Mudanayaasha Guurtida oo Maanta guddo galay Dooda Ajandaha Kal-fadhiga 39aad ee Golahooda

 


 

Hargeisa (TNN)-Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa  Mudana yaasha Guurtidu ay guddo galeen Dooda ay ka yeesheen Wax ka bedel iyo Kaabis lagu sammeeyo Ajandaha Kalfadhigooda Caadiga ah oo ah kan 39aad oo u furmay Maalintii Shallay.

Fadhigii Maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha ahna ku simaha Guddoomiyaha Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure ayaa Mudanayaashii Saaka ka soo qayb galay ay doodooda ka dhiibteen.

Mudanayaasha Saaka Madasha ka hadlay ayaa ku kala aragti duwanaa  Dooda iyada oo Mudane kastaa uu cabirayay Ra’yigiisa ku aadan sida loogu baahan yahay Ajandahani in uu wax ugu qabto Shacabka Reer Somaliland.



Ugu danbayntiina waxa halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guurtida ahna ku simaha Golaha Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure oo Mudanayaasha ku wargaliyay in ay Doodooda halkaasi ka sii ambo qaadi doonaan Maalinta Sabtida ee Todobaadka soo socda. Waxa uu xusay Guddoomiye ku xigeenku in ay isku soo ururin doonaan dhammaanba fikiradii kala duwanaa ee ay Mudanayaashii saaka doodooda dhiibtay ay taabteen.



Mudanayaashii saaka Doodooda dhiibtay ayaa kala ahaa:


Xildhibaan, Maxamed Sheekh

Xildhibaan, Xareed

Xildhibaan, Siciid Shire Xuseen

Xildhibaan, Axmed Muuse Obsiiye

Xildhibaan, Yuusuf Cabdillahi Cawaale

Xildhibaan, Faadumo Jaamac Illeeye

Xildhibaan, Axmed Xasan Saalax


Dhinaca kale, waxa saaka la bururiyay Hoolka Shirarka iyo Fadhiyada ee Golaha Wakiilada Somaliland iyada oo halkaasi loo qorsheeyay in laga dhiso Dhisme balaadhan oo Casri ah. Waxana tartan balaadhan oo Qandaraaska ah la dhex dhigay Shirkado dhisme oo tiro badan ayna kala lahaayeen  uwaadin iin iyo Ajaanib ugu danbayntii ku guulaystay Shirkada Dhismaha ee Daryeel. Shirkadaasi oo ay leeyihiin Muwaadiniin Reer Somaliland ah.

Fadhiyada Golaha wakiilada ayaa mudada uu dhismaha Hoolkoodu socdo ka qab soomi doona Hoolka Shirarka ee Golaha Guurtida.

Seddexda cisho ee u horeeya Todobaadka(Sabti, Axad iyo Isniin) ayaa la  qor sheeyay in ay ku shiraan Mudanayaasha Guurtida seddexda ku xigana (Sal aasa, Arbaca iyo Khamiis) ay ku shiri doonaan Xildhibaanada Aqalka  Wakii lada Somaliland.



Lacagta ku baxaysa Dhismaha Cusub ee Hoolka Shirarka Wakiilada ayay bixinayaan Midawga reer Yururb.





Mustafe Future

Timacade News Network
Hargeisa/Somaliland
timacadenews@hotmail.com