Mucaaridka Djibouti Oo Xukuumadda Somaliland Ka Dalbaday Inay Ka Joojiso Faro-Gelinta Ay Ku Hayso Arrimaha Dalkooda

 


Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Djibouti, DPD, Maxamed Daa’uud Shi xim ayaa si adag u cambaareeyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Cali Maxamed Warran-cadde, waxaanu ka  dalb aday xukuumadda Somaliland iyo wasiirka Duulistaba inaanay soo fara-gelin arrimaha gudaha ee dalkooda Djibouti.

Sidaana waxa laga sheegay War-saxaafadeed uu khadka Internet-ka Haatuf noogu soo diray Gudoomiyaha Xisbiga Horumarinta Djibouti, Maxamed Daa’uud Shixim.

“Waxaynu ognahay in gooni-isu-taagga Somaliland uu kaga go’ay dalkii Somalia ay ka timid dabkii uu kala kulmay Taliskii Siyaad Barre, iyadoo aanu ogsoonahay in shacbiga Somaliland dhib noocyo badan ah uu u geystay taliskaas Siyaad Barre. Waxa kale oo aanu ognahay in guud ahaan deganaanshaha Geeska Afrika iyo gaar ahaanba Somalia, ay ku xidhan tahay aqoonsiga qadiyaddooda madax banaanida (Somaliland), isla markaana waxaanu mar walba u bandhignaa qadiyadooda markasta oo fursad aanu u helno inaanu la kulano diblomaasiyiinta iyo shakhsiyaadka muhiimka ah ee dalalka kala duwan dunida kala duwan, iyadoo aanay naga codsan xukuumadda Somaliland” ayuu yidhi war-saxaafadeedkiisa ku yidhi gudoomiyaha xisbiga Horumarinta Djibouti.

Hase yeeshee waxa uu Maxamed Daa’uud Shixim sheegay inay layaab ku noqotay hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Cali Maxamed Warran-cadde, kaas oo uu wasiirku ku ammaanay in dadka reer Djibouti ogolaadaan in distoorkooda lagu daro in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle mar saddexaad la soo dooran karo, waxaanu gudoomiyaha Mucaaridka Djibouti yidhi: “Waxaa layaab nagu noqotay war aanu ka akhrinay Haatuf iyo Golisnews, kaas oo uu wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Cali Maxamed Warrancadde meel fagaare ah uga sheegay in loo baahan yahay in wax ka-bedel lagu sameeyo dastuurta Djibouti si uu Ismaaciil Cumar Geelle mar saddexaad isugu soo taago jagada Madaxweynaha. ”

Mr. Shixim waxa uu u soo jeediyay wasiirka Duulista Somaliland inuu fara-gelinta ka daayo arrimaha gudaha dalkooda Djibouti, kaas oo uu ku tilmaamay mid hadda ku sugan xaalad aan wax badan ka duwan xaaladii reer Somaliland ku sugnaayeen xilligii uu ka talin jiray keligii taliyihiin Siyaad Barre, waxaanu yidhi: “Maanta, xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka reer Djibouti wax badan kama duwan xaaladii ay reer Somaliland ku sugnaayeen markii Siyaad Barre ka talinayey Somalia. Wasiirka oo inta badan booqda Djibouti waxay ahayd inuu ka warhayo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalkayaga Djibouti iyo sidoo kale qiimaha uu distoorku dal ugu fadhiyo isagoo barbar dhigaya dalkiisa Somaliland. Sidaas darteed waxaanu u aragnaa hadalkan ka soo baxay wasiirka Duulista Somaliland mid meel-ka-dhac ku ah dadka reer Djibouti oo ah kuwo aan helin dawlad ay iskood u doorteen, isla markaana saboolnimadu ku sii fidayso, iyadoo aynu ogsoonahay ilaha dhaqaaluhu inay muhiim u yihiin dalkasta. Sidoo kale, ma doonayno walaalladayada reer Somaliland in lagu hoggaamiyo macluumaad khaldan. ”

Ugu dambayntii waxa uu gudoomiyaha xisbiga Horumarinta Djibouti, Maxamed Daa’uud Shixim ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay ka dayso fara-gelinta arrimaha gudaha Djibouti, waxaanu yidhi: “Sidaas darteed, waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland, annagoo ixtiraamayna inaanu muddannahay inay joojiso faro-gelinta arrimahayaga gudaha ee Jamhuuriyadda Djibouti. ”
 


Haatuf