dalka Maraykanka oo
uu ka sii anbaqaaday, isaga oo dadka Afro-american-ka ah ee
maraykanka ku nool oo ay isku xaalad ahaayeen iyagana, ku dhiiri
galiyay inay wax noqdaan ooy wax iska celiyaan, oo uu xataa
Marcus
Garvey ka mid noqday ragii lahaa fikrada ah, aan Africa dib ugu
noqono oo qaaradeenii dhisano! Sidii Jamaica loola dagaalamayay ayaa
USA-na dawladii maraykanku uga soo hor jeesatay dhaqdhaqaaqa uu
Marcus Garvey wado, waxana ay u sameeyeen shirqoolo badanoo qaarkood
lagu dili gaadhay, waxa dawlada maraaykanka iyo Ingiriiskuba
adeegsanayeen qaar ka mid ah kuwan uu u dagaalamayo, ee ama
Jamaican-ka ah ama Maraykanaka madawba ah!.
Isku soo duuboo aakhiritaankii Marcus Garvey markii ay waxba la
fahmi waayeen kuwii uu u xaydnaa ee uu dabka ugu jiray, ee uu haliso
badan, xadhig, dhegxumo iyo dhib dartood u mutay waxa uu ku soo
noqday Jamaica oo maalmahii u danbeeyay noloshiisa ku qaatay, isaga
oo weliba qaar aan aragti durugsan lahaynoo faro guudkood wax loogu
qadhiidho ku qanacsani la daba socdeen dacaayado ay ka mid yihiin
waa Tuug , wuu waalan yahay iwm. ' Aduunyooy Xaalkaa ba' !.
Marcus
Garvey, dadkii uu u dhashay kama ay faa' iidaysan oo lama ay garan
waxa uu la doonayay waa cawo daro, habase yeeshee ifkii uu daaray
dhankuu doono iyo siduu doono ololkiisu ha u baxee wali waa shidan
yahay, oo qaaradaha aduunka meeshaad tagtaba '' raasta-man'' waad ka
helaysaa.
Aan ku nooqno hadaba, halkay ujeeday sheekadu oo ah maxay ka siman
yihiin mudane Siilaanyo iyo
Marcus Garvey?
- Waxay ka siman yihiin Siilaanyo iyo
Marcus labaduba ka dhiidhiga
xaq-daro iyo dalasi lagu hayay dadkay ka dhasheen, weliba iyaga oon
midkoodna dhib gaara ah oo ka duwan ta guud ee dadka wada saarani
soo gaadhan, waxana taasi ay cadaynaysaa '' xubinta dheeriga ah ee
Ilaahay ku manaystay ''.
- Waxa kale oo ay ka simana yihiin in dhibta ka soo gaadhay
maamuladay is hayaan ka sokow, ay jiraan qaar kuwan ay u xaydan
yihiin ka mid ah oo hagardaamo ku wadaa!
Gabagabada maqaalkan yar, waxan is waydiinayaa Toloow,
Marcus Garvey dadkiisii reer Jamaica iyo Maryakan la garanwaaye hankiisii iyo
hindisihiisii Tolmoonaaye, reer Somaliland iyagu mudane
Siilaanyo ma
la garan doonaan Guryo-samada uu la damacsan yahay inuu geediga ku
furo?!.
Somaliland ha jirto oo ha joogto.
Cali Cumar Xasan
|