Mucaaridka DJibouti oo Marin Habaabay iyo Meehanawga Siyaasad Xumadda Ina Boorre oo majaraha goostay.

 


Waxa dhawaan dalka Jamhuurida Jabuuti ka qabsoomaya doorashooyin loogu tartamayo jagada  da lkaas u sareysa ee madaxtooyada,waxaana la filayaa in mar sadexaad shucuubta dalkaasi u  doorta an xilka madaxweynaha Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Doorashada Madaxweyne Geelle ee marka sadexaad waxa ay ku imaneysaa wax qabadka iyo  horuk aca uu ummadiisa ku hogaamiyay 12kii sanadood ee uu xilka hayay,waxase taa dheer in mucaaridka dalkaasi ay xiligan la joogo ee colaadahu hareeyeen Gobolka dalkan yari uu ku yaalo ay doonayaan in ay ummada u horseedaan kala qoqob,isku dir iyo fidno dhaxalsiisa ummadaas in ay galaan colaado lagu hoobto.

Mucaaridka Jabuuti ma aha isbedel doon ee waa aniga igu bedel Geelle,taa waxa daliil u ah in  Mucaa ridka oo ka kooban dhawr xisbi aaney ilaa iminka leheyn hadaf siyaasadeed oo aan dhaafsiisneyn Madaxweynuhu mar kale xilka isuma soo taagi karo,iyo marwadiisa ayaa dalka ka talisa.

Sidoo kale waxaad arkeysaa mucaaridka Jabuuti oo kolba soo dhaweysanaya ashqaas dhawr bilood ka hor ay ku eedeynayeen in ay ahaayeen kuwa dalka iyo dadkaba cunaha haya,kolkii xukuumada Jabuuti baaritaano ragaa ku sameysayna ay dalka ka baxsadeen,mucaaridkuna gacmo furan ku soo dhaweeyeen.

Dabcan cida aan ka hadlayo waa Ganacsadaha is moodey in uu geyo mansabka dalka u sareeya  bac damaa uu ka soo jeedo qoys sida uu sheegay la gaaray doorkii uu talada qaban lahaa,bal caqligaa eega.

Mucaaridku ma hayaan dhabo dimuqraadiyaydeed,xagee lagu arkay ashqaas qoys ka soo wada  jee da oo madax ka kala ah dhawr xisbi gidigoodna ku andacoonaya in la gaaray xiligii reerkoodu xilka qaban lahaa.

Dhaqan ma hayaan Mucaaridka Jabuuti oo waxaad arkeysaa iyaga oo carab dhabaya ama dhaliilaya Marwada Madaxweynaha Khadra Xeyd odhaahda noocan oo kale ah ayaa ah mid ka caagan  dhaqa nka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan ka reeraha ay mucaaridka Jabuuti ka soo jeedaan oo  la gu sheego in ay ka mid yihiin beelaha Kooban ee dhaqanka Soomaaliyeed uu ku sii danbeeyo.

Hadii mucaaridka Jabuuti hayaan dhabahii isbedel doonka meeye qorsheyaashoodii  siyaasadeed,m eeye qorshahood wax qabad ee ku wejahan dhinacyada nolosha ee dib u dhucu ka muuqdo,meeye dalabaadkii ama shuruudaha ay ka doonayaan xukuumada in ay fuliso si doorashada ay u noqoto mi d xalaal ah oo cid waliba ka qeyb qaadato.

Dunida dacaladeeda waxa ku nool kumanaan reer Jabuuti ah oo ku jaha wareersan qalafsanaanta mucaaridka aan heyn wax aan aheyn hala kaco,hala dagaalamo, dalkii waa nalaga qaatay,cajiib  dal ka miyaan la wada leheyn.

Qurba-joogu waxa ay ilaa imika dhegaha ka fureysteen dalabaadka mucaaridka ee ku wejahan in isu soo baxyo laga sameeyo dalalka ay ku nool yiihiin,ka dib kolkii ay u cuntami weydey damaca guracan ee ay mansabka ku doonayaan ragan ay qabyaaladu madax martey.

Sidoo kale waxaan rajeyneynaa in shacabka reer Jabuuti qudhoodu dhegaha ka fureystaan fidnada ragani doonayaan in ay ummadaas qar looga tuuro,waxaan rajeyneynaa in ay dhan uga soo wada jeestaan danaha dalkooda, mustaqbal wanaagsana ay dhalaankooda dhidibo adag ugu taagaan.

Shacabka Reer Djibouti gudaha iyo dibadda waxay markale u codeenayaan Madaxweynahooda Sharafta leh Mudane ismciil Cumer Geele oo dalka horumar baladhan gaarsiiyay.
 

 

 

 

Maxamed Maandhaye