Mudaaharaadka Xildhibaanada UDUB
 

Fadhigii la iskugu yeedhay golaha wakiilada todobaadkii la soo dhaafay, ee laga wada hadlayey siyaasada Somaliland ee cakiran iyo amuuraha lagu marinsan yahay in ay qaraar ka soo saaraan, ayaa xubnihii ka soo jeedey ururka UDUB ku mudaharaadeen oo gurigii shirku ka socdey ay qaarkood hortiisa tubnaayeen. Waa waxaan hore loo arag loona maqal kuwii  dadw eynuhu ku mudaharaadi lahaa markii xilkooda gabeen, ayaa iyagu isku mudaharaadaya.

Golaha wakiilada waa golihii sharci dejinta, xubinkasta oo ka mid ahana waxay ku timid cod dadweyne. Waxaa loo igmadey dan qaran. Looma igman golaaftan iyo jiq ku sii, iyo in qof gaar ah u adeegaan.

Waajibaadka iyo shuruucda barlamaanka u taaley, anshaxii iyo asluubtii dhaqanka xubinimadii Golaha dhammaan way ku tunteen. Waxay meel kaga dhaceen sharaftii dadweynihii soo doortay. Waxay tuseen in aanay difaaci kareen mooshinka baarlamaanka la soo hordhigay. Mar hadday waajihi kari waayeen in ay shirka doodooda ka dhiibaan, waxay qireen in uu mooshinku xaq yahay.

Xubinkasta oo golaha ka mid ah waxaa waajib ku ah in ay gudato hawl maalmeedkeeda qaran. In ay timaado shirka oo doodee ka dhiibato oo ummadii soo dooratay codkeeda ku hadlaan. Waa gef Golenimo iyo gef qaranimo hadduu qofku cudur daarla’aan iyo xanuun ugu baaqdo shirarka. Waxaa waajib ku aha xubinkastaa in wixii la isku raaco u hogaansanto gar iyo gardarraba.

Xildhibaanada UDUB ee ka baaqday shirka lagu gorfeenayey in dawladu ka noqoto doorashada lagu gelayo diiwaangelin la’aanta iyo Eriga hay’adda Inter peace, waa kuwa ka quustay in dadweynihii markii hore soo doortay markale soo dooraneyn.

Markay suurtoobi weydey in dawladda iyo xubnaha UDUB mawqifkii  aqla biyada baarlamaanka isku raaceen in ay ishortaagan ee fashilmay  muda haraadkii lagu doonayey in aannu fooramka gaadhin, waxay dawladdii bilawday in ay iyadu ku buriso awooda gaarka ee rabaaniga ah ee ay  iya du isa siisay markay bilawday in ay xuubsiibato diktaatooriyad. Waxay sheegtay in aanu sharciga waafqsanayn goanna golaha wailed, maadaa ma uu mudaaharaadkii xubnaha UDUB fashilmay oo Golihii Kooramkii gaad hey.

Sharciga waxaa baalmaray dawladda oo ku talaabsatay waxaan la isku ogeyn. Waxay beelmartay sharcigii dhigayey in lagu galo doorashada dii waangelin oo baarlamaanku ansaxiyey.

Hadday dawladdu dan moodey in lagu galo diiwaangelin la’aan, waxay ahayd in ay golayaasha sharciga soo hordhigto, si loo buriyo kii hore, mid cusubna loo ansaxiyo. Murankuba halkaas ayuu ku dhammaan lahaa.
 

 

By:Hamud Duale