Mooshinkii Wax ka Bedelka Xeer Hoosaadka Wakiilada oo Dib Loo Dhigay
 



Hargeysa  December 5th, 2010 (TNN)-Mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Waki ilada ee todobaadkii hore ay Golaha horkeeneen Koox Mudaneyaal ah oo ka tirsan Aqalka  Wa kiilada ayaa dib loo dhigay ka dib markii Mudaneyaashii mooshinkaasi watay ay dalbadeen in dib loogu dhigo.

Mudaneyaashii mooshinkaasi watay ayaa intoodii badnayd ay saaka jareen inay ka soo  xaadir aan fadhiga waxaanay gaaf wareegayeen hudheelada ku dhow hoolka fadhiyada goluhu ku qa bsoomaan ee Arrimaha Gudaha.

X. Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo goob joog ka ahaa fadhigaasi oo kalmad la siiyay ayaa mudaneyaasha u soo jeediyay inay ka fogaadaan wixii midnimadooda wax u dhimaya  isa goo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi Waxaanu idiinku ducaynaynaa is afgarad iyo  khaat imo ILAAHAY adduunka iyo aakhiraba ha ina siiyo.Walalayaal isku noqda oo dhexdiina ka  hesh iiya yaynaan sida koonfureed (Soomaaliya) isku dhicin oo sidooda aynu foodka qarino iyo aynu gacanta taagno ayay ku kala tageen. Inigu laba tallaabo oo wanaagsan ayaynu qaadnay midi tii siniinka ayay ahayd ee muddo kordhinta iyo tii mushahar kordhinta lacagta labadiiba  oday ga (Madaxweynaha) ayay horyaalaan wali ma saxna. Mid sadexaad yaynaan ku darin. Si  wan aagsan oo kal gacal leh iskugu noda. Waxaan idiinku ducaynayaa intifaaq iyo idinka oo mid ah inaad soo fadhiisataan, oo tallo iskugu noqotaan.

Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee  Golah aasi Md. C/Casiis Maxamed Samaalle oo ka hadlay furitaankii fadhigaasi wuxuu yidhi  “Mudane yaal waxa maanta (Shalay) waxa loo balansanaa mooshin ay Xildhibaano Golaha Wakiilada ka tirsani soo gudbiyeen oo laga aqbalay loona gudbiyay la Taliyaha sharciga si uu u eego  waafa qsanaanta xeerarka Golaha u yaalla, balanku maanta (shalay) ayay natiijada ka soo noqotay iyo la Taliyaha sharcigu wuxuu ka odhanayo arrintaasi. Waxa xalay illaa imika na soo  gaadh aya warar ka imanaya Xildhibaanadii mooshinka soo gudbiyay badhkood oo ay codsanayaan in fadhiga iyo mooshinkoodaba dib loogu dhigo.”

Mudane Maxamuud X. Jaamac Cilmi (Dable) oo ka mid ahaa Mudaneyaashii mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha wax ka saxeexay waxaanu yidhi “Siddii ay balantu ahayd  wax ay ahayd inaynu dhamayno mooshinkii loo gudbiyay la taliyaha sharciga. Anagu haddii aanu  n ahay qoladii soo gudbisay mooshinkaasi, waxa nagula jiray Mudaneyaal badan oo halkan  (fad higa) fadhiya oo been noo sheegay. Diyaar baanu u nahay wixii wax ku hagaagayaan. Sidii  Ma daxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenkuba iyo idinkuba aad tidhaahdeen arrinka aad dib u dh igno. Sidii ayaanu qaadanay. Waxaanu idiinka codsanaynaa shirgudoon in arrinka oo aynu soo dhamaystirano oo inagoo is fahamsan aynu isku nimaadno.”

Waxa xidhitaankii fadhigaasi ka hadlay Md. Cabdi Casiis Maxamed Samaale oo ka hadlay  fadhig aasi wuxuu sheegay inay Xildhibanaadaasi ka aqbaleen in dib loo dhigo mooshinkaasi wuxuu  y idhin “Xildhibaanada Golaha fadhiyaa aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin, Xildhibaanada  moos hinka soo gudbiyay ee codsaday in dib loogu dhigaana way mahadsan yihiin inkasta oo ay  sha raftoodu ahayd inm iyagoo isku dhan ay fadhiga yimaadaan oo sida uu Maxamuud Dable u  yi dhi ay Golaha ka sheegaan, oo hadda laga shakiyi karo Maxamuud ma kaligiibaa mise waa lala qabaa, Maxamuudna wuxuu sheegay inay la qabaan.dib ayaanu u dhignay.”

 



Source: Somaliland.org