Mucaaradku ma dhalo, xukuumad dhalaysana
ma ogola
Salaan dhamaan
saxaafadda Soomaaliland
Dadweynoow sida aan la wada socono dhaqaalaha dalkeenu wuxuu ku xidh
naa xoolaha nool, xilliyada xoolaha iibkoodu socdo sida bisha carafo
waxa dalka guud ahaan dhex wareegi jirtey lacag, waxa wejiyadooda
farxad siyaada ahi ka muuqan jirtey guud ahaan qaybaha bulshada,
gaar ahaana dadka reer guuraaga ah oo maxsuulkii tacabkooda
dhadhamiyey. Waxa si fiican u kobci jirey baayacmushtarka soo
koraya,taajiriintuna taajir bay sii noqon jireen.Laakiin nasiib
darro, faxadaasi waxay si tartiib tartiib ah uga gudhay wejiyada
shacabka, kadib markii shaqsiyaad xaasid ah oon garaneyn
cawaaqibxumada(Consequence) ama raadka ay ku yeelan karto
mustaqbalka dhaqaalaha guud ahaan soomaalida gaar ahaan reer
guuraaga ay carabta ka dhaadhiciyeen in xoolaha soomaalidu qabaan
xanuuno halis ah oo xiligaas loogu yeedhi jirey xumadda Rift Valley.
Si kastaba ha ahaatee
cunaqabatayntaas iyo lugooyooyin kaloo badan ayay kasoo badbaadeen
mujtamaceenu. Sannadkii 2008 horraantiisii ayaa xukuumadda talada
haysaa suuf iyo xanjo isku soo xidheen,wax kastana sameeyeen oo
suurtogal ka dhigi kara in xooleheenu mar labaad suuq ka helaan
seyladaha xoolaha ee dalalka carabta. Iyagoo fikradaas ka duulayana
waxay soo xodxodeen oo ka dhaadhiciyeen in xooleheenu caafimaad
qabaan maalqabeen u dhashay dalka sucuudiga. Shiikhaas waxa contract
lagu siiyey inuu xooleheenna duuduubka ku qaato qiimo dhan $45
neefkiiba. Isaguna uu isu qabo dhoofinta iyo wixii jidka ku sii
xanuunsada ama dhinta.
Heshiiskaas oo ahaa jaanis mar
kale soo maray qowmiyaddan ayaanka(nasiibka) badan balse aan
jaanisyada ama fursadaha soo mara ka faaiideysan ayaa koox
maalqabeeno ah oo kaashanaya xisbiyada mucaaradka oo haragii adhiga
shaadh siyaasadeed ka soo toshay is hortaageen ganafkana ku dhufteen
meel marinta heshiiskaas. Waxay dadka xoolalayda ah ka dhaadhiciyeen
in xoolohooda xukuumaddu u xidhay nin carab ah oo qiime raqiis ah oo
aad uga hooseeya qiimaha suuqyada caalamka ku iibsanaya, markaa
aanay arritaas ogolaan oo xoolahood haystan, taas bedelkeedana ay
ugu balan qaadeen in ganacsato reer Soomaaliland ahi xoolaha iib
geyn doonaan. Fikradaas xoolaleydu way ku taageereen xisbiyada
mucaaradka xoolahoodiina waxay deyn ahaan u siiyeen ganacsato reer
Soomaaliland ah oo xoolihii ay deynta kusoo qaateen u tahriibiyey
Yemen, iyagana laga sii deynsaday oo la baqsay ilaa haddana aan
qaarkood lacagohoodii helin.
Dadka reer guuraaga ah oo xilligan ku jira marxalad nololeed aad u
adag iyo duruufo dhaqaale xumo oo neefkooda maanta $20 xataa ku
qanacsan ciddii ka siisanaysa, ayaa u muuqda kuwo farta dhexda ka
qaniinsan oo leh "Talo waa maraad garan weydo iyo maraad gaadhi
weydo", ileen talo isuma kaa sheegto.
Maanta ninka ama gabadha reer
guuraaga ah haddii la weydiiyo su,aalo ku saabsan xisbiyada
mucaaradka waxaan u malaynayaa inay ku jawaabayaan: 'Mar i dage alla
ha dago, laba goor i dagase anaa is dagay'
Haddaad shaqsi ama xisbi ama maamul jira fikradiisa ama qaab
dhaqankiisa diido waxa fiican inaad la timaado mid lagu bedeli karo
oo ka fiican taad diideysey. Bil xaqiiqa mucaaradku midho gunti ugu
jira xoolo dhaqatadeenna ayay uga qubeen midho geed saaran. Balse
waan eegi doonaa waxa kala qabsada xoolaleyda iyo mucaaradka xilliga
kubadda doorashadu bilaabato.
Markaa akhristoow miyaan la odhan karin mucaaradku waa BAQAL. "Baqashu
ma dhasho ,wax dhalana majecla".
Iska daa xoolo iyo dhaqaalee, haddii maanta la weydiiyo in la
ictiraafo JSL? jawaabtoodu waxay noqonaysaa maya inta UDUB meesha
haysato. Udub iyo shaqsi ku xumee maaha in mustaqbalka malaayiin
muwaadin oon mutaysan mugdi loo geliyo.
Wabilaahi tawfiiq
Rabbiga raxmaanka ahoow reer miyiga roob iyo
raxmaad u shub.
Jaamac Ducaale
jaamacducaale09@hotmail.com
|