Mudaharaadkii ugu waynaa ee xisbiyada mucaaridka ka dhigeen Hargeysa iyo sawiradii ugu danbeeyay


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Banaan baxan ay saaka isku yimaadeen  taag eerayaasha labada xisbi mucaarid UCID iyo KULMIYE ee ka caasimada Somaliland, ayaa waxaa kala soo qaybgalay masuuliyiin ay horkacayaan labada Gudoomiye UCID iyo KULMIYE Md Faysal Cali Waraabe iyo Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], waxaana ay halkaas uga jeediyeen khudbado si weyn u soo jiitay dareenka  taageer ayaashooda, waxaana si aan gabasho lahayn ugu eedeeyn xukumada madaxweyne Rayaale inay dalka khal khal iyo nabadgelyo darro, islamarkaana inay damacsan  tah ay inay iska horkeeno beelaha walaalaha ah ee wadan ku nool.

Waxaana ay eedayn taas ku sababeeyeen in ay ka dambayso isku dirka labada  bee lood ee walaalaha ee shaqaaqadu ka dhexdhacday ee wada degan degaanka Ceel-bardaale.

Hogaanka xisbiyada mucaaridku waxaa ay ugu baaqeen taageerayaashooda in ay jidgooyin u sameeyaan xisbiga talada haya ee UDUB, iskana hortaagaan ololahooda doorashada sida iyaga looga horjoogsaday fagaarihii beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa oo kale.

In kasta oo ciidamo badan oo boolis ah lagu daayey wadooyinka magaalada  Harge ysa isla mar ahaantaana la xidhay wadooyinka gaadiidka ee gala fagaaraha beerta xoriyadda, ayaanay hadana wax dhibaato ah kala gaadhin banaan baxyaasha iyo booliska, iyada oo ay masuuliyiinta xisbiyaduna taageerayaashoodaas ku booriyeen inay nabadgalyada ilaaliyaan oo aanay wax dhibaato ah gaysan.

Geesta kale, wararka naga soo gaadhaya gobolada dalka oo dhan ayaa sheegaya in mudaharaadiyadii ka dhacay meelahaas ay si nabadgalyo ah ku dhamaadeen. Iyada oo ilaa hada jirin wax waxyeelo ah oo la soo sheegay.

Goordhaw kal soco shab kada Gabileynews mudahraad balaadhan oo maanta ka  dha cay caasimada gobolka Gabiley ee Gabiley iyo sawiradii ugu danbeeyay iyo  wariya asha Gabileynews oo ku sugnaa goobta banaanbaxa.



Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa  Somaliland