Mudaharaad
Lagaga Soo Horjeedo Go’aankii Goloha Wakiila dda Somaliland Ku Laaleen Kaadhadhka Codbiyayaasha Oo Maanta Ka Dhacday Hargeysa
 

 

 


“Diiwaangelin la’aani waa Doorasho La’aan....Dooni mayno Golaha Wakiiladdu wuxuu shalay diidanaa in uu maanta jideeyo”



Hargeysa (TNN) Qaar ka Mid ah Qaybaha kala Duwan ee Shacbiga Reer Somaliland ayaa Maanta Mudaharaad ka Hor Dhigay Xarunta Goloha Baarlamanka Somaliland, Dadkan oo sheegay in ay ka Mudaraadsan Yihiin Go’aankii Goloha Wakiiladda Somaliland Todobaadki Horre ku Laaleen Kaadha dhka Diwaan Galinta Codbixiyaashu ku Galayn Doorashadda Madaxtinimadda ee Qabsoontay Sana dkii ina Soo Dhaafay aan lagu gali karin Doorashadda Goloha Deegaanka Isl Markaana Doorashad da la Fialyayo in Ay Qabsoonto Sanadka Soo Socda lagu galyo Bilaa Diwaan Galin.

Banaanbaxayaashan oo sitay Boodhadh ay kaga soo horjeedaan Diiwaangelinta ay Golaha Wakiil addu Laaleen ayaa waxa ay Mudaharaad balaadhan la hortegeen Xarunta Baaarlamaanka Soma liland oo ka soo horjeeda Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Boodhahdkan ay Siteen Dadkani ayaa Ay Ku Xardhanaayeen Qoraalo Muujinaya Sidda ay uga So o Horjeedaan Go,aankii Goloha Wakiiladda Waxana ka Mid ahaa Qoraaladda Boodhadhka Ku Xard hanaa “Diiwaangelin la’aani waa Doorasho La’aan” iyo “Dooni mayno Golaha Wakiiladdu wuxuu shalay diidanaa in uu manta jideeyo”iyo Erayo kale oo ay ku muujinayaan Diiwaangelinta haddii laga noqdo inay ka dhigan tahay Somaliland oo laga noqday.

Dadkan oo Qaar ka Mid ahi la Hadleen Warbaahinta ayaa Tilmaamay Sidda ay Uga Xun Yihiin Go’a anka ay Golohu ku Gaadheen in ay Laalaan Codbixiyaasha Diwaan Galinta.

Ugu Danbeyntii Waxa Halkaasi Yimi Ciidamadda Aamanka Somaliland Waxana ay Kala Dareeriyeen Mudaharadayaasha Halkaasi Taaganaa, Waxana ay Ciidamaddu ka Qaadeen Dadkani Boodhadhkii iyo Wixii ay Siteen, isla markaana Waxa ay ku Guuleyteen Ciidamadda Aamanku in ay kala Diraan Dhamaan Dadkii Taagnaa Halkaas.

Inkastoo aanay Jirin Cid ay Xidheen Ciidamadda Aamanka Somaliland, hadana waxa Jirey Handida ad iyo Caga Jugleyn ay u geyteen Qaybo ka Mid ah Dadkii Tumanaa Wajahadda Horre ee Goloha Wakiiladda, oo ahayd halka uu ka Socday Mudaraadku.

Mudaraadkan ayaa Ah mid u Dhacay Si Nabadgelyo ah, waxana uu ku soo gabagaboobay Si ay ku Jirtto Nabadgelyo.

Dhanka kale Illo Wareedyo ka agdhow Dadka Soo Qaban Qaabiyay Mudahaardkan ayaa Shabaka dda Timacade News u Xaqiijiyay in ay ka Danbeeyaan Mudaraadkan Xubno ka Mid ah Goloha Wasi iradda Somaliland, kuwaas oo Diidan Go'aanka uu Goluhu ku laalay Xeerkan.

Si kastaba ha haatee ,wax aan wali ka wadal mudaharaadkan Haay'addaha ku Shaqadda leh Doo rashooyinka, inkastoo Asxaabta Qaranka Somaliland ay aragtiyo kala Duwan uga bixiyeen Go,aan ka uu Goluhu ku laalay Kaadhka Doorashooyinka.

 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office