Mooshin Lagu Doonayo Aqoonsi Buuxa Oo Ay Somaliland Ka Hesho Beesha Caalamka

 

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kiiniya Maxamed Nuur Axmed (Indha-buur),ayaa sheeegay in Mooshin ku saabsan aqoonsiga Somaliland bisha soo socota la hor dhigi doono Baarlamaanka dawlada Kiiniya.

Safiirka waxa uu sidaa ku sheegay, Waraysi uu siiyay Telifeeshinka Horn Cable TV, isla markaana waxa uu carabka ku adkeeyay in Mooshinkaasi u baahan yahay ollole xoogan oo lagu meel mariyo.

“Waxa bishan soo socota ee sannadkan aynu ku jirno la soo hor dhigi doonaa Baarlamaanka dawladda Kiiniya Mooshin ku saabsan aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland. Sidaa daraadeedna, waxa loo baahan yahay ollole xoogan oo loo galo meel-marinta Mooshinkaas oo aad u muhiim ah..” sidaa ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Nayroobi Maxamed Nuur Axmed (Indha-buur).

Mr. Indha-buur, waxa uu xusay in uu rejo weyn ka qabo Midha-dhalka Mooshinkan oo uu sheegay in uu hore uga baaqday in la hor geeyo Baarlamaanka dalkaasi Kiiniya. Isla markaana, Safiirku waxa uu intaa ku daray in Safarkiisan uu dalka ku yimi ay ku weheliyaan Koox Wariyayaal ah oo qiimaynaya xaqiiqada rasmiga ah, ee ka jirta Somaliland, kuwaas oo uu sheegay in Warbixinta ay Somaliland ka gudbiyaan qayb wayn oo muhiim ah ka qaadan doonto in dalka Kiiniya si weyn looga fahmo jiritaanka iyo Sumcada Somaliland.

Safiirka Somaliland u fadhiya Magaaladda Nayroobi ee Xarunta dalka Kiiniya, waxa uu sheegay in Qaraxyadii 29-kii October 2008 ka dhacay Hargeysa ay si weyn Indhaha Bulshada Caalamka ugu soo jeediyeen Somaliland. “Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka oo ay inaga dhaxayso wada-shaqayn wanaagsani, Somaliland waxay ka heshay dawladahaasi taageero fiican.” Ayuu yidhi Mr. Indha-buur.

Ugu dambayntii Maxamed Nuur Axmed (Indha-buur), waxa uu Bulshada Somaliland ku amaanay sida wadaniyada leh iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen la shaqaynta Hay’adaha Amniga iyo guud ahaanba sida ay nabadgalyada u illaalinayaan.

 

 

 


Hadhwanaagnews