Mucaaradka oo ka hadlay tallaabo Xukuumaddu ku faro-gelisay hawlaha Kaadh-bedelashada

 


Hargeysa May 15th, 2010  (TNN)- Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa naqdiyay tallaabo ay Xukuumaddu Albaababa ugu laabtay laba goobood oo kuwa bedelashada Kaadhadhka ah.

Murashaxa Madaxweyne kuxigeenka xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu nasiib-daro ku tilmaamay in Boolisku farogelin ku  sameeyaa n hawlaha bedelka kaadhadhka. “Waxaanu khalad u aragnaa in Boolisku ay hawshaa sidaa u  gal aan, waayo dadka Somaliland waxay isku ogyihiin in Komishanku ay hawshaa u madaxbanaan  yih iin. Dabcan, Boolisku hawl bay leeyihiin oo amniga dalka ayay qaabilsan yihiin, laakiin xisbi ahaan waxaanu aad uga xunahay in Boolisku soo farogeliyo hawlaha Komishanka. Taasi waxay wax  yee laysaa sumcada doorashada inoo socota, gudo iyo dibadba,” ayuu yidhi.

Waxa uu ku baaqay in si dhakhso ah loo sii daayo hawlwadeenadaa ka hawlgalayay labadaa  goo bood oo ku yaala caasimadda Hargeysa, kuwaasoo lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Booliska. “Waxaanu jecelahay in si degdeg ah loo sii daayo dadkaa Komishanka u shaqaynaya, amarka Komishankana la ixtiraamo. Ciidanka amaanku waa inay fahmaan qiimaha wayn ee ay doorashadu leedahay, sidoo kalena fahmaan in waxani aanay ahayn wax yar oo nabadgelyo ku xidhan, balse uu ku xidhan yahay mustaqbalka Somaliland,” ayuu raaciyay Dr. Maxamed-Rashiid.

Mar la waydiiyay cidda amarkaa bixisay iyo sababta ay xisbi ahaan u aanaynayaan inay salka ku hayso, waxa uu ku jawaabay; “Sida Komishanku sheegay, madaxda Boolisku way iska riixeen amarka xidhitaanka goobahaa, waa wax aan la garan garanaynin, waana waxyaabaha nasiib-darada noqon doonta hadday dadku garan kari waayaan dadka wax xidhaya. Wadanku qawaaniin buu leeyahay, waana inay cadaato oo ay Komishanka u cadaato yaa amarka bixiyay? Amar aanay dadkii ku haboonaa bixini, waa waxyaabaha keeni kara khalkhalka siyaasadda iyo isku-dhaca.”

Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige oo isna xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay cambaaraynayaan talaabada Boolisku  alb aabada ugu xidhay labadaa goobood ee bedelaada kaadhadhku ka socotay. “Waxaanu u aragnaa in arrintaasi tahay mid sharci-daro ah, sababtoo ah su’aashu waxa weeye, maxay labadaa  goo bood kuwa kale kaga duwan yihiin,” ayuu yidhi.

Xoghayuhu waxa uu sheegay in goobahani aanay ahayn kuwo markii hore furnaa oo  qorshaysn aa. “Waa goobo ku yimi xaalad degdeg ah, goobihii hore ee ay ugu talogaleena qaar baa  dukaa mo ah, kuwo kalena waa lagu jiraa. Labadan goobood markii halkay hore u yaaleen la waayay, waxay Komishanku waydiisteen meelihii u xigay ee ugu dhawaa, siday ku yimaadeena waa sidaa, balse macnuhu maaha in madaxda KULMIYE intay u yeedheen inay meeshooda keensadeen, sida guddoomiyaha Komishankuba sheegay,” ayuu yidhi Xoghayaha KULMIYE oo iftiiminayay in  labad aa goobood oo xubno xisbigaa ka tirsani leeyihiin, ay ku timi baahi Komishanka ka timi. “Wixii dhib ka yimaada, masuuliyadeeda waxa qaadaysa Xukuumadda,” ayuu raaciyay.

Mar la waydiiyay sababta ay u aanaynayaan xidhitaanka goobaha, waxa uu yidhi; “Sababtu waxa weeye, Booliska amar baa la soo siiyay, waxaana soo siisay Wasaaradda Daakhiliga,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in taasi muujinayso hadal uu sheegay inay si wadajir ah warbaahinta qaarkood ugu jeediyeen Wasiirka Daakhiliga Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Taliyaha Booliska Maxamed Saqadhi Dubad. “Waad arkaysaa inay labadoodu wada  shaqaynaya an, wada fadhiyaan oo iska caawinayaan shirka jaraa’id…Markaa waa arrin Wasaaradda  Arrim aha gudaha ka timi, dambina waanu u aragnaa,” ayuu yidhi Xoghayuhu.

Waxa uu sheegay in xidhitaanka goobahaa ka hor, aanay Boolisku baadhitaan ku samayn sababaha keenay in goobahaa loo raro.

Mr. Kayse Xasan Cige waxa uu sheegay inay jiraan goobo masuuliyiin UDUB ka tirsani leeyihiin oo bedelaada kaadhadhka codbixinta loo furay. “Goobta diiwaangelintu ka dhacday ee Cusbatalka Edna, waa dukaan oo imika hudheel bay noqotay, waxaana loo raray xafiis UDUB halkaas ku  leey ahay. Markaa inay labadan goobood ee lala soo doontay eegayaan, iyagu si rasmi ah bay xafiiskooda ugu rareen, mana aha in Komishanku u raraan xafiiska UDUB, waana khalad. Waxa kale oo naloo sheegay in niman madaxda ah oo xisbiga UDUB ah ay imika guryahooda ka furan yihiin bedelista kaadhadhku,” ayuu raaciyay. “Markaa haddii la is dabagalayo khaladaadku wuu badan yahay,” ayuu yidhi.



Xigasho: Wargeyska Ogaal