Mudanayaashii Muddo Kordhinta Madaxweyne Rayaale U Codeeyey Oo Beeniyey Inuu Jiro Haasaase Mar Kale Ay Muddada Ku Kordhinayaan

 

"Anigu Ma Ogi Nin Ay Calooshiisa Ku Jirto Xukuumada Maanta Muddo Ha Loo Kordhiyo, Cida Arinkaas Sheegtayna Waa JeebkeedaMd;Muxumed Aw Axmed

Cida Leh Komishanka Ha La Beddelo Ayaa Muddo Kordhinta WaddaMd:Dheeg Maamed Yaasiin


Md:Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan iyo Md:Dheeg Maxamed Yaasiin oo ka mid ahaa mudanayaasha muxaafidka ee golaha Guurtida, isla markaana ka mid ahaa mudaneyaashii taageeray go’aankii muddo kordhinta madaxweyne Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka gaabsaday inay cadeeyaan mawqifka ay iska taagi doonaan haddii doorashada madaxtooyadu ay dib uga dhacdo 27 ka September,2009, balse waxay si guud mar ah u beeniyeen in wax muddo kordhin ku saabsan ay ka wada hadleen.

Waxaanay sidaasi ku shegeen mar uu shalay wargeyska Haatuf si gooni gooniya wax uga weydiiyey arrimo ku saabsan muddada gabaabsiga ah ee ay Guurtidu u kordhisay Madaxweyne Rayaale si uu doorasho dalka uga qabto.

Ugu horeyn Md:Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo ah hogaamiyaha mudanayaasha muxaafidka ee Guurtida oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ cid muddo kordhin ka wada hadashey iyo meel aanu kaga wada tashanay muddo kordhin la sameeyaa haba yaraatee ma jirto, waxaanse leeyahay shakiga iyo walaa-hawga ha layska daayo oo haloo hawlgalo doorashada”

Mar la weydiiyey in maalmahan mudanayaasha muxaafadku shirar aad yeelateen aad kaga wada hadasheen muddada gabaabsiga ah ee ka hadhay doorashadii madaxtooyada islamarkaana isla qaadateen in muddo kordhini lama huraan tahay arimahaa maxaa ka jira?

J:ninka sidaa ku hadaaqayaa isaga jeebkiisa weeyi, anigu ma xusuusni nin calooshiisa ay ku jirto maanta muddo ha loo kordhiyo xukuumada, anigu ma ogi waxaanse leeyahay yaan laysku kalifin ajande aan maanta oolin.

Md:Dheeg Maxamed Yaasiin ayaa isna waxa uu yidhi “ Asalkaba muddada waxa kordhinaya cida marka wakhtigu soo dhawaado muranka bilaabaysa, cida leh komishanka ha la beddelo kuma kalsoonine, sheekooyinka noocaas ah ayaa u eeg muddo kordhin, hadday qabsoomi weydo illaahay baa og, waxa la yeeli doono, waxaanse leeyahay waa in doorasho qabsoonto.

 


Haatuf