“Mucaaridka Waxaanu leenahay 8 Sanno oo Aanu Mucaarid ahayn Run
ayaanu sheegaynay”
Hargeysa (TNN):-Agaasimaha Waaxda Samafalka ee
Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa
cambaareysay hadal masuul ka tirsan xisbiga WADDANI uu ku sheegay
inaan Madaxwayne Siilaanyo markii uu dhawaan Berbera tagay aanu
booqan dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay roobabkii dalka ka da’ay
isla-markaana aanu wax taakulo ah u geynin.
Aamina Maxamuud Diiriye, oo ka mid ahayd wefti ay hogaaminaysay
Marwada koowaad ee Somaliland oo safar ku tagay Magaalooyinka
Gabiley iyo Wajaale, ayaa hadal ay ka jeedisay Munaasibad soo
dhaweyn ah oo weftiga loogu sameeyay Gabiley, ayaa eedaymo ugu
jeedis ay xisbiyada Mucaaradka ah, siiba xisbiga WADDANI.
Aamina Maxamuud Diiriye, oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi
“Xalay waxaan Tv-yada ka daawanayey nin weyn oo yidhi Madaxwaynuhu
intuu Berbera tagay ayaanu danyartiina wax siinin, dadkii tabaaladu
gaadhayna aanu soo booqan, ninkaa aad ayaan ula yaabay, waa
masuuliyiin ka tirsan xisbi Waddani la yidhaahdo, oo
Guddoomiyahooduna baarlamaanka Gud doomiye ka yahay, miyaanu isla
yaabayn, qofku miyuu indho la’aa, miyuu dhago la’aa.”
Aamina Maxamuud Diiriye, waxa kale oo ay sheegtay “Madaxwaynuhu
ujeedada koowaad ee uu tagay Berbera waxay ahayd inuu dadkii
tabaaladu gaadhay oo uu soo eego, isla-markaa na amar ku bixiyey,
annaguna aanu wadnay tabarucaadkii uu Madaxwaynuhu ku balan qaad ay
oo Barbar socday, Tabarucaadkii uu Madaxwaynuhu amarka ku bixiyena
way ka horeeye enba oo goobta ayaa lagu bixiyey, markaa dadka
masuuliyiin isku sheegaya ee Tv-yada wax aasi ka leh ee leh hadhow
dalkaan doonayaa inaan waddanka wax ka qabto, sow beenaale maaha”
ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Xisbiyada Mucaaradka ah, waxaan
leeyahay 8 sano ayaanu Mucaarad ahayn, wax run ah ayaanu sheegi
jirnay.”
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|